Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in lacagaha ee ay qaadayaan Maamulka Gobolka Banaadir, lagana qaado Guryaha ay tahay xaaraan aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana ay Maamulkaa Gobolka Banaadir u direen qoraal ay ku amrayaan in la joojiyo canshuurtaasi.
“Waa xaaraan meel ay adduunka ka jirtana ma jirto in Guryaha loo cabbiro Dherer iyo Ballac, lacagna sidaa looga qaado” ayuu yiri Hanti dhowrka Guud ee Qaranka oo caddeeyay inay maamulka Gobolka Banaadir u direen qoraal ay ugu sheegeen in la joojiyo canshuurtaasi.
Hanti Dhowrka ayaa sheegay in Boonada Xisaabiyaha guud oo kaliya ay tahay midda saxda ah ee lagu qaadi karo canshuur, waxaana uu ka digay in degmo kasta ay yeelato Boono u gaar ah oo ay dadka lacag uga qaadato.