Xasan Sheekh oo ku Jeejeesay Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed

12647371_1215622995133811_7759019562142897180_n

Booqashada Xasan Sheekh ee Kenya iyo ka qeybgalka aaska loo sameeyay melleteriga Kenya waa jees jees iyo ku digasho qayaxan oo ka dhan ah Boqolaal qof soomaali ah oo ciidanka Kenya ay ku dileen gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Diyaaradaha dagaalka Kenya waxay duqeymo bahalnimo ah ka fuliyeen degmooyin iyo deegaano katirsan Gedo waxayna xasuuqeen tobaneeyo qof Soomaali ah,majirto mas’uul katirsan DF-ka oo ka hadlay duqeymahaas Xasan Culusoowna waa ku farxay sida aan ka aragno ficilkiisa!!.

Haddii Xasan Gurguurte uu u madax raariciyay wiilasha Nasaarada Kenya ee Soomaaliya lagu dilay sooma ahan in uu Raalli ka yahay dadkii ay soomaaliya ku laayeen.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Dowladda Federaalka waa doqonkii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya wuxuuna kasii liitaa Col.Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed oo labaduba ahaa dabadhilifyo diinkooda iyo dalkooda iibsaday.

W/Q Saxafiga madaxa banaan ee Warfaa Kheyrdoon.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS