Maleeshiyadii mashaqada xsasuuqa kagaysatay deegamada dhaca xadka dhulka Gambelaha iyo Sudanta Konfureed ayaa cagta mariyay Urur dhan oo katirsanaa ciidamada milateriga Woyanaha oo maleeshiyada kaga daba tagay gudaha dalka Sudan.
Waxaa laxaqiijiyay in ciidamadii u horeeyay ee maleeshiyada kadaba tagay inaysan wax Quman kabad baadin waxaana maydkooda magaalada Gambela, lakeenay Habeen Hore ilaa 90-Askari oo kamid ahaa Askar gaadhaysa 200-oo kadaba tagay Maleeshiyada.
Maydadka Askartan ayaa waxaa soo aruuriyay boqolaal ciidama ah oo kadaba tagay kuwaasi oo wali kusugan meelihii dagaalka ba’ani kadhacay, warkani oo aan kahelay ilo wareed rasmi ah oo kusugan magaalada Addis ababa ayaa intaasi kudaray in dhaawac gaadhaya ilaa 50-Askari la keenay magaalada Addis ababa.
Qaar kamida Askarta oo ku fakaday dhulka lagu dagaalamay oo ah Kaymo waawayn ayaan la ogayn nolol iyo Geeri waxay kusugan yihiin, maamulka Woyanaha ayaa aad ula yaaban sida wax u dhaceen xadiga ay khasaare ee ay gaysteen maleeshiyada kasoo duushay gudaha Sudanta Konfureed.
Itoobiyma ama maamulka Tigreega ayaa waxa ku furamaya dagaalo ka socda gudaha Itoobiya iyo gudaha gayiga Soomaaliyeed oo la geeyay ciidamo aad u tiro badan oo Xabasho ah.
XIGASHO Ogaden24.