Waa aqoonyahan Soomaaliya wax badan ka qoray, kana yaqaana waxayna saaxiibo ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh oo uu sheegay inay baaris wada qoreen, una rajeynayo horumar, balse dowladiisa uu sheegay inay wax horumar ah sameynin. Khudbaddan waxay ku saabsaneyd xaalada Soomaaliya, waxaa xiiso lahayd inuu ka hadlay qorshaha Itoobiya ee ah inay Biyo xireeno ka sameysato Webiyada Shabelle iyo Jubba oo gobolka u dhoofiso awoodda Korontada, taasoo uu ka digay inay keeni doonto inay guraan webiyadaasi oo Soomaaliya u ah halka ay quudka ka helaan, aadna uga welwelsan yahay arrintaasi oo aan hadda dhibteeda muuqan laakiin uu sheegay inay mustaqbalka soo bixi doonto. Khudbaddan oo dheer gebi ahaanteeda wuxuu professer-ka kaga hadlayaa dowladaha dibadda ee faraha kula jira arrimaha Soomaaliya iyo ujeedooyinkooda kala duwan.
Maamulkii gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni markay eedda caynkaas ah Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen ma xusi jirin duullaammadii iyo weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa ee madax iyo minjo toona aan loo kala sooci jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey. Ma ay xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida gardarrada ah Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu leefsiiyey, mana xusi jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee Ingiriiska iyo dadkii ay wada socdeeni ay dhaca kula meeri jireen.
Qaybta hore oo ah Daraawiishta uu madaxda u yahay, dantooduna tahay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed ka bedbaadiyaan oo dagaal hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina waxay ahayd Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay ee soo hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari jirtey, dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.
Labadaas qaybood inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u qaatay, Daraawiishna dhacsiiyey murtida ah, “cadawgaa jaallihiis waa cadawgaa”, sida uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:
Daabaca ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey
iyo kii ‘duleedshaay’ ku yiri wax isma doorshaane!
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS