Janaraalada Tigreega oo shir deg dega laysugu yeedhay kadib kii saraakiisha dhexe.

12366342_776224172481588_5827642550234643284_n

Kala shakiga iyo khilaafka Qawmiga ah ee kala Irdheeyay saraakiisha kala duwan ee ciidamada Woyanaha oo in muda ah soo Jiitamayay, ayaa bilihii u dambeeyay gaadhay heerkii u sareeyay kadib markii saraakiil badan baxsadeen kuwana amardiida cadaana kudhaqaaqeen.

Xarunta wasaarada Gaashaandhiga Woyanaha ayaa dhowaan isugu yeedhay saraakiisha dhexe iyo kuwa Hoose ee Qaybaha kala duwan ee ciidamada Woyanaha, waxaana kulan 3-maalmood socday layeeshay wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidanka Woyanaha.

Kadib shirkaasi ayaa lagu soo waramayaa in kulan deg deg ah laysugu yeedhay janaraalada ugu sareeya Qaybaha kala duwan ee ciidamada Woyanaha, kuwaasi oo intooda badan wax laga saarayo mashaqada kala baxsiga u keentay ciidamada Woyanaha.

Saraakiisha ayaa sida warka aanu kuhelayno uu maanta shir uga furmaya xarunta wasaarada difaaca ee magaalada Addis ababa, halkaasi oo mid walba si gaara looga dhagaysan doono warbixinta Qaybta uu Taliyaha kayahay.

LAGA SOO XIGTAY Ogaden24