Imaam Axmed Gurey Geesi Soomaaliyeed oo Baal Dahab ah Kaga Qoran Taariikhda Umadda Soomaaliyeed. ( Fadlan Walaal Akhri Qeybtii Koowaad Qormooyin Taxane ah oo ka Hadlaya Taariikhdii,Halganadii Iyo Dagaaladii Itoobiya uu la Galey Imaam Axmed Gurey )
===========================================================
Imaam Axmed Magaciisa oo dhameystiran waa Axmad ibn Ibrahim Al-Ghazi. sida soomaalida ay u taqaano waxuu ku magac dheeraa “Axmed Gurey” waxaana uu ahaa nin geesi ah oo magac wayn ku leh dunida gaar ahaan umadda soomaaliyeed.
Imaam Axmed Gurey sida taariikhyahanadu ay weriyeen waxa lagu qiyaasaa sanadkii 1506 inuu ku dhashey dhulka u dhexeeya Saylac iyo Harar waxuuna geeriyoodey Bishii February 21, Sanadkii 1543 CE isagoo ahaa Imaam Axmed Gurey mid ka mid ahaa hogaamiyeyaashii soo marey Saldanadii la oran jirey Cadal, Boqortooyada Adal ama Awdal waxuuna sidoo kale ahaa Ragii ducaada ahaa ee aadka uga soo hor jeeday boqortooyinkii ka talin jirey dalka itoobiya iyadoo sababihii ugu waaweyn ee Imaam Axmed Gurey isagoo nin dhalinyaro ah oo qiyaastii 18 sano jir uu dagaalo ugu qaadey xabashida ay aheyd isagoo u arkayaay boqortooyadii Itoobiya in ay wadeen fidno ay markaas ku doonayaan inay dadka islaamka ah diinta kaga saarayaan gaar ahaan kuwa soomaaliyeed iyo sidoo kale iyagoo u geysan jireen tacadiyo baaxad weyn waxaana ay ka qaadi jireen lacag baad ah ama (Jizya) loo yaqaaney.
Hadaba Dagaaladii ugu horeeyey ee geesigii soomaaliyeed Imaam Axmed Gurey la galey itoobiya waxaa ka mid ahaa abbaarahii sanadkii 1526,dii. ayaa imaamka oo ku dhex jira una kala gar qaadaya qabaa’ilo soomaali ah oo wax kala gaareen ayaa loo soo sheegay in ciidan xoog leh oo Xabashi ahi soo weeraray degmo galbeedka Harar ah,[126] ciidankaas oo ka yimi Shawa waxaa hogaaminayay nin la oran jirey Dagalhaan oo nagaashka seedigii ahaa, wuxuu ku soo dagaal galay 600 oo faras, waxyeellada ka sokow waxay kaxaysteen hanti badan iyo maxaabiis ay ka mid yihiin dumar waayeel ah oo ay ka mid ahayd hooyo dhashey nin ka mid ahaa madaxdii muslimiinta oo la oran jirey Amiir abuubakar qudeyn. markii uu warkaas maqlay imaamku halhaleel ayuu u qalab qaatay, wuxuuna si degdeg ah uga daba tagay ciidankaas.
Markay joogaan togga ‘Caqam’, ayay dareemeen inay ku dhow yihiin, ka dibna sahan ka kooban 8 fursaan ah oo nin la oran jirey Xuseen Gaaturi wato ayay direen, waxay arkeen inay toga Deyr ku hoyanayaan, aroortii ayay imaamka iyo ciidankiisu goobtaas hareeraha ka fariisteen ciidankii soo duulay ee Xabashida, ciidanka Imaamku dagaalo dhacey ka dib wuxuu dib u qabsaday hantidii iyo dadkii la soo qaadey, wuxuuna qabtay 484 maxbuus kuwaas oo qaar ka mid ah hadiyad ahaan loogu diray amiirka Zabiid ee Yaman, Sulaymaan al-Mutawalli,[127] si natiijada guushu u noqoto mid ay dareemaan saaxiibada boqortooyadii Adal.
Carabfaqiih ka sokow, duulaankan waxaa si xiise leh uga warramay Xabashida, Abokor-qadeen hooyadii oo la oran jirey Fadima markii la horgeeyay ninkii sarkaalka ahaa ee u dhashey itoobiya lana oran jirey Dagalhaan, ayaa waxa ay ku tiri, “Maxaad ka helaysaa qafaalashadeyda? Qafashadeydu waxay noqon doontaa dhammaadka gulufka, qabsashadaaduna waxay isu baddali doontaa guuldarro. Wiilkaygu waa geesi, nin daran, qalbigiisu dagaal ayuu u darban yahay cagihiisuna xarbadda iyo dhiigga ayay u degdegaan. Dhabtii haddaydan i siideyn, wiilkaygu waligi ma nasan doono ilaa uu iga badbaadiyo gacmahaaga. Ereyada oo afkeeda ka qoyan, ayaa Imaamki si degdeg ah u soo muuqday, sida hillaacii ayuuna u dul maray”.,ciidankii Nasaaradu ee Itoobiya kabahoodii ayey ka carareen, qof walba foolkiisa ayuu u baxsaday, waxay ka kala dhaceen Dawaaro, Fatagaar, Awfaat iyo Gidhim.[128] Siday Faadimo saadisay, weerarkani wuxuu noqday kii ugu danbeeyay ee Xabashidu ku soo qaaddo Awdal intii imaam Axmad Gurey noolaa, laakiin wiilka saadintaas fuliyay Axmad Gurey ayuu noqday ee ma noqon Amiir abuubakar qudeyn.
Axmad Gurey wuxuu kaga duwanaa raggii asaga ka horeeyay, wuxuu karti iyo go’aan u yeeshay inuu curiyo isbaddal sal iyo baar ah, arimo badan oo isagu la yimi waxaa laga yaabaa xataa inaanay ku jirin qorshaha raggii asaga ka horeeyay ee maamuli jirey boqortooyadii Awdal. Intaanu wajihin boqortooyada Xabasha, wuxuu goostay inuu wajaho boqortooyada dalkiisa, waayo waxay labadii qarni ee la soo dhaafay ku guulaysan weyday inay si kama danbays ah u joojiso duullaanka Xabashida. Xukunka wuxuu ku gaaray asagoo soo maray saddex marxaladood: halgankii uu la soo galay quwadaha muxaafidka ah; soo celinta amaanka iyo gaarsiinta awoodda dawladda qabaa’ilka Awdal oo dhan; iyo hirgalinta isbaddal lagu sameeyo maamulka iyo sharciyada dawladda oo uu ka dhigay mid Shareecada Islmaalmka ku qotoma. Dadaalka dheer ee uu dhawrkii bilood ee ugu horeeyay u galay wax qabadkaas, ayaa ka dhigay ninka ugu awood badan dalka. Marka hore wuxuu u qalabqaatay inuu burburiyo awooddii suldaanka iyo taageerayashiisa, markii uu taas ku guulaystay oo uu ku khasbay qabaa’ilka fallaagada ah inay u hoggaansamaan dawladda iyo sharciga, wuxuu guda galay meel marinta siyaasadihiisa, wuxuu soo rogay hirgalinta shareecada; wuxuu ku dhawaaqay jihaad, wuxuu mamnuucay Muslimiinta xadku inay wax gibir ama baad ah siiyaan Xabashida, kadib wuxuu u jeestay saxitaanka dhaqanka dawladda, sida maamulka sakada iyo cidda maamulaysa. Asaga ka hor fawdo ayaa muuqatay, sida Carabfaqiih tilmaamayo: “Imaamku wuxuu amar ka siiyay amiirada iyo suldaanka arinta … zakada, waayo suldaannada iyo amiirrada iyo arbaabtooda iyo cid kasta oo u talisay dhulka Sacduddiin, zakada ay ka qaadaan Muslimiinta iyaga ayaa cuni jirey oo u leexin jireen danahooda, waxna kama siin jirin fuqarada iyo masaakiinta iyo ciddii xaq u leh.”[129] Axmad wuxuu soo jeediyay arrintaas in la joojiyo,[130] taasi xataa mar danbe waxay u soo jiiday gadood khatar ah oo kaga yimi taageerayaashiisa qaarkood.
Maalintaa wixii ka dambeeyay Awdal oo dhan waxaa gaaray sharciga iyo gacanta cusub ee dawladda, laakiin arrimahani waxay ahaayeen gogol dhigga ujeedada dhabta ah ee imaam Axmad iyo raggiisa, dhanka kalana horumarka cusub ee laga gaaray xagga maamulka gudaha ah iyo daandaansiga Xabashida ee joogtada ahaa, waxay yoolka ugu danbeeya ee imaam Axmad ka dhigeen jihaad iyo istaraatiijiyad cusub oo dagaal.
Ololayaal Dagaal oo ka Dhan ah Xabashida.
Ololaha 1aad ee Jihaadka: Soo Celinta Gobollada Maqan iyo Qabashada Galbeed.
Imaamku dagaaladuu la galay Xabashida: waxaa laga xusi karayaa labo difaac oo ahaa galbeedka Awdal iyo hal duulaan oo ahaa Dawaaro, kuwaasi waxay hordhac u noqdeen olole weyn oo soo aaddan ka dib markii Awdal ay la noqotay in aanay dow ahayn in lala noolaado dhiillada joogtada ah ee Xabasha. Amuuraha imaam Axmad ee ilaa iyo hadda Awdal ka dhacay kaliya waxay tilmaan iyo tusaale u ahaayeen ifafaale aan horey loo arag oo ka dhex aloosma labada ummadood maadaama Axmad uu rabay meel marinta riyo fog oo u rumoobi weyday raggii asaga ka horeeyay.
Duulaankii Fatagaar, Shawa iyo Dawaaro
Mar ku aadan sanadkii 1527,kii ayuu imaamku kaxaystay ciidan ballaaran, wuxuuna gudaha u galay Fatagaar, asagoo gaaray goob la yiraahdo waddo mashak oo hal maalin iyo bar u jirta goobta neguuska ama boqorka Xabasha. Goobta uu markaas ku sugnaa lama caddeyn, waxaase saldhig u ahayd kaniisadda Baadqe ee daanta galbeed ee Dukham, sidaa darted ciidankani waa inuu gaaray meel u dhow buurta Ziqaala. Imaamka iyo saraakiisha qaarkood waxay soo jeediyeen inay ku dhardhaaraan saldhigga neguuska, laakiin ciidanka waxaa ka muuqday inaanay wali diyaar u ahayn dagaal lagu qaado xarumaha neguuska, wayna diideen in la galo goobta uu fadhiyo. Imaamku taas waa ka xumaaday wuxuuna meel la fariistay murugo iyo oohin, sida qoruhu u yiri, wuxuu ka xumaaday fursadda la dayacay, iyo midnimo la’aanta ciidanka. Ayagoo aan dagaal la kulmin soona qaniimaystay ayay ku soo laabteen Harar. Laakin Axmad kuma qanacsaneyn in duullaanku sidaa ku dhammaado, markaa wuxuu diray labo ciidan: mid uu hogaaminayo Mansuur Maxfuud Gaaturi, oo ahaa ilaa 2,100 oo nin oo wata 100 faras. Wuxuu aaday dhanka Xabasha, taasoo macnaheedu yahay Shawa ama Awfaat. Dagaal lama kulmin, weyna Qaniimaysteen. Kan kale oo ahaa 1,500 oo nin oo wata 500 oo faras, waxaa kaxaystay waziir Cadli, waxaana ka mid ahaa amiir Mujaahid Cali Cabdullah Suuxe, oo sida muuqata aan markaas wali waziir noqon. Waxay galeen goobta Wanbariya ee Dawaaro, ha yeeshee markay soo gaddoomeen goobta Zamiit ee isla Dawaaro waxaa ku qabsaday dagaal xun, wayse guulaysteen oo soo noqdeen.[132]
Walaal Intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad Qormooyin Taxane ah oo ka Hadlaya Taariikhda, Halganadii Iyo Dagaaladii Itoobiya uu la Galey Imaam Axmed Gurey waa inoo qeybta labaad oo aad u xiiso badan Insha alah.
Xigasho: Buugga: Somaliya dad iyo dal.
Qoraaga:siciid shidaad xuseen.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS