Ururka Damul Jadiid oo Laba Garab u kala Jabay

35463630

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhaxgalay hoggaanka Ururka Damul Jadiid ee maamula madaxtooyada Villa Somalia waqti uu sii idlaanayo xilliga madaxtinimada Xasan Sheekh Maxamuud.
Khamiistii lasoo dhaafay waxaa degmada Cadaado ee gobolka Galguduud gaaray daagl ooge Axmed Madoobe oo ay dhanka siyaasadda isku hayaan Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in socdaalka Axmed Madoobe uu salka ku hayo sii hurinta khilaaf la sheegay in uu u dhaxeeyo Cabdi Kariim Guuleed iyo Xasan Sheekh kaasi oo sababay in Guuleed loogu hanjabo xil ka qaadis.

Saacado kadib socdaalka Axmed Madoobe ayuu Xasan gurguurte magaalada Dhuusamareeb udiray Max’med Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka DF-ka.

Socdaalka Jawaari wuxuu ahaa cadaadis siyaasadeed oo la saarayay Cabdi Kariim Guuleed,siyaasiyiin ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in maamulka kooxaha kooxaha Suufida uu aqoonsi ka heli doono dhanka Villa Somalia waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda uu baarlamaanka DF-ka  ansixiyo maamul loogu magac daray “Central Somalia”.

Xasan Gurguurte iyo Jawaari waxay doonayaan in ay garbaha ka tifaan maamulka Galmudug ee xiriirka la sameystay Axmed Madoobe iyo Cabdi Wali.

Warar kale ayaa sheegaya in Ururka Damul Jadiid uu kala jabay waxaana isku saf noqday Faarax C/Qaadir iyo Cabdi Kariim Guuleed,ifafaalaha muuqda ayaa ah in garabyada Damuljadiid ay kala magacaawdaan musharixiin xilka madaxtinimada ah marka lagaaro bisha Augst 2016.

Liibaan Jeexoow Cabdi.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS