DULJOOGSO:- Taariikhda foosha xun ee Ethiopia & beenta ay reer galbeedku u dhoodhbeen

35474207

Waxaynu ku soo jiraya taariikhda foosha xun ee Ethiopia & beenta ay reer galbeedku u dhoodhoobeen waxaynu maraynay iyadoo Ciidankii Imaam Axmed Gurey ay xabashidii jabiyeen waxayna ka soo reeben haween iyo xoolo tiro badan oo ay markii hore Soomaalida ka qaateen, waxaa kale oo ay cadowga kala soo hadheen 60 faras oo ay ku soo dagaal taggeen.

Ciidankii Axmed Gurey hogaaminayay waxay kusoo noqden konfurta galbeed ee Herer meel halkaas waxaa ku qabsaddey dulaan kaga yimid Suldaan  Abubakar Maxamed  oo isagu kursi doon xilligaas ahaa xabashidan heshiis iskaashi la lahaa.

Muddo ayay taagnayeen weraarada Suldaanku ku hayay ciidanka Imaam Axmed Gurey halkaa ay ciidanka Imaam Axmed Gurey hogaaminayayna doorbidayeen dagaalad ay xabashida lagaal oo kuwa suldaanka aaney ku degdegsaneyn, aakhirkii Suldaanka iyo Imaam Axmed Gurey waxaa heshiis dhex dhigey odayaal dhaqameed Soomaliyeed oo uu hogaaminayay nin la odhan jiray Xaraabo Khalafu oo beesha Mareexan madax u ahaa.

Sanadkii 1529 Axmed Gurey wuxuu xabashida ka soo celiyay dhul muslimiinta ay hore uga qabsadeen sida dhulkii Hadya, Baali,  Sidaamo & Gorjoomi oo in mudda ah ay haysteen niman magac boqor watey xabashidana kaalmeysanayay,  1533kii Ciidankii Axmed Gurey waxay qabsadeen dhulka Amxaarada & Walayta 1535kii Imaam Axmed Gurey wuxuu qabsaddey dhulka konfureed & qaybta dhexe ee dhulka xabashida.

Isla sanadkaas Ciidankii Axmed Gurey waxay gaadheen dhulka Tigreega ila xeebaha Eritrea guulihii isdabo jooga ahaa ee Axmed Gurey & ciidankiisu ay hantiyeena waxay haad geed waayay ka dhigeen boqorkii xabashida ee Lebne Dangle oo hadba dhan u qaadey una dhex cararayay dhulka buuraleyda, sanadkii 1533 Axmed Gurey wuxuu ku duuley gobolka Gojjam waxaana halkaas ku sugnaa boqorkii xabashida Lebne Dangle oo isku dayay inuu isdifaaco hase yeeshe tamartiisa ayaa run u sheegtey wuuna jabay, isla sannadkaas waxaa gacanta ciidanka Axmed Gurey soo gashey magaalad Aksum.

1537 Imaam Axmed Gurey wuxuu dhameystirey baabinta awood kasta oo xabashiduu isku difaaci kareysey ama dagaal kooban ku gali kareysey, wixii xilligaas ka dambeyayna halgama Axmed Gurey wuxuu baabiyay kiniisado badan oo dhulka masiixiga ku yaaley, Imaamku wuxuu ashahaad u qabtey qaar badan oo xabashida ka mid ahaa halkaas ku qaatay diinta islaamka ee sharafta & hufnaanta u saaxiibka ah waxaana sidaas ku sal dhigatay taariikhda foosha xun ee xabashida waana meesha ay ka abuurantay cunista hilibka caydhiin/qaydhiin ama cayriin ee ay ilamaanta Ethiopian-ku quutaan.

Hadaynu yar dul joogsano sababtii xabashida bartay in ay hilib caydhiin/cayriin ama qaydhiin cunaan waxay ahayd markii uu Imaam Axmed Gurey dagaaladii isdabo jooga ahaa ku jabiyay xabashida oo markeedii horeba gaajo saran lahayd waxay ku urureen buuraha sare waxaana ku adkaatay in ay helaan dhuuniga oo awalba cidhiidhi kaga jiraya, assalkoodaba waxay cuni jireen wax kasta oo xayawaan ah oo ay helaan ama ha noolaado ama bakhti ay meel ka heleen ha ahaadee.

Hadaba markii uu Imaam Axmed Gurey xabashida weerarada ku hafiyay god kasta oo ay galaana uu ka saray waxay ku dhuunteen buuraha waxayna ka cabsadeen hadii ay xili maalin ah dab shitaan in uu Imaamku qiiqa ku soo bidhaansado hadii ay habeenimo shitaana kaba daran oo iftiinka ayuu ku soo bidhaansan, sidaas darteed xayawaankasta oo ay helaan isaga oon dab la taabsiinin dhiiguna ka da’ayo ayay cunayeen sidaasna way ku qaabtimeen caydhiinka/cayriinka qaydhiinka.

35474272

XIGASHO:-Qorahay Media