Maansada Dhallinyarada Xaaji Aadan Afqalooc Xaaji Aadan
Afqalooc oo ahaa abwaan weyn ayaa gabay uu tiriyay si weyn ugula
dardaarmay dhallinyarada. Xaajigu waxa uu dhallinyarada u
tilmaamay in ay yihiin waalidkii iyo madaxdii berri sidaas darteed
looga baahan yahay in ay dedaalaan. Waxaana ka mid ahaa
gabayga:-
* Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye
* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e
* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e
* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e
* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray
* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e
* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye
* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane
* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye
* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye
* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
* Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye
* Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.
TAARIIKHDA IYO GABAYADII XAAJI AADAN AF-QALOOC
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS