Itoobiya iyo Kenya raali ma ka yihiin nabad iyo dowladnimo buuxda oo ka dhalata Soomaaliya ?

pizap.com14578233686711

Waxaa waayadan soo baxay, dad Soomaali ah oo banaanada la taagan hadallo aan ka tarjumaynin xaqiiqda dhabta ee ka jirta dalkeenna Soomaaliya, Islamarkaanna liddi ku ah taariikhda inoo qoran. Dadkani, ayaa waxa ay sheegaan in dalalka Itoobiya iyo Kenya ay raali ka yihiin nabad iyo dowladnimo ka dhalata Soomaaliya, bal ay dalalkaasi u soo gurmadeen sidii ay Soomaaliya uga baxi lahayd xaaladda ay ku jirto.

Dadkani, ayaa waxa ay isugu jiraan Soomaali ka soo kala jeedda dhulka Jamhuuriyadda iyo kuwa kale oo iyagana ka soo jeeda deegaanada ay Itoobiya iyo Kenya gumaystaan ee loo kala yaqaanno NFD iyo SOOMAALI GALBEED, Kuwaasi oo ah dhulalkii uu bixiyey gumaysitii Ingiriiska, oo runtii ahaa cadowga ugu weyn ee ay abid yeelato Umadda Soomaalida ah. Hadaba dalalka Itoobiya iyo Kenya raali ma ka yihiin nabad iyo dowladnimo ka dhalata Soomaaliya ?

Jawaabta oo kooban waa maya, Anagoo sababayn doonno, Islamarkaanna keeni doonno waxyaabo marqaati u ah dooddeenna, si aan markaasi loo khaldin dadka Soomaaliyeed ee hadda soo korayo. Sidan soo sheegay, dowladaha Itoobiya iyo Kenya marna raali kama ahan nabad iyo dowladnimo ka dhalata Soomaaliya sababo badan oo jira awgood, Kuwaasi oo aan hoos ku faahfaahin doonno haddii uu Rabbi idmo.

Sababka koowaad ayaa ah, muran dhuleed dalalkaasi kala dhaxeeyo dalkeenna Soomaaliya, Kaasi oo ugu danbayn keenay dagaal weyn oo dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya sanadku markii uu ahaa 1977. Dagaalkani, ayaa waxaa lagu tiriyaa kii ugu weynaa ee abid dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya tan iyo markii ay Soomaaliya qaatay xuriyaddeeda sanadkii 1960.

Soomaalida, ayaa dagaalkaasi ku adkaatay, ka dib markii ay u xoog-sheegatay ciidamadii Itoobiya ee loo yaqiinay libaaxa Afrika, Kuwaasi oo muddo gaaban gudaheeda lagu burburiyey, halka caasimaddoodiina loo gaaray wax ka yar 100 KM sida ay taariikhdu na barayso. Itoobiya, ayaa cadaawad ka qaaday dagaalkaasi qatarta geliyey jiritaankeeda iyo waliba taariikhdii ay ku lahayd Geeska Afrika maadaama lagu tuntay muddo gaaban gudaheed.

Sababka labaad ayaa ah, loolan dalalkaasi kala dhaxeeyo Soomaaliya, kaasi oo ku qotoma cidda looga danbaynayo talada Geeska Afrika oo ah marin muhiim ah oo ay maraan maraakiibta Caalamka isaga kala gooshta. Soomaalida, ayaa u aragta in ay waajib tahay in iyaga looga danbeeyo talada Geeska Afrika, maadaama ay isku arkaan dad ka sareeya dadyowga kale ee ku nool labadaasi dal oo dadkoodu ay ku jiraan dad cawaan ah.

Iyagoo hadaba dalalkaasi ka duulayo colaadda ku salaysan dhulalka la kala haysto, Ayaa waxa ay ka shaqeeyeen sidii loo burburin lahaa dowladdii ka jirtay Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa (AU) Maxamed Siyaad Barre. Taasi oo ugu danbayn ay rideen jabhado ay soo hubeeyeen labadaasi dal, Kuwaasi oo aan ka xusi karno SSDF, SNM, USC, SPM iyo waliba kuwa kale oo badan. Kuwaasi oo runtii dulmi weyn ka galay Umadda Soomaaliyeed maadaama ay xaqiijiyeen wixii ay ku taamayeen dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Mar kale, Dalalkaasi oo ka duulayo dagaalkii 77, Waxa ay ku heshiiyeen inaan dib danbe loo arag dowlad Soomaaliyeed oo xooggan, oo mar kale qatar gelin karta labadaasi dal. Taasina waxaa cadeeyey Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi xilli uu khudbad ka jeedinayey Jaamacad ku taallo dalka Maraykanka, Isagoona sheegay in waxa dib u dhigay nabad ka dhalata Soomaaliya ay sabab u tahay cabsi ay dalalka gobolku ka qabaan dowlad Soomaaliyeed oo xooggan.

Hadalkani, Ayaa waxa uu daliil cad u yahay aragti ay qabaan Soomaali badan oo aan Aniguba ka mid ahay. Kuwaasi oo ku eedaynayo Itoobiya iyo Kenya in ay masuul ka yihiin wixii ka dhacaday Soomaaliya dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay. Bal isweydiiyo yaa soo hubeeyey jabhaddihii riday Dowladdeennii xoogga badnayd ? Yaa bixin jiray rasaastii ay ku dagaalami jireen qabqablayaashii dagaalka ? Yaa hor-istaagay dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan ?

Yaa burburiyey Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo aad ogtihiin nabaddii ay ku soo dabaaleen Koonfurta iyo Bartamaha Dalka oo ay ku jirto Caasimadda ? Yaa maanta xaglaha ku dhagan Dowladda Federaalka ? Yaa hortaagan dhismaha ciidan qaran, Iyadoo lala kaashanayo qaar ka mid ah dalalka Reer Galbeedka ? Yaa nalka cagaaran u shidayo maamul beeleedka Soomaaliland iyo damaciisa ku aaddan kala goynta Dalka ? Yaa Puntland ku gacansiinayo fowladada ay ka waddo Soomaaliya ?

Markan hadalka soo uruuriyo, Itoobiya iyo Kenya marna raali kama ahan nabad iyo dowladnimo ka dhalata Soomaaliya sabab la xariira labadii sababood eennu soo sheegnay iyo waliba kuwa kale oo lagu daray. Sidee cadowgaaga u caawin kartaa marka uu dhinto ka dib, mise dhaci kartaa nin ku dilay in uu har kuu jiido ? Jawaabtu waa maya, laakiin waxa ay dhibi ka jirtaa cidda qancin lahayd dabaqoodhiyadan u waashay korsiga iyo xatooyada hantida Umadda.

Haddaan wax ka iraahdo, kuwa meelahan la taagan hadalada beenta ah ee aan ka tarjumaynin xaqiiqda dhabta ah, bal ku doodayo in Itoobiya iyo Kenya ay raali ka yihiin nabad iyo dowladnimo ka dhalata Soomaaliya. Kuwaasi waxaan leennahay marka hore, Waxaad tihiin beenaalayaal aan xishoonaynin. Waa marka labaade, Waxaad tihiin Juhalo aan waxba ka aqoonin taariikhda iyo wixii la soo maray. Waa marka sedexaad, waxaad tihiin dad u waashay korsi iyo boobka hantida Umadda.

Sidee ku dhici kartaa in qof Soomaali ah uu ku doodo Itoobiya iyo Kenya ayaa raali ka ah nabad ka dhalata Soomaaliya isagoo og wixii dhexmaray Soomaaliya iyo labadan dal. Tan kale, sow ma ogidiin horta in qofka Soomaaliga ah ay ceeb iyo sharaf-xumo ugu filan tahay in uu amaanno Itoobiya iyo Kenya ama uu dadka u qurxiyo shirqoolada ay u maleegayaan dalkeenna Soomaaliya.

Iyadoo sidaasi loo og yahay waxa ka dhaxeeya Soomaaliya iyo labadaasi dal, Ayaa hadana waxaa Soomaaliya loo diray ciidamo ka socda labadaasi dal oo waliba lagu sheegayo nabad ilaaliyaal ? Sow taasi ma’ahan calool lagu daawaynayo wixii ay ku jiratay ? Suurtagal ma tahay maanta in la isu diro dalalka Hindiyo iyo Bakistaan ama Falastiin iyo Israa’iil oo aad ogtihii waxa ka dhaxeeya ? Anigu waxaan qabaa, in Itoobiya iyo Kenya ay uga darayaan xaaladda Soomaaliya iskaba daaye in ay nabad u horseedaane.

Hadaba si looga badbaado halista ka soo socota ciidamadan shisheeyaha ah, gaar ahaan kuwa ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya oo aad ogtiihiin dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soonaaliyeed sida reer GEDO oo kale, Waxaan soo jeedinayaan in la saxiixo warqad oo aan u bixiyey BIDHAAQATU SHARAF oo lagu dalbanayo in dalka looga saaro dhamaan ciidamada ka socda dalalkaasi inta ay goori goor tahay.

Warqaddani, ayaa waxaa loo dirayaa dhammaan dalalka daneeya arimaha Soomaaliya, iyo waliba ururada caalamiga ah ee ay Soomaaliya ka tirsan tahay sida Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka oo kale. Kuwaasi oo laga codsanayo in ay gacan ka gaystaan sidii si nabad ah dalka looga saari lahaa ciidamada ka socda dalalka dariska ah, oo runtii ah qatarta ugu weyn ee ay Soomaaliya maanta wajahayso.

Waxaan sidoo kale soo jeedinayaa, in Soomaalida Qurba-joogtA ah, gaar ahaan kuwa ku nool dalalka Reer Galbeedka ay la xariiiraan dowladaha ay la joogaan, Iyagoo ka codsanayo in ay dowladahaasi gacan ka gaystaan sidii dalka laga saari lahaa ciidamada ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya, si loo badbaadiyo midnimada iyo madaxbaanida dalka iyo waliba shacabka ku hoos nool deegaanada ay ciidmadaasi ka howlgalaan.

Gaba gabadii iyo gunaanudkii, Haddaan mar kale isweydiinno, Itoobiya iyo Kenya raali ma ka yihiin nabad iyo dowladnimo ka dhalata Soomaaliya ? Jawaabtu waxaan leennahay maya, sababtoo ah dalalkaasi ayaa ahaa kuwii dumiyey dowladdii ka jirtay Soomaaliya, Iyaga ayaana hadda hortaagan dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo xooggan, iyagoo la kaashanayo dalal horay u dhibaateeyey Soomaalida sida Ingiriiska oo kale.

Xusuusin: Qormadeena danbe, Waxaan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo warqaddii aan u bixiyey BIDHAAQATU SHARAF ee lagu dalbanayey in dalka laga saaro dhammaan ciidamada ka socda dowladaha Itoobiya iyo Kenya. Waxaanna rajayanaya in warqaddaasi laga saxiixi doono guri kasta oo Soomaaliyeed meeshuu doonaaba ha ku yaallee. Fadlan ka qeybqaado warqaddaasi.

W/D: Maxamed Ibrahim
Al-faatix1960@hotmail.com