Ka dib markii sannadkii 1891 Sayid Maxamed Cabdulle Xasan dhulka Soomaalida ku soo laabtay isaga oo dhulal badan oo Jasiiradda Carabta ka tirsan oo maray. Waxa isbedelay wejigii Xabashida qabiilada Soomaalidu kula dagaalami jireen, waxana Daraawiishtii Sayid Maxamed abaabulay bilaabeen duulaano nidaamsan. Wejigan cusub ee dagaalku waxa uu aad u cabsi geliyey dhammaan gumeystayaashii dhulalka Soomaalida boobay ee ay Xabashidu ka midka ahayd. Waxana gumeystayaashii bilaabeen in heshiisyo iyo xulufaysi cusub bilaabaan si ay Daraawiishta meel uga soo wada jeestaan.
Dagaalkii ugu horeeyey oo Xabashida iyo Ingiriisku isku bahaysteen waxa uu ka dhacay magaalada Jigjiga 5 Maarso. 1900. Waxaana la weriyey in ay Daraashiista u suurtowday in ay xoolo badan oo qabiilka Ogaadeen laga dhacay ku soo dhiciyaan. Dhammaadkii 1902dii shir Ingiriiska iyo Talyaanigu Roma ku yeesheen waxa ay isku raaceen in duulaan kama dambays ah Daraawiishta lagu qaado si loo tirtiro. Saldhigyada hoggaaminta ciidamadana waxaa loo doortay Hobyo iyo Berbera. Heshiiskana waxaa ku jirey in Talyaanigu qabsado Hobyo oo xukunkiisu gaaro dhulka Mudug, hase ahaatee ciidamada Ingiriisku ka qayb qaadan doonaan dabar goynta Daraawiishta. Waxaa kale oo la sheegay in heshiiskaasu u fududaynaayey Talyaaniga in uu xoog ku muquuniyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid oo Hobyo xukumi jirey.
Ingiriisku wuxuu sidoo kale heshiis la galay Boqorkii Xabashida (Menelik) in uu duulaanka kala qayb galo, isaga oo u tusiyey in Seyidku labadoodaba nacabkooda yahay, danahoodana carqalad weyn ku hayo. Waxaana jigjiga laga soo diyaariyey 5,000 oo ciidamadii Abasiiniya ah oo ay la socdeen laba khabiir (sarkaal) oo ciidamada Ingiriiska ah. Waxaana ciidamadaas loo diray in ay tagaan “Togfaafan”, halkaas oo la filaayey in ay ahayd jidka keliya ee Seyidku Ogadeen ka geli karo marka la jebiyo. Ugu dambayntiina Saddexdii bishii Diseember 1903 ciidamadii Xabashida ee Menelik u qorsheeyey in ay Daraawiishta la dagaalamaan ayaa ka baxay meesha loo yaqaan Baabiili. Isbahaysigii gumeystayaashu dagaalkii ay kula jireen Daraawiishta waxa uu socday ilaa aakhirkii 1920kii oo ahaa markii Darawiishta la jebiyey.
Gugii (1905) cabsidii Soomaalidu, gaar ahaan Banaadir Xabashida ka qabtey ayaa rumowday, ka dib markii ciidamo Xabashi ah oo lagu qiyaasay ilaa dhawr kun, aadna u hubaysnaa –oo Fardooley ah ay soo gaadheen ilaa duleedka magaalada Balcad oo Xamar wax yar u jirta. Qabiiladii Soomaalida ee dhulkaas deganaa ayaa u midoobay, halkaasna waxaa lagu jebiyey ciidamadii Xabashida. Labo sano ka dib markii Amxaarada la jebiyeyna waxa ay duulaan cusub ku qaadeen Luuq, halkaas oo ay dad ku laayeen xoolo aad u tiro badana ku dhaceen. Luuq waxa ay ka tirsanayd dhul 180 mayl ah oo ka bilaabanayey webiga Juba (waqooyiga Baardheere) ilaa laga gaarayo Waqooyiga Soomaaliya iyo Howd, hase ahaatee Xabashidu markaas sheeganaysay.
Mudadii u dhexaysay 1905-1907, Waxa ay ahayd waqti ay yaraayeen dagaaladii ka dhexeeyey Soomaalida iyo gumeysigii Talyaaniga. Sida Talyaanigu aaminsanaa, xilligaasi wuxuu ahaa, xilligii xidhiidhka Daraawiishta Seyid M.C. Xasan iyo kuwii Banaadir sii kobcay. Waana waqtigii Seyidku warqadda u direy Biimaal, ee uu ku dhiiri gelinayey in ay gaalada jihaad ku qaadaan. Waxaase mudadaas dagaalo ka socdeen dhulka Soomaalida (Shabeele) ee Xabashidu isku fidineysay.
Markii taariikhdu ahayd 16 May 1908 Xabashida iyo Talyaaniga ayaa heshiis ku kala saxeexday “ku heshiinta” xuduudyada dhulka Soomaalida ee ay qaybsadeen.. Heshiiskaas waxa uu Talyaanigu Boqorkii Xabashida Menelik, ku siiyey 3 malyan oo Lire, si uu ugu wareejiyo dhulka ka bilowda Doolow ilaa laga gaadhayo webiga Shabeelle, marka dhinaca waqooyi Doolow looga baxo.
Voice Of Somalia -SOMALI LEAKS.