AKHRISO:-Ninka Ethiopia ku Dhiiri Galiyay inay Soomaaliya Qabsato 240 Sano ka hor

35919877

James Bruce ninka la oran jirey oo dalka ingiriiska kasoo jeeda waxaa uu dhashay Bishii Disember 14-keedii Sanadkii 1730-kii waxuuna geeriyoodey Bishii April 27-keedii Sanadkii 1794-kii.

Taariikhda Ninkani hadii aan sii bal balaariyo waxa uu ka mid ahaa kuwa Jinka caabuda (Maasooniyada) kuwa ugu khatarsan ee dunida soo mara. (Masoonigu hadii aan fasiraad ku sameyno waxa ay doonayaan in Dunida oo dhan laga yag leelo ama laga hirgeliyo dowlad nin kaliya maamulo ama uu xukumo ninkaasna uu noqdo Dajjaal-Cawar.)

Mr James Bruce waxa uu safar ku soo maray ‪#‎Masar‬, ‪#‎Suudaan‬ iyo‪#‎Abasiiniya‬(Itoobiya). Waxaana uu bartay luqadaha Cara’biga iyo Af Axmaarka. Waxa uu u yimid boqorkii Masar Cali Bey Al-Kabiir ee ka falaagoobay boqortooyadii Islaamka ee Cuthmaaniyada oo uu wakhti gaaban xukumay dalkaas, waayo waxa Cali Bey afganbi talada kaga tuuray Janankuu aaminay ee Muxammad Bey Abu Al-Dahab.( Muxammed Waxa uu ahaa nin uu tujaar soo qafaalatay uu ka gatay.)

James Bruce Waxa uu ku labisnaa markii uu u soo galay Cali Bey dharka Muslimka oo lagu yaqaanay Cuthmaaniyiintii. Waxa uu James isu baray in uu yahay badmareen Turki ah, si uu gargaar uga helo boqorka.

Bishii May Sanadkii 1769-kii Waxa uu tagay magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada sacuudiga halkaas uu in mudo ah ku sugnaa, si uu u barto Carabiga ka dibna waxa uu u soo gudbay dhankaas iyo Badda Cas isaga oo magaalada Musawac ka soo dagay ee dalka Ereteriya oo markaas ay gacanta ku hayeen Dowladii Cusmaaniyiinta ee Muslimka aheyd isla sanadkaas bishii Septembar 19-keedii ayuu waxa uu soo maray dhulka Wabiga Niil (Nile), ka dibna waxa uu soo gaaray ‪#‎Gondhar‬, Abasiiniya oo uu kula kulmay dadkii abad ugu xumaa oo uu ka mid ahaa Nugus *Nəgusä Nägäst (Xusuuso: “Itoobiya Aadan-ow, *Nugus iyo Arliga annagaa lahaan jirnay”.

Mr James Bruce intii uu itoobiya joogey waxuu la kulmey qabiilka Tigray-ga oo la col ah qabiilka Axmaarada dabeedna waa uu isugu yeeray waxaana uu siiyay talooyin ay ilaa hadda ay ka dhigteen siyaasad. Waxu ku yiri Haddii aad is leysaan dhexdiina waligiin heer ma gaareysaan. U heshiiya umadaha kale.Ku duula oo qabsada shucuubaha geeska afrika idin kula nool oo soomaaliya ay ka mid tahay, ka dibna ku darsada dhulkooda. Aniguna waxa aan qori qoraalo badan, si aan ugu faafiyo dalalka Reer galbeedka.

Mr James Bruce intii uu itoobiya ku sugnaa waxuu ka dhaadhiciyey qabiilada Axmaarada iyo Tigray-gu in ay aaminaan isla markaana ka mid noqdaan kuwa Jinka caabuda ee ururka maasooniyada ka tirsan. Ururkaas oo la sameeyay bilowgii Dowladii Axmaarada, dhammaadkii qarnigii 13-aad.
Ninkani waxa uu qoray qoraalo been abuur ah oo uu ku sheegayo in boqorkii hore ee itoobiya ee Menilik-gii 2-aad in ay dhaleen Nabbi Suleymaan (CS) iyo Balqiis. laakiin wey ka qaadan waayeen dhul-mareenadii wakhtigaas noolaa.

Bishii Juun Sanadkii 1774-kii, ayuu yimid magaalada London ka dibna waxa wareysiyo la yeeshay saaxiibkii‪#‎James_Boswell‬ oo wariye kuwa maasooniyada Jiniga caabuda ka mid ahaa. (Maasoonigu xumaan & samaan way isugu hiiliyaan) Ninkaas ayaa wargeyskii London Magazine ku daabacay oo in badan Dunida Reer galbeedka ku faafiyay been abuurkii iyo ka badbadintii taariikhda Abasiiniya (Itoobiya).

Ma jiro Diblomaasi reer galbeed ah oo la soo diray, haddii uu jiro waxa la soo cabsiiyay beentaas uu ninkaas ku faafiyay 240 sano ka hor.Tixraac ku samee qoraalada ay qoreen ama ay qorayaan Paul B. Henze David Shinn iyo Thomas P. Ofcansky ee la xiriira taariikhda si aad wax badan uga ogaato.

Itoobiya Ujeedka fog ee ay ka leedahay gayiga Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaalida waxaana jirta in tan iyo sanadkii 1850-kii ilaa maanta waxa ay Abyssinia ama itoobiya dhulka Soomaaliyeed ay ka wadaa xasuuq- iyo ugaarsi gaar ah sideedabana marka aad cid gumaadayso-waxa jira ujeedo ka danbaysa ama maadi ama mid kale in laga istafiido ay tahay. wali wax maadi ah ama shidaal ay la soo baxdo, ha ahaado ama mid kale oo maadi ah bee, ma ayna ka dheefin ‪#‎Itoobiya‬ gayiga Soomaaliyeed, tolow waxa ay ka dheefsatay waa maxay ?

Waa wax dhici kara in ay ku socoto qorshe fog oo ay horay u dajisteen ama u jeexdeen ‪#‎Axmaarada‬ iyo‪#‎Tigray‬-gu oo in ay gaaraan ay hiigsanayaan. Waa qorshaha ka danbeeya dhibka ay maanta Soomaali ku jirto iyo midka ka daran ee soo socda, haddii aan la fashilinin.

Sida aan wada ognahay, waxa ay Reer galbeedku bilaabeen in ay dhahaan aadanahuba waxa uu ka soo jeedaa waxa ay ugu yeereen #Itoobiya. Mararka qaar waxa aad wargeysyadooda (Reer galbeedka) ku arkaysaa iyaga oo leh waa dhashii Nabi Suleymaan (CS), warkaas oo aan sal iyo raad laheyn oo laga been sheegayo taariikhda.

Waxa aad sidoo kale, arkaysaa in reer galbeedka dalalka Jabuuti, Soomaaliya, iyo Sudan oo ay ku liidayaan saxaafada kuna sheegayaan in ay yihiin meelo ay ku noolaan karaan oo kaliya bahaluhu-oo boqolkii sano ee ugu danbeeyay aheyd dhul la xaalufey, halka ay Abasiiniya (Itoobiya) ku sheegayaan meel barwaaqo ah oo aduunka ku soo siyaadiyay wax yaalo badan oo uu ka mid yahay bunku.

Marka aad eegto dhulka ay Abasiiniyaanka Axmaarada iyo Tigray-gu dagaan waa dhul buuro-ley ah oo lama galaan ah.Hal malyan ayay abaartii sanadihii 80-aadkii ku dishay Itoobiya, Haddana 15 Milyan ayaa macaluul iyo gaajo la ildaran.Haddana, waxa laga dhigayaa in uu yahay dal dhaqaalahiisu xawaaro ku socdo beentaasna waxaa faafiya warbaahinta reer galbeedka.

Qalinkii: Qoraa Sare Ahmed Abdi.