Maxaad ka aaminsantahay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya 1964-1977? YAA AKHRIYAY OO AAN OOYIN! (Abu Ibraahim)

pizap.com14602881637381
Bismillaahi wabacdu.
Waxaan bilaabi doonnaa qormo taxane ah oo kawaramaysa dagaalkii dhexmay Soomaaliya  iyo Itoobiya 1977. Waxaan qormada kubilaabi doonnaa xoogow gogoldWaxaa dugsiga quraanka la’igeeyay anigoo jira Shansano. Ma’annaan haysan kitaabo aan wax ka’akhrisanno  (Ardayda dugsiga)Waxaan wax kubaranjirnay Looxgeed laga qoray iyo Qalin geed laga qoray. Waxaa qakh noo ahayd Caano iyo dhuxul la’isku qasay ama Xabag iyo Biyohadba kii kuufududaada. (Anqaas) Ma’annaan haysan Layr ama Nal aan wax ku’akhrisanno. Waxaan shidan jirnay Dab xaabo lagu shidayo ama geedo. Waxaa nala kicin jirayshanta hamaynimo Salaada subax kahor.hig ah oo aan ugu hormarin doono tacriif yar oo aniga-xagayga ah. Waxaan ku dhashay dhulka Soomaaliyeed oo Itoobiya gumaysato  (Shilaabo agteeda) Waxaan kubarbaaray isla dhulkaas gumaystuhu xoogga kuhaysto  (Kiristaanka tirade yar ee Itoobiya)
Waxaa dugsiga quraanka la’igeeyay anigoo jira Shansano. Ma’annaan haysan kitaabo aan wax ka’akhrisanno  (Ardayda dugsiga)Waxaan wax kubaranjirnay Looxgeed laga qoray iyo Qalin geed laga qoray. Waxaa qakh noo ahayd Caano iyo dhuxul la’isku qasay ama Xabag iyo Biyohadba kii kuufududaada. (Anqaas) Ma’annaan haysan Layr ama Nal aan wax ku’akhrisanno. Waxaan shidan jirnay Dab xaabo lagu shidayo ama geedo. Waxaa nala kicin jirayshanta hamaynimo Salaada subax kahor.
Ma’annaan haysan guryo aan dhaxanta kagalno iyo qabowga. Waxaan dhisan jirnay Buulcaws ama Guri geedo laga sameeyay oo aan Roob iyo dhaxan toona celinayn. Ma’annaan haysan Dukaamo aan kasoo adeeganno. Ma’annaan haysan dhakhaatiir hadaan bukoono aan baaritaan u’aadno ama nadaaweeya. Ma’anaan haysan Ciidamo abnigayaga ilaaliya hadii nalaku sooxadgudbo.
Mucalimkaygii waan xusuustaa illaa iyo hadda siduu’u’ekaa. Waxaan xasuustaa siduu  waxnoobari jiray. Waxaan wali kudhaqmaa akhlaaqdii’uu’ibaray oo diiniga ahayd. Waxaa waa dhow la’iisheegay in uu noolyahay. Waxaan leeyahay hadaad dhimatayna Ilaahay Janatul firdowsa haku geeyo hadaad nooshahayna Ilaahay in uu fitnada kaaxifdiyo Markaad dhimatana Fardowsa Allaha ku geeyo. Aamiin aamiin.
Waxaan miyigii kugaaray dhowr iyo toban jir. Waxaan ka dhashay qoys xoolo dhaqato ah. Waxaan lahayn xoolo nagufilnaa annaga. Waxaa cunto noo’ahaa caanaha iyo hilibka xoolaha. Mar-mar ayaa magaalooyinka loosafri jiray lagana soogadanjiray dhar iyo xoogow cunto magaalo ah sida:  Caleenta Shaaha, Sonkorta, Bariis  iwm. Dadku markay safarka aadayaan waxaa gaadiid u’ahaa Geela ama awr. Waxaa la’isu raacijiray kooxkoox ama guruub guruub marka safar la’aadayo.
Waxaa dowlad noo’ahaa gumaystaha Itoobiya. Waxaa ciidan noo’ahaa ciidamada gumaystaha. Waxaa maxkamad noo’ahayd maxkamadda gumaystaha Itoobiya. Waxaan ku barbaaray oo indhahaygu qabteen gumaystaha Itoobiya oo xasuuqaya:dadka, xoolaha iyo dhulka laftiisa. Waayaab! Dadka waan garanay in ay saxuuqaan laakiin seebay dhulka iyo xoolaha uxasuuqi jireen!? Xoolaha oo dhan way xasuuqi jireen sida: Geela, Ariga, Lo’da iwm. Dadka  oo dhan way xasuuqi jireen sida:Ragga,Dumarka, Carruurta, Waayeelka intaba.
Waxay gubi jireen dhulka xooluhu daaqaan. Waxay goyn jireen geedaha harka leh. Waxay baabi’in jireen Beeraha iyo qalabkooda oo dadka qaarbaa beeralay ahaa. Waxay xabaali jireen ceelasha xooluhu kacabaan ama wayba sumayn jireen siloogu dhamaado dad iyo duunyaba. Qofkay nolol kuqabtaan waxay kuridijireen xabsi dhulka hoostiisa ah ama (god) oo qofka dherarkiisa le’eg. Waxaa ladhihi jiray (Sheelo) magaranayo macnaheeda. Ibraahim dheere iyo saaxiibadiis halawaydiiyo ayagaa iiga aqoonroon dhibaatada Xabashiyu naguhaysay (Iskudagaanbaan nahay)
 Waxaan garanayaa ayadoo dadku nabad isaga daganyihiin oo intay Axmaaro meelwalba kasoogasha oo dadka meel isugu keento ayay baas iyo rasaas say ugu waddo eber ka dhigijirtay. Markaasay inta xoolihii oo saaka foofay kadaba tagto ayagana layn jirtay. Waxay gubijireen dadka guryahoodii iyo hantidii utiilay oo dhan. Wax Alla wixii dhaqaaqa way dilijirtay dad iyo duunyaba.
Dhagayso qisadaan xanuunka badan!
Waxaan daganayn meel udhaxaysa Mustaxiil iyo Qaallo. Xilliguna waa 1964
Wakhtigu waa  xilliga salaada duhur. Axmaaro weerrar ah ayaa  meel walba nagasoo gashay. Waxay dishay wax- Alla waxay aragto oo dhaqaaqaya dad  iyo duunyaba. Waxaan la’illaawi karin xasuuqii ay maalinkaas noogaysatay iyo dadkay laysay iyo noocay ahaayeen. Waxaan ka sheekaynayaa  waa reer kayagii: Eedaday, Hooyaday, Aayaday, Dumaashiday, Walaashay iwm. Waxaan utaxay dumarka magacooda, maalinkaas waxay xasuuqday Xabashidu dadkii maatada ahaa oo dumar iyo carruur ubadnaa. Waxaa kamid ahaa dadkii maalinkaas ku shihiiday xasuuqaas:
1) Cabdiyo warsame Xalane. Waxay ahayd qiyaastii 65 jir. Waxay dhabarka kuwaday wiil 4 jir ah oo ay ayeeyo utahayd, Waa Xasan Birmad Cigaal. Duqdii oo mayd ah ayuu muddo iska agjoogay dadkii noolana waa kacarareen meesha oo cidina majoogto. Axmaartiibaa qaadatay markay arkeen in uu nool yahay wiilku. Uma’aysan turin ee wakhtibaa udhimanaa!. Wuxuu kamid yahay dagaalyahaniinta hadda joogta Kismaanyo. Waxaan rajaynayaa in uu aargoosan doono intuu awoodo.
2.)  Axado Cardaf waxay ahayd hooyo sagaal bilood ah midyar-na dhabarkay kusiday, Waa Muxubo Diiriye Cigaal waxay dhabarka kusiday. Gabadhii yarayd markii hooyadeed ayadoo arkaysa layaryaray oo caloosha wixii kujiray ama ilmihii inta ladooxay banaanka lasoodhigay ayay gashay oo dhufays kadhigatay ay cadowga uga dhuumato meeshii ilmaha laga soo saaray ama calooshii hooyadeed oo mayd ah.
3)  Xabiiba Dhoore  waxay ahayd waayeel sagaashan jir ah (Duqdii cidda dhashay)
4)  Xabiiba Diiriye Xirsi, waxay ahayd  uur 7 bilood ah, waxay dhabarka ku waday Cabdi khayr Xasan Caduun. Wiilkii iyo hooyadiis labadiiba way jarjartay dishay. Dadku waa ka badnaayeen dad aan magacooda halkaan ku soo koobi karo wakhtiguna wuu fogaa oo waxaa laga yaabaa in aan xusuustii qaar dhumiyay. Waxay gubeen guryihii iyo hantidii tiillay, waxay laayeen xoolihii oo dhan  (Cayr faramadow)
NB: Waxaan ka sheekaynayaa waa reerkayagii oo saas loogalay ee ma’ahan baalo aan ababuurayo oo aan caalamka kaga raadsanayo taageero iyo. (Waa run ee rumayso)
Alqaacida majirin, Shabaab majirin,Wahaabiyana majirin!
Maxaa jiray oo barigaas Xabashidu u xasuuqaysay Soomaalida iyo hantideeda?)
Su’aashaas jawaabteeda waxaan udaayay akhristayaasha caafimaadka qaba oo ay ku wayntahay Islaamnimada iyo Soomaalinimadu. Jawaasiista iyo Qabiilayste maya.
Xabashidu waagaas (1964) maxay  kusugnayd ama qaabkee ayay ciidamadeedu uhowlgali jireen? Maahmaah ayaa waxay ahayd (Idaha waxaa indha u’ah Riyaha)
Aanfurfuro erayga  dadku waxay ubateen reer magaal oo dhaqankii waa la’illaaway.
Xoolaha ladhaqdo waxay leeyihiin magacyo sida Geel, Ari, Lo’ iwm. Arigu wuxuu kakoobanyahay labo nooc, Ido iyo Riyo. Iduhu waxay dabagalaan ama raacaan Riyaha. Idaha waxaa lagu xantaa damanaan iyo kawarqab la’aan xataa hadii cadow sooweeraro madareemaan illaa ay ugacangalaan cadowga.
Riyuhu waaka duwanyihiin oo aadbay udhiiran yihiin ama meel fog ayay wax ka dareemaan  ama ha’arkeen cadowga ama ha’uriyeen. Waxay kaloo Riyuhu kala yaqaannaan dhulka daaqsinta leh iyo meesha abaarta ah. Waxay marwalba raadsadaan dhulka cosobka ah ama aan ladaaqin. Riyuhu markay socdaan korbay fiirinayaan. Markay daaqayaan waxay daaqaan geedaha kakorreeya oo dhirta way laacaan.
Waxaa dhibyaraanaysa in ay cadowgii markiiba arkaan oo kacararaan. Iduhu waxay fiiriyaan markay soconayaan hoostooda. Markay daaqayaan waxay daaqaan geedaha kahooseeya. Marwalba way fooraraan. Waxay iska daba socdaan oo meeshay aadaan la’aadaan Riyaha. Waxaa fudud  ayagoo hoos ufoorara in balaayo ku habsato oo sidaas  ay naftooda ku waayaan. Maahmaahdu sidaasay kutimid oo Iduhu waxay ku daydaan (Riyaha)
Waxaan maahmaahda ukeenay: Xabashidu masocoto Soomaali la’aan. Waagaas aan ka sheekaynayo (1964) waxaa horsocday oo nagu laynayay Rag Soomaaliyeed. Xabashida ama gaalo oo dhan hadaysan ku shaqaysanayn murtadiin magacmuslim wata  oo ayaga indho u’ah meel magaareen waana laga adkaanlahaa mar hore(Guusha annagaa leh) Bi’idmillaahi ayaga iyo Jawaasiistoodaba waalaga’adkaan. Jawaasiistiista  barigaas waxaa magacooda ladhihi jiray koofiyad dhuub.Waxaan magiciisii wali xusuustaa mid kamid ah jawaasiista gaalada horsocotay oo muslimiinta kulaynaysay.
Waxaa magiciisa ladhihi jiray Xaalays ama wuxuu ahaa Ina Xalays. Tuugtii ama qaadicu dariiqii waagaas (1964) dadka wadada ufariisanjiray oo dhici jiray ama dilijiray waxan ka xasuustaa nin ladhihi jiray Dhulqas. Gaaladu  ama Xambashidu ayagaa maalgalinjiray tuugta iyo jawaasiista intaba. Waxay ka shaqayn jireen xasilooni la’aanta. Waxay abuuri jireen colaad iyo irdho dadka kala gasha. Waxay dhici jireenn Safarada. Waxay baad kaqaadan jireen Soomalida oo dhan waa Xabashida waxaan kahadlayaa.
Baadaas waxaa magaceeda la dhihi jiray(Koodhi) Magaranayo macnaha loola jeedo koodhi waxaanse xasuustaa in laga qaadi jiray dadka oo dhan. (Qabiil walba) Waxaa gayn jiray lacagtaas baada ah ugaasyada iyo nabaddoonada reerka. Gobolwalbaa wuxuu lahaa xaafiis uqaabilsan Canshuurtaas ama baaddaas  Qabiilooyinka laga qaado.

Gumaystuhu dadka wax uma qabanjirin sida: dhanka caafimaadka, dhan waxbarasho, dhan nabadgalyo oo’ayagaaba layn jiray Shacabka hantidiisana dhici jiray.  Anigu waxaan soogaaray dowladdii Xayle salaase, Mingistu, Melez intaba. Waxaan ka sheekaynayaa waa halmaamul oo hadba nin loodhiibayay oo kushaqaynayay halmanhaj ama ujeedo. Waxaa ugu-liitay kanhadda haysta Melez. Kuwiihore way dhaameen kan hadda jira (Melez) Waxayse kasimanyihiin cadaawadda fogaatay oo diin iyo dhaqanba gashay. Halawaydiiyo arinkaas xaqiiqadeeda dadka Xabashidu gumaysato.

Sayid Muxamed Cabdulle Xasan ayaa waxa layiri: Sayidow waxaa kuuyeeraya  gaal Engiriis ah. Wuxuu yiri miyay soo’islaameen? Waxaa layiri maya. Wuxuu  yiri ma’annagaa gaaloowayna? Waxaa layiri maya. Wuxuu yiri nakalawada ikhwaanii!. Ina Cabdulle Xasan wuxuu’ ahaa nin sheikh ah oo diinta kabadiya culumo farabadan oo hadda joogta.Wuxuu ahaa nin baraarugay dadkoo hurda. Libin ama guul waxaa kuugu filan tii cadowgaagu kuuqiro. Gaalo Sayidka waxay kaqoreen diiwaanno waawayn oo hadda maktabadahooda yaala. Waxay qireen in uu’ahaa: Mujaahid, Geesi, Faqiih, Muslim dhab ah, dhowrad = (indheer garad)
Xabashiyu masocon jirin hamaynimo. Meeshii lagu gaaro 4 afarta galabnimo intay dagaan ayay dhufaysyo qodanjireen. Ciidanka Xabashidu markuu meel u guurayo wuxuu isu raaci jiray Guutooyin ama baabuur aad ufarabadan iyo ciidan saaran. Mustaxiil ayay ahayd in 1-2-3-4 gaari oo Xabashi ah ay ku dhexsafraan dhuka ay gumaysiga kuhaysatay. Haday isku dayaan in ay arintaas sameeyaana waxay lakulmi jireen dil iyo in laga qanimaysto waxay wataan oo hanti ah.
Waxaan qormada koobaad kubilaabi doonna inshaa Allaahu sababta igu bixisay in aan qormadaan qoro. Waxaan ku iftiimin doonaa wakhtigaan soogalay Soomaaliya iyo shaqadaan qabtay. Waxaan gali doonnaa dawaafdheer ama dalxiis aad kabogan doontaan daawashadiisa. Waxaan samay-ndoonaa xogwaran dhab ah iyo wixii dhacay 1977 intaan ka’ogaa. Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu tacaalaa.
AkhuukumFillaahi Abuuibraahiim. (Hoos kasii  Daawo Dagaalkii 1977 Abuu Ibraahim ayaa nooga sheekayn doonee Insha Alla, balse indhahaaga ku daayo Magaalada Godey Markii aan qabsanay iyo Soomalidu sidii ay HAween, Odayaal iyo Caruur ay Midiyaha u soo qaateen, iyo Maxaabiis 200 askrta Itoobiyaa laga qabtay, Taangiyadii Maraykanku siiyey oo la burburiyey, hoos ka Daawo Taariikhdaada.)
36820200.jpg
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS