Xaalada Magaalada Buulo mareer ee shabeelaha Hoose ayaa maanta kacsan halkaasi oo ay isugu soo baxeen Dadweyne ka caraysan ficil fool xun oo ay ku kaceen shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya.
Dadka ayaa dhigay isku soo bax iyagoo xiray wadooyinka waxaana ay taayero ku gubeen wadooyinka.
Carada dadweynaha ayaa Timid xili saaka aroortii shisheeyaha Afrikaanta si bareer ah ulaayeen dad shacab ah oo saarnaa gaari nuuca raaxada ah.
Gaariga oo ka anba baxay Buulo mareer ayaa marayay inta udhaxaysa Buulo mareer iyo Golweyn ee shabeelaha Hoose.
Ciidamada Amisom ayaa istaajiyay gaariga waxaana ay kala dageen dadkii la socday iyagoo kadib laayay sida ay alfurqaan usheegeen ehelka dadka la gumaaday.
waxaa halkaasi ku dhintay afar qof oo ay ku jirto gabar yar iyo Ayeeyo da’ah.
Allaha unaxariistee Waxaa dhintay Maxamuud Macalim Maxamed oo ahaa Milkiilaha gaariga,Daauud Kaahiye oo ah Ganacsade,Ayeeyo Raaxo Faarax oo jirtay 85 sanno iyo gabadh yar oo lagu magacaabo Samsam Cabdiwaaxid Macalim.
Qaar kamid ah ehelka dadka lalaayay ayaan ka waraysanayay sida ay wax udhaceen iyo dibadbaxa ka socda Buulo mareer ee shabeelaha Hoose.