Hoos udhaca qiimaha shidaalka Maxaa sababay?

Yaa mas’uul ka ah in shidaalka dhulka galo ? waa maxay dhibaatada kadhalan kartaa si cilmi la aah ah ayay dadku ooga jawaabayaan su”aashaas laakiin jawaabta dhabta ah waa ” maraykan ” cida dhabta ah ee gacanta kuhayso qiimaha shidaalka waa dowlada marykanka , wixii kahoreeyay 1970 maraykanku wuxuu ahaa midka oogu weyn wadamada iib geeyo shidaalka asgana ayaa mas”uul ka ahaa qiimaha shidaalka xilliga uurabo ayuu kor oqaadi jiray hoosana udhigi jiray , laakiin wixii kadambeeyay 1970 maraykanku waxa uu isu badalay dowlad soo iibsato shidaalka oo shidaalkeeda wuu ku filnaanwaayay wixii intaas kadambeeyay waxaa halkaas kabaxay in maraykanku maamulaan sicirka shidaalka waxaana lawareegay sucuudiga laakiin sucuudiga maraykanka ayaa gacanta kuhayo.

dhulgariir

Xakamaynta sicirka shidaalka waa qodobka oogu weyn ee ilaalinta amaanka maraykanka sidaas darteed kor uqaadida qiimaha shidaalka iyo hoos udhigidiisa waxaa 100% mas’uul ka ah maraykan” ( baaritaan ay samaysay jaamacada ” harvard university” in qiimaha shidaalka hoos udhaco waxay faaiido weyn utahay dhaqalaaha maraykanka si arintaas aan uxaqiijino aan idinsiiyo tusaale .

Warbixin aad sir u ah oo ay soo saartay wasaarada tamarta ayaa lagu yiri sidaan – siyaasadeena waa in ay ahaataa marwalbo in qiimaha shidaalka hoos udhaco aagu yaraan 30-40 boqolkiiba si loo kobciyo dhaqaalaheena, YAA KHASAARAY YAASA FAAIIDAY HOOS UDHACA SHIDAALKA ? Waxaa faaiiday maraykan waxaa qasaaray dowladaha shidaalka soo saaro gaar ahaan kuwa khaliijka carabta.

Tusaale ” dhaqaalaha sucuudiga 90% waxa uu kutiirsanyahay shidaalka sidoo kale nayjeeriya 75% ruushka 50% iiran 47% fanazuweela 40% inta aysan dhibaatadaan imaan ama wax yar kahor qiimaha shidaalka waxa uu ahaa 120$ halkii fuusto ” Oil barrel ” halka uu maanta maraayo 27$ oo kaliye !! waxay kadhigantahay in halkii fuusto qasaarto 90$ sagaashan doollar !!! lacag aan caadi ahayn ayaa maraykanka usoo haraayo qiimo dhicida shidaalka darteed.

Tusaale : 7 milyan oo fuusto ayay dowlada maraykanka soo iibsataa maalinkato hadaba markii la eego qiimaha shidaalka ee maanta waxaa u baaqanaayo maalinkasto 630 milyan oo doolar ! sanadkiina 230 Billion ! waa lacag aad ubadan – waxaad ku sii dartaa faaiidada uu kahelaayo dhaqaalaha maraykanka oo lagu qiyaasay 360 Billion — Waxaa layaableh in shidaalka gawaarida lagu shubto hoos udhacaayo wadamada soo iibsado shidaalka halka uu kor ukacaayo wadamada soo saaro shidaalka !!.

Tusaale : qatar iyo sucuudiga kor ayay uqaadeen shidaalka dadka ay kushubtaan oo dadka jeebkooda lacag dheeri eh ayaa kabaxayso halka dadka maraykan ka ah ay lacag usoo harayso >! wadamada khaliijka maalinkasto waxay qasaarayaan 1.53 Billion oo dollar! DHIBAATO SIYAASADEED AYAA KADHALAN KARTO Hoos udhaca deg dega ah ee sicirka shidaalka waxaa kadhalan karo dhulgariir siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo caalami ah gaar ahaan wadamada soo saaro 2014 qiimaha waxuu ahaa 115$ halkii fuusto waxaana laqiyaasaayay in oogu yaraan qimaaha saas iska ahaan doono ama si tartiib tartiib ah kor usii kici doono.

Sidaas darteed shirkadaha shidaalka ee caalamiga ah waxay lacag badan kubixiyeen in ay shidaal kabaaraan meelo aad uhalis ah sida bartamaha badda iyo buuro leey aad udhibadan waxayna ku bixiyeen lacag aad ubadan taasoo kadhigan khasaaro baaxadleh tusaale : meelaha qaar in aad hal fuusto oo shidaal ah soo saarto waxaa kaaga baxaayo 50$ oogu yaraan laakiin kawaran hadii aad ku iibiso 27$ adigoo 50$ kaaga baxday ? waxay lamidtahay sidii qof alaab suuqa ooga soo iibsaday qiimaheedu yahay 100$ kuna sii iibiyay 40$ ! .

Waa arin aana caqliga galayn : LABO FAAIIDO OO WAAWEYN AYAA MARAYKANKA OOGU JIRO 1: in la naafeeyo dhaqaalaha cadowga maraykanka sida RUSSIA oo ah mid kamid wadamada shidaalka soo saaro 2: in lakobciyo dhaqaalaha maraykanka wixii kabilowday 2008 ilaa hadda maraykanku kama soo kaban dhibaatadii dhaqaale ee aduunka kudhufatay sidaas darteed hoos udhaca shidaalka si weyn ayuu usaacidayaa dhaqaalaha gudaha marykanka.

Wadanka Fanazuweela saamayn deg deg ah oo siyaasadeed ayuu durb aku reebay hoos udhaca shidaalka oo waxaa talada waayay xizbigii talada hayo ayaa looga adkaaday doorashooyinkii bil ka hor ahaa waxaan meesha fariistay mucaaradkii waxaa macuul ah in si doo kale dhibaatada kabilaabato ruushka iyo xitaa wadamaad carabta ee khaliijka . Hadii wadamada khaliijka yareeyaan shidaalka faraha badan ee ay soo saarayaan waxaa kor ukici qiimihiisa tusaale : hadii maalin walba soo saaraan 17 milyan oo fuusto qiimaha isma badalaayo lkn hadii ay 10 milyan oo fuusto kadhigaan waxaa kor ukacaayo qiimihiisa laakiin arinkaas masamayn karaan sababtoo ah maraykaka ayaa gacanta kuhayo xitaa ayagoo khasaaraayo lacag badan.

Dhaqaale la aantu waxay keentaa kacdoon iyo xasilooni la aan — maxaa keenay in kacdoonka kadhasho wadamada masar tunisia iyo yemen – qodobka oogu weyn ee keenay waa shaqo la aan dhaqaale la aan iyo baagamuudadii oo badatay — maanta dadka ku nool khaliijka way aamusanyihiin oo lacag ayay haystaan laakiin barri sidaan ma ahaan doonaan — oogu dambayn : waxaa socdo dagaal dhaqaale oo maraykanku wado asagoo kaashanaayo wakiiladiisa carabta bartilmaameedsanaayana ruushka – nidaamka rasimaaliga ah ee waraabaha ah waqti kum aqaadan in uu hurriyo dagaalkii labaad ee aduunka ee 50 milyan oo qof lagu dilay sidaas darteed kama lab alabaynaayo in uu huriyo dagaal lafaha dhaqaalaha la iska burburinaayo — goobta dagaalaas uu kasocdana waa wadamada carabta dhibaatada oogu weyna waxay kudhacaysaa muwaadinka tabarta daran ee carbeed.

W/Q DR Cabdulxayi Zaluum ” lataliye sare ahana qoraa caalami ah waxana Tarjumay Omar Inshar

One thought on “Hoos udhaca qiimaha shidaalka Maxaa sababay?

  1. Pingback: Check it out | Allwanaaag's Blog

Comments are closed.