Sida taariikho loo soo joogey ay muujineyaan dhamaan madaxdii soo martey dalka itoobiya iyo kuwa hada joogaba waxa ay ka siman yahiin kana mideysan yahiin naceyb fogaadey oo ay u qabaan dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaana midba midka uu xukunka kaga dambeeyey uu ka shaqeeyey sidii soomaaliya ay gebigeed u liqi lahaayeen.
Waxaa xaqiiqa ah oo jirta in sedexdii nin ee isaga kala dambeeyey xukunka itoobiya ee madaxda ka noqday dalkaas siyaasadooda ku aadaneyd soomaaliya marka si quman loo dhugto waxa ay iftiimineysaa in ragaas dhamaatood ay ka mideysnaayeen sidii jilbaha dhulka loogu dhigi lahaa oo loo bur burin lahaa soomaaliya.
Hadaba waxyaabaha cadeynaya cadaawada itoobiya ay u qabto soomaaliya ugu horeyn aan soo qabsano talaabadii uu ku dhaqaaqey intii uu noolaa Ra’iisal wasaarihii geeriyoodey ee itoobiya Meles Zenawi sanadkii 1993-kii mar uu qab qablayaashii dagaalka Soomaalida ku shiriyey meesha la yiraahdo “Soodare” ayaa waxaa dhacdey in mid kamid ah Qabqablayaashii dagaalka oo daba dhilif u ahaa itoobiya ayaa inta uu la fariistay isagoo ku sir qarsanaya waxa uu ku yiri sidan:
“Annagu itoobiya hadii aanu nahay waxaan rabnaa, SHACAB Soomaaliyeed, oo meelahan xawaaladaha aan u furno, meelahaas hadday rabaan guryo ka dhista gaar ahaan magaalada Addis Ababa sidoo kalena Baasaboor kayaga itoobiya qaata oo ganacsigooda meelahaas la socda. Laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa itoobiya madaxdeedu hadii aanu nahay DAWLAD Soomaaliyeed ma rabno mana dooneyno.
Dhinaca kalena Madaxweynahii hore ee dalka Itoobiya Mingiste Xayle Maryam ayaa markii xukunka laga eryay Bishii May 21-keedii Sanadkii 1991-kii ayaa la weeydiiyey intii uu hayey xukunka itoobiya waxii ugu weynaa ee uu dadkiisa iyo dalkiisa u qabtey waxaana isagoo su’aashaa ka jawaabayey uu yiri: “Waxaan Itoobiya u qabtay wax aanu u qaban madaxweyne iga horreeyey una qaban doonin madaxweyne iga dambeeya waayo Waxaan anigu ku guuleystey inaan burburiyey cadowgii koowaad ee Itoobiya ay weligeed laheyd oo ahaa dawladdii Soomaaliyeed”.
Ugu dambeyntii intii aysan xornimada si rasmi ah u qaadan Sanadkii 1960-kii ayaa waxaa jirtey in Qarammada Midoobay looga dooday sidii Soomaaliya xornimo loo siin lahaa waxaana jirey dawlado kala duwan oo ka dhiibtey ra’yigooda iyo sida ay u arkaan arintaas iyagoo badankood soo dhaweeyey xornimo siinta soomaaliya waxaase jirtey hadal cadaawe uu ka muuqdo inuu goobta ka jeediyey boqorkii hore ee Itoobiya Xayle Selaase waxaana hadaladiisa ka mid ahaa oo uu yiri sidan:
Soomaaliya dal xorriyad la siiyo ma aha waayo dadka soomaalida waa dad xoolo raacato ah oo noo dhexeeya annaga iyo Afrikaanka madow oo marba meesha roobku ka da’o u guura, oo dawladna aan weligood lahaan jirin Dabeedna waxaa dhacdey in gumeysigii Ingriiska oo isagu aqoon fiican u lahaa umadda soomaaliyeed ayaa ka biyo diidey hadalka boqor Xayle Selaase waxaana ingiriisku uu yiri: War boqor Xayle Selaase soomaalidu waa kuwii ila dagaalamay ee aan dayuuradaha u isticmaalay Hogaamiyahii Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo Daraawiishtii sidoo kalena waa kuwii ahaa imaaraddii Harar marka maanta miyaad i leedahay lama siin karo xorriyad soomaaliya waxaan ku leeyahay, waxba kama jiraan warkaaga.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS