Yaa u Sabab ah Dowlad-burburka iyo Dagid la’aanta Soomaaliya?

36075798

Yaa ka dambeeyey burburintii dowladnimadii Soomaalida? Yaa hortaagan in dib loo soo celiyo? Yaa hoosta ka hurinaya dagaalka sokeeye ee aan dhammaadka lahayn sababtiisana la garanayn? Muxuu u dagi la’yahay dalkani halka ay quwadaha Reer Galbeedku wada dajiyeen, dibna u dhiseen dalalka kale ee ku burburaay dagaal sokeeye oo ka qota dheer kan Soomaalida? Yaa fashiliya heshiis kastoo la gaaro iyo dowladdii dib loo yagleelaba? Arrimahaas isku wada xiran, ma waxaa ka masuul ah annaga Soomaalida ah? Ma waxaa hoos ahaan uga shaqaynaya shisheeye naga awood badan oo dantooda ka dhex arkay daagaalka iyo dowladla’aanta? Mise waa labadaba? Jawaabta runta ah waxaa muuqata inay tahay labadaba. Sida ay labadaba u tahay iyo labada dhinac midba qaybta uu ka qaatay hoos ayaan ku faahfaahin doonnaa.

‘Laxiba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa’

Waxaa jira muran soo noqnoqda. Dad badan oo Somaali ah ayaa marka ay cidi soo hadal-qaaddo inay jirto gacan shisheeye oo hagardaamo wadda ama cadow dibadeed oo si dadban uga shaqaynaya dhibaatada Soomaalida waxay la soo boodaan ‘Waar Soomaalidu iyadaan dad ahayn ee ma jirto sabab ay cid kale ku bar-tilmaameedsato!”. “Beesha caalamku aad ayay noogu dadaashay ee annagaa wax qabsan kari weyney”. “Eedda annagaa leh ee waxba yaynaan cid kale eedayn”. Ma dhab baa taasi? Maya iyo haa. Waa run inaan annaga Soomaalida ahi leennahay ‘eed’ weyn. Waa run in waxa sida tooska ah u burburiyey dowladnimadii ay yihiin keli-talis, musuqmaasuq, caddaalad-darro, waddaniyadla’aan, sakhrad qabyaaladeed iyo kursi-doon indhala’ oo intaba ay ku kacayeen dad Soomaali ah, Soomaali oo dhan ma ahee masuuliintii siyaasadda. Intaa oo dhan ciddii tilmaantaa been ma sheegin, waana cudurro haddaannaan iska daweyn aannaan dowladnimo hanan karayn. Waxayse dadka badankoodu ka indha la’yihiin laba xaqiiqo oo tan garab-yaal: xaqiiqda koowaad waxay tahay, cudurradaas dhammaantood ma aha wax Soomaalida u gaar ah. Waa cudurro ama cillado ay nala wadaagaan dhammaan dalalka Afrika, dunida Carabta iyo guud ahaanba dunida saddexaad inteeda badan. Dalalkaas oo dhan iyagoo nala wadaaga cudurradaas ayay haddana ka badbaadeen burburka aan ka kici kari la’nahay.

Waa maxay sababtu?

Xaqiiqda labaad, ahna sababta aan u badbaadi weyney: xuma-falkii ay ku kacayeen siyaasiyiin Soomaali ah oo ummaddan hor boodayey dhawr iyo soddonkii sano ee la soo dhaafay, welina ay jiraan qaar halkii ka sii wada, ma ahayn wax aan dhaafsiisnayn Soomaalida, balse waxaa ku dhex jirtey oo kaalin weyn ka ciyaaraysey gacan shisheeye (dib baan ka faahfaahin doonnaa). Xuma-falayaasha madax-ku-sheegga ah waxay goor walba ku xiran yihiin shar-wadeen ajnabi ah, si uuna fahmi karin qofka caadiga ah. Taas ayaa ah sababta ugu weyn ee cudurradaasi annaga Soomaalida ah noo dileen dalalkii nala qabeyna u dili waayeen. Dalalkaa kale qudhoodu kama badbaadsana faragalin dibadeed,waxaase kala duwan nooca faragalinta, taas oo ku xiran nooca danaha laga leeyahay dal kasta oo ka duwan dalka kale.Cilladaha Soomaalida ee Burburka Fududeeyey Marka la qodobbeeyo, cudurada iyo cilladaha kor ku xusan waxaa ugu waaweyn kuwa hoos ku taxan:

1) Qabyaalad;

2) Hoggaan-xumo;

3) Caddaalad-darro iyo musuqmaasuq ay caadeysteen siyaasiyiin aan damiir lahayn. Waa saddexda aafo ee qaranimada curyaamiyey, dibindaabyada cadowgana albaabka u ballaqay;

4) Caaddifad indha la’ oo caqliga hawl-gab ka dhigta;

5) Saddexdaa kore oo dilay dareenkii qiirada waddaninimo;

6) Jahli iyo fiira-gaabni ay ugu darantahay tan garwadeenka siyaasadda;

7) Maalin-la-noolnimo – micnaha ku xisaabtanla’aan shalay iyo berri – shalay wixii la soo maray oo aan laga tilmaan-qaadan iyo berri waxa dhici kara oo aan laga gaashaaman ama lagu baraarugsanaan;

8) Xintan iyo xased ( heer qof iyo heer qabiilba) ;

9) kala dambayn la’aan, taas oo iyada iyo xintanku burburiyaan isku-duubnida ummad ahaaneed, majaxaabiyaanna hoggaanka wanaagsan iyo halyeygii soo bixi lahaa;

10) Xusuus la’aan – “illowsho dhawinaa innagu Soomaaliyeey!” (abwaan Cabdi Muxumud Amiin).

11) U-fiirsila’aan iyo ka-fiirsi la’aan – wax kastaa orod bay nugu dhaafaan indhalaa’nna waan ugu boodnaa. Maskax waan leenahay kamase shaqaysiino

12) Garan-waa ama dhegweynimo/dhukanaan ay u sabab tahay u-fiirsila’aantu;

Ummad caqligeedii safar dheer ku maqanyahay!

Tusaale marag u ah labada qodob ee kore (10 & 11), waxaa ilaa maanta la la’yahay wax Soomaali ah oo u fiirsada,dersa, ka dibna fahma riwaayadda ay 25 sano nugu hoosaasinayeen waxa loo yaqaan “international community” Beesha Caalamka. Waa wax la-yaab leh inay muddo ka badan 25 sano Soomaalidu garan kari la’dahay in laga riwaayadaysanayo laguna dul shaxayo, lagu dul taajirayo, laga leeyahay qorshe kale, qorshe liddi ku ah waxa la maqashiinayo. Waxaan faham iyo u-fiirsi u yeelan kari la’nahay in xoogaggan shisheeye (ee ah cidda dhabta ah ee gacanta ku haysa go’aanka siyaasadeed ee Soomaaliya), haddii ay run ka tahay ama daacad ka yihiin waxa ay ku hadlaan oo ah inay Soomaalida ku caawiniyaan inay nabad iyo dowladnimo ku soo noqoto, in hadday taasi run ka tahay waddankan mar hore la dajin kari lahaa sidii loo dajiyey dalalkii naga darraa ee isla xoogaggani ku dajiyeen muddo aad u gaaban. Waxaan wada ogsoonnahay madaxda Soomaalidu inay degdeg u fuliyaan amarrada kaga yimaada beesha caalamka (UN, AU, IGAD, US, iwm) sida marka ay shir ugu yeeraan ama ku amraan inay iska xaadiriyaan waddan dibadda ah. Waxaan kaloo ognahay go’aannada muhiimka ah ee ka soo baxa shirarka Soomaalida inay yihiin wixii ay yeeriyeen xogaggaas dibaddu. Xad waxay gaarsiisan yihiin madaxda ugu sarraysa kii ay doonaan ay ku amraan inuu xilka ka dego, asna uu ku khasbanaado inuu u hoggaansamo (Farmaajo iyo dowladdiisii, Cabdullaahi Yuusuf, Adan Madoobe). Haddaba, sida amarradoodaas oo dhan ay Soomaalidu u fuliso ayaa loo fulin lahaa wax kastoo tallaabooyin ah ee ay amraan in dalka lagu dajiyo, dagaalka lagu joojiyo, dowlad awood leh lagu dhiso. Waqti kuma qaadateen balse xaqiiqda ayaa waxay tahay in ayan doonayn inuu dalkani dego oo ku soo noqdo nabad iyo dowladnimo.

Cilladaha kor ku taxan waa ayaandarro na haysata haddaan Soomaali nahay. Waa caqabado curyaamiya dadaalka qaran-dhiska. Ha yeeshee waa qalad in waxa keliyee naga hor-muuqdaa ay noqdaan ceebaha iyo cilladaha aan leenahay. Xilliyada burburka iyo dhibaatada waxaa bata is haaraanka, is-eedaynta iyo is liididda. Marka ay is-biirsadaan taas iyo magac-dilka cadowgaagu si dadban kaaga dhaadhiciyo waxay dishaa ku-kalsoonida naftaada iyo kartida waxqabsigaaga.

Waxay kuu hoggaamisaa is-karhid, is-dhiibid iyo quus loo dhinto. Sida ummadaha kale, Soomaalidu waxay leedahay sifooyin aad u wanaagsan oo ka badan kuwaas aan wanaagsanayn ee aan soo tilmaanay. Dunida ma jirto ummad aan cillado lahayn. Qaar naga cillado badan ayaa ka nabad qaba ama ka sara kacay burbur iyo colaad sokeeye. Sababta Soomaalidu u badbaadi weydey ayaa haddaba tan ah: Ducfigeedu waa halkiisee, Waxaa u soo tafa xaytey cadow caynado badan, oo shaarar kala duwan ugu soo hoos gabbaday, oo ka faai’deystey cilladahaas iyaga ah. Sidii aan hore u tibaaxay, ducfigaas ayaa loo adeegsadey si aad u farsamaysan (highly systematic), oo ay Soomaalidu weli fahmi kari la’dahay.

Qalinkii: M.D.Afrax.