Beesha lixaad(Beesha Caalamka) Soomaaliya waa u Mashruuc, waana caqabadaha ugu waawayn oo ay dowladnimo Soomaaliyeed ka dhismi la’dahay!!!+ Siyaasi Damiir laawe ah!

Soomaaliya waa in aynu ka xorownaa ugu horayn labadan cadaw ee isugu keen bahaystay, dulmiga, cadaalad darada, fasaadka dowladnimo iyo sedbursiga, waana Beesha lixaad(Beesha Caalamka), iyo siyaasi khaa’in iyo damiir laawe ah, oo kursi doon ah, maaha cadawga Soomaaliya labadan oo keli ah, bal se waa kuwa ugu sii daran

beesha

Waqtiga aan maanta joogno. Beesha lixaad (Beesha Caalamka) Soomaaliya waa u Mashruuc ay Malaayin lacaga ku helaan, siiba waqtiyada dowlad la dhisaayo, ama doorasho jirto iwm, sidaas awgeed iyagu dan iyo heela toona kama laha waxa dalka ka xumaanaaya, dowlad hagaagsan, dulmiga, cadaalad darada iyo fasaadka dhexdeena, bal

Iyaga waxa u darani waa in deeq bixiyaashu ay u soo shubi waayaan lacagta loo qoondayay Soomaaliya, sidaas awgeed in badan oo Soomaali ah baa u haysta, marka ay Beesha Lixaad leedahay hal maalin looguma dari karo dowlada maanta jirto, in ay wanaag u wadaan! Bal se xaqiiqadu waxay tahay in ay difaacayaan lacagaha ay

Mashruucan ku helayaan, sidaas darteedna waa in ay hadba inagu qasbaan, oo dusha inagaga keenaan, waxaan inaga inoo cuntamayn, oo aan wanaag iyo dan tooni inoogu jirin! Khayrul daliilna waa taas maanta dhacday, in ay inagu qasbaan, waxay shacabka Soomaaliyeed intooda badani ka soo horjeedaan, oo ay soo diyaarsadeen madaxda

Dowlada ee ku fashilantay talada dalka, hadana doonaaya in ay xukumka dib ugu soo noqdaan!!! Siyaasiga Soomaaliga ah ee khaa’inka iyo damiir laawaha ah, ee kursi doonka isna waa cadawga labaad ee uu dalkeenu leeyahay, kana degi la’yahay, siyaasiga damiir laawaha waa kii 4.5 inoo keenay, inana aan ka aqbalnay, ma ahayn 4.5 in markii horeba

Laga aqbalo, maantana way adagtahay sida looga fur furaa, waayo 4.5 wuxuu ku helayaa kursi aanay cidina kula xisaabtamayn, oo uu magac qabiil ku helay, cid ka sheegan kartaana ma jirto, baahida deegaanada ama beelaha uu metelo iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhanba dan kama laha, bal dantiisu waa in uu kursi ku leeyahay dowlada

Dhexe, hantida qaranka ee la boobaayona qaybtiisa ka helaa!! Tusaale siyaasiyiintaas waxaa metela maanta Xasan Shiikh, Cumar C/Rashiid, Maxamed Cismaan Jawaari, Shariif Xasan, iyo kuwa kale ee la midka ah, beelahooda iyo deegaanadoodu ma soo dooran, oo dhamaantood waxay ku yimaadeen 4.5 oo aanay cidina ka sheegan Karin

Kulana xisaabtami Karin, maanta siiba labada hore waxay u ololaynayaan in dib loogu noqdo 4.5, taas oo ay kaga soo horjeedaan, deegaanadii iyo beelihii ay metelayeen, waayo iyaga ayay dantoodu taas ku jirtaa, oo waa sida keli ah oo ay xukumka dib ugu soo noqon karaan, labadan cadaw waa heeshiis, waxayna isu bahaysteen hagardaamaynta

Ummadda Soomaaliyeed, afar sano wixii la qaban lahaa oo dhan inta si ula kac ah looga gaabiyay, ayay hada si qarqarsi iyo deg degsiinya ah, ayay doonayaan inay dusha inagaga keenaan waxa ay rabaan iyagu!! Waana caada soo jireen ahayd, oo ay u barteen Beesha Lixaad, in ay maalmaha ugu dambaya ina dedejiyaan, sidii uu cirka iyo dhulku isku soo

Dhacayaan. Hadaba Maanta waa ina aan diidnaa qarqarsiga ama dedejinta Beesha Lixaad (Beesha Caalamka) iyo in ay wax inoo yeedhiyaanba, taas oo aynu ku cabirayno debedbaxyo debeda iyo gudahaba mustawaha shacabka, iyo diidmo deegaanada, gobolada iyo maamul goboleedadaba ah, waana in aan dalbanaa arimahan soo socda:

1- in la soo afjaro oo aan dib loogu noqon 4.5.

2- in dadka ka talinaaya masiirka dalka la balaadhiyo, masuuliin hore, waxgarad, culimo, siyaasiyiin madaxbanaan, aqoonyahano tira badan lagu soo kordhiyo inta ka talinaysa masiirka dalka. Sheekada dowlada dhexe ee ah haya’ado distuuri ah baa jira, waxba kama jiraan, waa haya’ado faasid ah, oo fashilmay, masiirka dalkana laguma aamini karo, ee waa in markan ay taladu wadaag tahay.

3- waa in aan wadatashiga la dedejin, bal waqti la siiyaa, xataa hadii waqtiga hada lagu balansan yahay, dib looga dhacaayo saddex bilood afar bilood ugu badnaan lix bilood, laakiin se waa in ay hawlo soconayaa mudadaa, oo talada lala wadaago dawlada hada jirta.

4- waa in la helo sharciyo ku qasbaaya qof kasta oo dawlada dhexe ka mid noqonaaya, in uu ogolaansho ka haysto degmada iyo gobolka uu metelo, markii loo baahdona ay kalsoonida kala noqon karaan, dowlada dhexena ay taas fulinayso. Xataa hadii uu madaxwaynuhu ra’iisal wasaare soo magcaabayo, waa in uu kala dhex baxaa saddex ama afar qof, oo ay soo xuleen cida mansabkaa la siinaayo,oo aanu ciduu doono isagu soo magcaabin. Arintaa waxaa ku yaraanaya fasaad iyo musuq maasuq wayn oo dawlada dhexe ka dhex jira.

Ugu horayn se waa in aan Bireega u qabano Beesha Lixaad, oo aan iska xorayno, yaan dib dambe loo yeelin faragelinta qaawan ee ay dalkeena ku hayaan.

Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam
almutawaadic@yahoo.com