Dhowr qarni dalka Koofur Afrika waxaa ka jirey midab-takoor ay wadeen koox Caddaan ah oo si ba’an u kadeeday madowgii tirada badnaa balse aan Alle tayada ugu deeqin.
Gumeysteyaashii caddaa waxay Koofur Afrika ka hirgeliyeen xasuuq bahalnimo iyo dadkii madoobaa oo lagu ooday xeryo xabsiyada ka liita.
Si jirta siima jirto, qarniyaal dulmigu waa socon karaa waxaase ugu dambeysta guuleysta xaqa iyo sinnaanta.
Sannadkii 1989kii F.W. de-Klerk ayaa loo doortay madaxweynaha Koofur Afrika wuxuu beddelay P.W. Botha oo ahaa cunsuri ku xeeldheer midab-kala-sooca, dadka madowna u yaqaan baranbaro mudan in la buufiyo.
Goortey isbeddeleen labadaas hoggaamiye, waxaa la saadaaliyey in waa-cusub u baryey Koofur Afrika oo ay ka xorowday nidaamkii foosha xumaa ee midab-takoorka. Madaxda caalamku waxay hambalyo iyo boogaadin u direen
F.W. de-Klerk, waxaa loo rejeeyey shacabka Koofur Afrika (madow & caddaan) horumar iyo sinnaan inay ku naaloodaan. Ayaandarro dad baan ku farxin doorashada F.W. de-Klerk oo arrintu ugu muuqatay laba nin oo ilma-adeer ah oo jagada kala dhaxlay.
Dad baa goconaayey guuldarradii gumeysigii ummadda kadeeday, wejiyo isbeddelay iyo magacyo kala duwan oo loo qorsheeyey in lagu marinhabaabiyo shacabka madow.
Baaderiga Desmond TuTu oo ka mid ahaa dadkii aragtidaas aaminsanaa ayaa maqlay F.W. de-Klerk waa “moderate” ka wanaagsan P.W. Botha, wuxuu yiri murti loo riyaaqay oo taariikhda baal dahab ah ka gashay, erayadii TuTu waxaa ka mid ah “PW iyo FW waa xarfo Ingiriisi ah Botha iyo de-Klerk waa laba nin oo caddaan ah = F.W & P.W are English alphabets and both leaders are whitemen”
Akhristeyaasha qaar baa dhibsada qoraalladeyda ararta dheer leh, akhriste raalli ahaaw maanta dheereyn mayo oo waan soo koobayaa.
F.W. de-Klerk oo beddelay P.W. Botha waxaa la mid ah, shalay waxaa dalka boobi jirey oo baanka-dhexe lacagta ka daldalan jirey dad isku beel ah oo ay ugu caansanaayeen:
(Maama Madaxtooyo, Injineer Bidaar, Gafane Kibrey, Korneyl Kooshin, Cigaal-Shire-Diini-Diiriye, seedi wasiir maaliyadeed iyo kuwo kale) maanta waxaa beddelay (Jimcaale jeebweyne, Calasow cunaaye, ina-macallin-marya-cadde, Yeberow yaxaas, Jineraal Xarago, Guulwade Garcadde, Damdamle dib-ka-naax iyo kuwo kale, malaha madasha maanta waxaa ka maqan Seedi Saldano helay iyo Maama Madaxtooyo oo marwooyinka madaxweynuhu weli ma ilbaxin). Shalay halkudheggu wuxuu ahaa Xisbiga Hantiwadaaggu gaabin mayo, gadaal u laaban maayo, gulufka joojin mayo, guul-guul-guul.
Maanta halkudheggu waa “Al-Islaax waa amiir, inta kale waa agoonn”.
Shalay qofka doonaya inuu madaxweyanaha arko haddii ay ka wasteeyaan Cigaal-Shire-Diini-Diiriye oo aad safka ku biirto salaadda cisha kadib waxaad salka ku siqdaba madaxweynaha oo sigaar iyo kafee isu dulsaaran yihiin waxaad arkeysay addinka hore ee salaadda subax, jawaabta madaxweynuhu waxay u badaneyd qoraal nuxurkiisu ahaa “halla tixgeliyo muwaadinka warqadda sita”.
Maanta wax-qabasho iyo daryeel shacabka iska daaye, xataa lama hayo warqadii halla tixgeliyo. Abshir Bacadle (AUN) wuxuu yiri “nabee waa loo darsaday duqii dacayda weynaa” .
Tobankii sano ee lasoo dhaafay xafiisyada dowladda waxaa hortaagan AMISOM, ayaandarro shacabku inay si caadi ah u galaan oo muraadkooda ka helaan waa arrin adag.
Afka askarta AMISOM oo aan shacabku aqoon ka sokow, maamulka oo dhan wuxuu gacanta ugu jiraa koox yar oo habka TAKFIIRKA oo kale u abaabulan, xubnaha kooxdaan mooye qof kale inuu xerada soo galo waa madhacdo.
Qofkii kooxdu raalli ka tahay ama uu ka wasteeyo qof xigto leh mas’uulka muraadka laga leeyahay ama xoghaynta xafiiska kula macaamila “faro dufan leh baa wax duuga” ama siyaabo kaloo gurracan wax ku doona, waa laga yaabaa inuu si ciriiri oo waqti badan ku lumo ku arko madaxda dowladda. 1960kii nin baa yiri “nimaan dibutaati daaya lahayn amaan dabagaabi daadihineyn, wallee dameerahaa dardari”.
1940-yadii waagii Hindiya faqriga faraha maran ahayn, qof kastoo xafiis maamule ka ah, albaabka xafiiska laga soo galo waxaa u yiil sanduuq laaluusha loogu rido.
Maamuluhu waa aamusi jirey oo ma hadli jirey ilaa uu maqlo wixii sanduuqa lagu riday shanqartiisa, waxaana halhays u ahayd sidee kuula hadlaa adiguba sanduuqa lama hadline “How can I speak because you don’t speak to my box”.
Maanta laaluushku waa mushahaarka qaranka loogu shaqeeyo, waxaa socota afgarasho la mid ah sanduuqii Hindiya oo nuxurkiisu yahay madaxda qaranka ma arki kartid, muraadkaagana ma heli kartid haddaan lagaa wasteyn “recommendation” ama aadan laaluush bixin.
Waxaa dib loo soo nooleeyey halkudheggii 1960-yadii oo maanta ah “nimaan damul-jadiid daadihineyn amaan doollarkiisa ku daanshoon ama digdigle qabiil daaya lahayn, xafiis dowlo dan kama helo”.
Abdulkadir Osman “Aroma”