WASHINGTON POST “Awoodda Alshabaab wey korortay Mana Awoodno Inaan Ka Hortagno” Xasan Sheekh

36001808 (1)

Xili xukuumada taagta daran ee kooxda Xamar  ay ku soo food leedahay doorashooyin madaxtinimo iyo mid baarlamaani ah ayaa hadana madaxa kooxda  Xamar  wuxuu Washington Post u  sheegay in awoodda Alshabaab  ay ka xoog badan tahay sidii hore, islamarkaana ay adag tahay sida loo hor istaago qatarta xukuumadiisa kaga imaaneysa  Alshabaab.

Wareysi uu siiyey Wargeyska Washington Post ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayuu Xasan Sheekh Maxamuud,  ku sheegay in  Alshabaab ay dib u soo xoogeysteen, Waxaana isaga iyo Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Xukuumada xamar  ay qireen in aysan awoodin in ay xasiliyaan magaalooyinka laga saaray Alshabab  ayna soo celiyaan adeegyadii bulshada!.

Wuxuu sidoo kale qiray in dowladiisa aysan wax mushaaraad ah siinin ciidanka, sidoo kalena aysan awoodin in ay u soo iibiso hub iyo agabka military ee ay u baahan yihiin. “Dowladda Soomaaliya ma awoodo in ay Mushaar ku filan siiso ciidanka, sidoo kalena ma awoodo in ay u soo iibiso agabka dagaal ee ay u baahan yihiin, marka taasi waa mushkiladda ugu weyn ee aan wajaheyno” ayuu yiri  Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arimahaan oo idil u sababeynaya in aysan helin dhaqaale ku filan laakiin Saraakiil reer galbeed ah oo uu wargeysku soo xiganayo waxay sheegayaan in kooxdan taagta daran ay siiyeen dhaqaale iyo lacago ku filan balse kooxdan uu halakeeyey musuq-maasuq iyo kala qeybsanaan, islamarkaana dhaqaalaha ka yimaada reer galbeedka aanan lagu bixinin meelihii loogu talagalay.

Dowladda Mareykanka ayaa balaayiin lacago ah ku bixisay xoojinta iyo dib u dhiska maamulada  uga wakiilka ah Soomaaliya, Iyadoo sidoo kalena dagaal adag oo toos ah iyo mid aan toos ahaynba la gashay Alshabab  balse ilaa hadda waa lagu guuleysan la’yahay ka hortagga weerarada Alshabab.

Ciidamada AMISOM  ayaa sanadkii 2011-kii xamlo-dagaaleed culus ku qaaday magaalooyinkii ay joogeen Alshabab  ee koonfurta Soomaaliya, Iyadoona xamladaas ay u suuragelisay qabsashada magaalooyin iyo deegaano kala duwan balse sanadihii dambe markii isku fidiyeen gobolada dalka, waxay kuwii soo duulay  la kulmeen weeraro halis ah oo galaaftay nolosha boqolaal askari.

Weeraradii ku hubsaday xeryihii ciidamada Burundi, Uganda iyo Kenya ayaa banaanka soo dhigay isbedalka ku yimid siraaca ka socda Soomaaliya ee u dhexeeya Alshabab iyo Amisom , waxaana taasi ay keentay in dib u eegis lagu sameeyo qorshe dagaaleedkii isbaheysigan.

“Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida waxay keeb ku yuurar ku yihiin xeryahooda, howlgaladu wey yaraadeen, waana taasi waxa fursadda siiyey AlShabaab” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo xafiiskiisa ugu waramayey Wariye ka tirsan Washington Post.

Ninka qoray warbixintan wuxuu yiri: Calaamadaha kuu muujinaya in ay soo noqotay awoodda AlShabaab, waa kuwo maalin waliba la arkayo. “Saacado un ka hor inta aanan bilaabin wareysiga Xasan Sheekh, 05, April, waxaa magaalada Muqdisho  weerar lagula beegsaday xildhibaan ka tirsan dowladda. Maalintii ka sii horeysayna laba sarkaal oo sirdoonka ka tirsan ayaa la dilay” ayuu yiri.

36007970

Warbixintan waxay sidoo kale milicsaneysaa dhinac ka mid ah tabardarada iyo habacsanaanta maleeshiyo Beeleedka   la doonayo in lagu wareejiyo amaanka goobaha ay ka bixi doonaan ciidamada Amisom”Itoobiya”, waxaana lagu sheegay in Maleeshiyadan aysan heynin awood iyo dhiiranaan ay ku hor istaagaan Alshabaab.

Warbixintu waxay sheegtay in waxa loogu yeero ciidanka Qaranka ee ay ku faanto kooxda Xamar  ay yihiin maleeshiyo beeleed kala duwan oo qolo waliba uu hogaaminayo dagaal Ooge beeleed. Mana jiraan askar daacad u ah dowladda oo hela mushaaraad ku filan sida lagu sheegay warbixinta.

Mushaar la’aanta maleeshiyaadka iyo kala qeybsanaantooda waxaa qiray Xasan Sheekh Maxamuud  wuxuuna yiri: “Haa waa sax Maleeshiyaadku wey kala yaacsan yihiin oo qolo waliba waxay daacad u tahay beesheeda laakiin ma awoodno in xilligaan aan mideyno oo aan isku keeno sababtoo ah AlShabaab miyeey na sugi doonaan ilaa inta aan ka soo mideyneyno ciidamadan oo aan dib ugu soo celineyno saaxada dagaalka”

Laakiin wariyaha qoray warbixintan wuxuu sheegay in mushkiladu ay ka fogtahay arintaas islamarkaana ciidankan aysan helinba mushaaraad, Hub iyo saldhigyo military oo ay dagaan. Wuxuu sheegay in midowga Yurub dhawaan uu joojiyey tababaradii uu siinayey maleeshiyaadka Soomaalida sababo ku aadan cabsi ay ka muujiyeen in maleeshiyaadka ay la heystayaal ahaan u qabsadaan tababarayaasha, ka dibna ay dalbadaan madaxfurasho si ay u soo bandhigaan dhibka heysto maadama ay baahan yihiin oo in muddo ah aysan arkin wax dhaqaale ah.

 

Gen. Maxamed Sheekh Xaamud oo ah Taliyaha Police  ayaa isna wargeyska u sheegay in ciidamada Soomaalida ay ku jiraan marxalad aad u adag, wuxuuna yiri:“ Police-keenu waa sidii in ay ku jiraan xabsiga Guantanamo Bay oo kale. Waxaan u dirnay degmooyinka la xureeyey, laakiin waa la go’doomiyey, lana hareereeyey, meelna kagama soo bixi karaan”.

Dhaqanada la yaabka leh ee lagu yaqaano madaxda iyo Saraakiisha kooxda Xamar  waxaa ka mid ah in calaacal iyo qeylo-dhaan afka furtaan marka ay la hadlayaan warbaahinta reer galbeedka, ayna ka sheekeyaan xaqiiqda taalla gudaha dalka, Halka dhanka kale ay faan iyo caga-jugleen la soo shirtagaan marka ay la hadlayaan warbaahintooda maxaliga ah.

36001921

 

Dad badan oo aan weydiinay ujeedka ka dambeeya arintan ayaa waxay noo sheegeen in sababta gaalada caalamka loogu sir waramayo ay tahay beerlaxowsi lagu raadsanayo dhaqaale iyo taageero Military balse dadka Soomaaliyeed la isaga dhigayo dowlad awood leh oo kasban karta amaanka iyo xasiloonida wadanka.

Qeylo-dhaantan ka soo yeertay Xasan Sheekh Maxamuud oo aan ahayn tii ugu horeysay ayaa waxay dhanka kale muujineysaa in hal-bacaad lagu lisay uu noqday juhdigii la geliyey xukuumadiisa shantii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana maanta ay xaaladu taagantahay meeshii ugu xumeed waqti sii joogitaankiisa xafiiska uu ka harsan yahay oo kaliya wax aan ka badneen saddex bilood.

https://www.washingtonpost.com/world/africa/somalias-president-says-al-qaeda-backed-rebels-are-resurgent/2016/04/09/56be207c-faa3-11e5-813a-90ab563f0dde_story.html

36001808