Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya kadib markii ay qabsatay dhul ballaaran oo Soomaaliya katirsan.
Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa dowladda Itoobiya u xil saaray daadihinta maamullada dabadhilifyada Soomaaliya,kaliya ma ahan itoobiya in ay gacanteeda ku maamulayso dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada balse ciidamadeeda ayaa Boolis iyo Melleteri ka ah dalka.
Shirkii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Garowe ee lagu heshiisiiyay DF-ka iyo maamulka Puntland waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay waxa loogu yeero beesha caalamka kuwaasi oo Itoobiya u xilsaaray arrimaha siyaasadda iyo waxa ay ku sheegtay ammaanka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulidda maamullada soomaalida, ilo wareedyo ayaa sheegaya in IGAD iyo Midowga Afrika ay Itoobiya awood usiiyeen adeegsiga awood siyaasadeed iyo mid melleteri haddii mid kamida maamul goboleedyada uu cabaqad ku noqdo hindisayaasha ay beesha caalamka usoo dajiso soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa ah midda kaliya ee unugul qaadashada awaamirta dowladda Itoobiya sababtoo ah sirdoonkeeda iyo melleterigeeda waxaa si toos ah umaamula Jeneraal Gabre taliyaha wardoonka melleteriga Itoobiya, maamulka Xasan Sheekh maheysto ciidan awood leh oo difaaci kara xarumaha muhiimka ah.
Max’med Cabdi Afeey oo ah Wakiilka Ururka IGAD ee Soomaaliya ayaa siyaasiyiin Garowe ku sugan u sheegay in Itoobiya ay si buuxda u daadihinayso wax uu ugu yeeray dowlad gaarsiinta soomaaliya!.
Shirkii Maamulka Puntland lagu aqbalsiiyay qaadashada 4.5 waxaa qodobadii lagu heshiiyay ku xusnaa in dhaqan gelinta heshiiska ay leedahay dowladda Itoobiya gaar ahaan Tedros Adhanom Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Kumanaan katirsan ciidamada Itoobiya ayaa xoog ku qabsaday magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya iyagoona lacago canshuur ah kusoo rogay shirkadaha ganacsatada soomaalida taas oo xaqiiq u ah gumeysiga ay Itoobiya ku heyso soomaaliya.
Ururka Damul Jadiid ee Xasan Gurguurte madaxda ka yahay ayaa gumeysiga Soomaaliya la geliyay mas’uul ka ah kadib markii Faarax C/qaadir oo dhalasha Itoobiyaan ah haysta uu Xabashida u saxiixay in ay Soomaaliya haysan karto.
Xarakada Al Shabaab ayaa ah nidaamka kaliya ee Soomaalida u difaacaya diinta iyo dalka.kuna gudban Xabashida iyo Xaaw walwaalkeeda.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS