Xoriyadii Jabuuti xoogii ay Soomaalidu galisay faa’iidadiisi ma garabsiinta gumaysiga ayay noqotay

34114500

Umadda Somaliyeed oo dhaqan iyo dhalasho wadaag ah gumeystayaashii reer galbeed iyo kaka daran ee Ethiopia waxay u qeybiyeen shan meelood ujeedada ugu weyn ee gumeystayaashu sidaas uyeelayeena waxay ahayd yareynta awooda umada Soomaaliyeed ee ay wada jirka ku yeelaneysey taaso daaraneyd u nugleynta cadoowgeeda kobaad waa xabashidee.

Markii laba qeybood ee shantii laynoo qeybiyay ka mid ahaa xoriyadda qaateen,waxa sidii la sugayayba baadi goob u galeen walaalahoodi kale ee goortii la kala soocay ay sida fiican u garanayeen 1960kii Dowladii Soomaaliya ee rayidka la odhan jirey, habkii ay u wadey qadiyadda Soomaalida lagu raadinayo oo saraakishii Ciidanka Soomaaliya u arkeen gaabis ayaa sababtey inqilaabkii dalka ka dhacay dowladii kacaanka ee xilligaas dhalatey waxay baadi goob u gashay dhulalkii kale ee Soomaalida ka maqnaa.

Jabuuti oo ka mid ahayd kuwaas la baadi goobayay Xoriyaddod ayaa Maamulka Jabuuti si fudud ku iloobey umada Soomaaliyeed ee kalena ugama tarsheegan oo ma hadal hayso balse qoraalkan ayaynu ku eegeyna jidkey Jabuuti gobonimada ku heshay balse Soomaalidu ma qaban lahayd maamulka dalkaas hadii aan dowladii kacaanku ka shaqeyn.

Markeynu dib ugu noqono taariikhda waxaynu heleynaa in Soomaalida looga sadroona Jabuuti qowmiyadda Canfarta oo iyana Jabuuti ku dhaqan ayaa lahayd gacanta sare ee maamulka Jabuuti Iyada oo tiro ahaan ka badneyd Soomaalida, 1974-kii  aftidii France-ku u qaadey xornimada Jabuuti 60% waxay u codeyeen sii joogitaanka France-ka dadka sidaas ku codeyay ayaa ahaa Canfarta oo aqlabiyada lahaa xisbigii Canfarta ee la odhan jirey Union et Progers Dans L’Ensemle oo cabsi weyn ka qabey dowladda Soomaaliya faro galinta ay ku leedahay Jabuuti ayaa dadka Canfarta ka dhaaciyay inay doortaan sii joogi taanka Frnace-ka.

Hogaamiyahii xisbigaas oo la odhan jirey Cali Careef Burhan ayaa ahaa ninka sida weyn cabsida uga qabay in Jamuuriyada Soomaaliya ay liqdo Jabuuti dowladda Soomaliya oo ay markaas u muuqatay dheeliga ka jira Jabuuti ayaa kumanaan shacab ah ka rartay deegaanada Seylac ku dhow ila magaalda Dirir-dhaba ah (Dhaba) dadkan oo xoolo badan dowladu ku bixisey ayaa laga talaabiyay degmada Lughaya si ay u kordhiyaan tiradda dadka Soomaalida ah si hadi gobonimo la gaadho aaney Soomaalidukuwo tiro yaro oo lagu xukumo u noqon.

Dowladda Soomaaliya waxay Jabuuti u dhistay Jabhadii Xoreynta Jabuuti ee la odhan Jirey Jabhada Xoreynta Xeebta Soomaaliyeed loona soo gaabin jirey FLCS (Front De la Cote Des Soomaali) dowladu Jabhadan waxay u qorsheysey misaniyada iyo hub, Ciidamo Jabhadan dhamaantood waxay tababaro ku qaateen xeryo ku yaal Soomaaliya degmada Agabar ee Waqooyiga Hargeysa ayaa ka mid ahaa xarumahoodi tababarka.

Xadhigii dowlada France-ku kula kacdey laba masuuliyiinti ugu sareysey Jabhadaas laguna kala magacaabi jirey Cumar Cilmi Kheyr iyo Maxamed Cumar Cusman Dowlada Soomaaliya waxay kaga jawaabtay in Jabhada ay ku amarto inay iyaguna qafashaan Safiirka France-ka ujooga Muqdisho ninkan oo lagu magacaabi jiray, M Jean Geury ayaa dowlada Soomaaliyeed oo amankisa ka masuul ahayd ogolaatay afduubidiisa si loogu soo furto xubnaha Jabhada ka xidhan goor fiid ah ayay afduubka Safiirkan fuliyeen NSS Soomaaliya iyo xubno Jabhada ka mid ahaa

Dowladda Soomaaliyaa ayaa France-ka iyo Jabhada ku dhexdhexaadisey  soo deynta labada nin ee ka xidha Jabhadu inay furi u tahay sii deynta safiirka dowladda Soomaaliya ma qarsan jirin gobonimada Jabuuti inay u halgamayso balse xataa talaabooyin dhanka Militeryga ah ayaa arrintaas u qaaday.

Tusaale aynu usoo qaadano werarkii Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ku qaadeen Diyaarad France leeyahay werarkan ayaa ka dhacay March 1974 kadib markii Diyaarad nooca dagaalka ah noocidun ahaa MIG-17 oo Soomaaliya lahayd werartey diyaarad nooca lagu tababaro ciidanka ah oo France-ku leeyahay, yada oo dul duuleysey meel ku dhow xeebta magaalada jabuuti,Dowladda France-ka ayaa war calaacal ah u muuqdey kasoo saartey 24/3/1977 werarkan yado sheegtey in Ciidanka Cirka ee Soomaaliya ay duqeyeen diyaarad Frnace leeyahay oo dul mareysey meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

1976kii Dagaalkii dhex maray Canfarta iyo Soomaalida ku wada dhaqan Jabuuti Ciidamada Soomaaliyeed waxay taageero caafimad iyo mid hub ah oo xadka si dhuumaleysiya looga galiyay ugu deeqeen dadka Jabuuti ee Soomaalida ah, dowladda Soomaaliya kal fadhigii wadamada Farnce gumeysan jirey ee Frace Phone laysku dhahaa yeesheen 1974 waxay tagtay shirkaas  iyadda oon xubin ka ahayn dalalkaas waxayna dalbatay in madaxbanaani la siiyo Jabuuti.

Kal fadhigii Qarmadda Midoobay ee Numberkiisu ahaa XXX-aad sanadkii 1975kii Soomaaliya waxay ka jeedisey sida lagama maarmaanka u tahay xoriyada Jabuuti dowladda Ethiopia ayaa iyana halkaas ka sheegtay in Jabuuti xasarada gobolka kusoo kordhinayso hadii ay xorowdo,  Soomaaliya waxay ku dadaashay in Jabuuti ay xor noqoto islamarkaana dadka Soomaalida ah ee Jabuuti ku dhaqan yeeshan tirada badan si ay xukunka u qabtaan waxana dowlada Soomaaliya mashruca badinta dadka Soomaalida ah uga laanti nabad sugida ee Soomaaliya.

Burburkii Soomaaliya kadib Somalida Jabuuti iyo Canfarta dagaalkii dhexmaray  Soomaalida Jabuuti waxaa laga caawiyay Waqooyiga Soomaaliya  oo hub ayaa lagu caawiyay sidoo kale dagaalkii Erterea iyo Jabuuti dhex maray maamulka Somaliland oo ah dadka maanta ugu Somalinimada liita Bayaan ay Wasaaradda gaashandhiga ee maamulkaasi soo saartay  waxaa loogu goodiyay Eritrea, Bayaankaas waxaa lagu sheegey in maamulka Somaliland iyo Jabuuti waxbadan ka dhaxeyaan isla markaasna aanay dagaaladaas Maamulka Somaliland dibada ka joogaynin

Qoraalkan waxbadan ayaynu ku dhaafnay jidkii gobonimada Jabuuti iyo doorkii ay Soomaalidu ku lahayd qeybta labaaad ee qoraalkan ayaynu kaga sheekeyneyna hagardaamoyinka Jabuti uga yimid Soomaalida intii ay xorta ahayd iyo waliba xilligii gobonimo doonkaba hogaamiyahooda khiyaamoyinka kula kacay dowlada Soomaaliya

W/Q Maxamed A Ibrahim.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS