Is marin waa ku aadan waxa loogu yeeray 4.5 oo in muddo ah udhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa la sheegay in lagu xaliyay Magaalada Garowe.
Labada dhinac waxaa xaqiiqo ah waxa ay ku heshiiyeen in loo meeriyay oo ay garwadeen ka tahay Itoobiya iyo shisheeyaha kale.
Waxaa la sheegay Puntland inay aqbashay 4.5 balse waxaa la qaatay shuruudo ay soo bandhigtay oo ay kamid tahay in 2016 wixii ka danbeeya uusan soo laaban 4.5.
Heshiiskaan waxaa kor kala soconaysa Itoobiya oo hirgalintiisa ku canaanan doonta labada dhinac.
Maamulada dalka ka jira oo dowladda ay kamid tahay waxa ay ka shidaal qaataan Itoobiya.
Gen. Gebra waxa uu magaalada Garoowe uga horeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom, isaga oo Ethiopia ay u xilsaartay kala fududeynta danaha guud ee DF, Puntland iyo in Ethiopia ay macaash Siyaasadeed ku dhex leedahay Siyaasada Somalia. Gen. Gebra waxa uu diidanaa in laga qaado Sawirada laga qaadaayo Madaxda kale, balse waxaa si qarsoodi ah u suuragashay inaan Sawir qaab hoose uga qaadno Gebra oo ku guda jira Howlihii ay Ethiopia u wakiilatay oo ahaa qaska iyo sii kala fogeynta Soomaalida.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS