Sayidka oo rabay inuu ummadda Soomaaliyeed cadowga dal iyo diinba kaga soo duulay uu ka xoreeyo, dagaal lagu shahiido ama dowlad xora oo Soomaali maamusho la dhiso, waxaa xagal daaciyay waxkastana uga darnaaday Soomaalidii gumaystaha la safnayd ee dhuuni qaataha ahayd. Sikasta wax ugu sheegay dhankastana wuu ka tusay ciribta gaalka ay daba socdaan iyo dabinada uu la maaganyahay, dabka daraawiish ee baxaya markuu damo. “Naf dalkaaga doonaysa****Firaash looma daajo”. Gabaygaan ayaa si kooban u qeexaya u jeedadii iyo wixii sayidku u dagaalamayay wuxuuna yirir;
Haddaan waayay calan lay nashiro ** tan iyo Neyroobi
Miyaan waayay naamuus janniyo ** daalac iyo naasil
Haddaan waayay ciidoo naqliyo ** inaan Nugaal daaqo
Miyaan waayay neef aan xarbada ** naallo ugu fuulo
Haddaan waayay ruux iga naxoo ** ii nasabad sheegta
Miyaan waayay naxariis alliyo ** nabiga jaahisa
Sayidku kama daalin inuu shacabkii tix iyo tiraabba wax ugu sheego halganka tooska ah ee uu gumaysiga kula jiro mid la mida ayuu dadaal ugu jiray inuu Soomaalida dareenkooda ku baraarujiyo oo garab uga helo si ay cadowga dhan uga wada noqdaan. Qayb kasta oo bulshada ka mida gooni ayuu wax ugu sheegayay. Kama il duufin inuu culumada qaarkood oo dhabadhilifkii iyo gumaysigii uga dhawaaday uu canaanto, waaniyo. Sidoo kale ayuu la talinayay dadka caamada ahaa, dumarkii iyo carruurtii wuxuuna u sheegayaa in hoggaankoodii bohol kusii wado. masafo (nooc ka mida maansada) dheer oo arrinta uu kaga hadlayay qayb uu wadaada kula hadlayay waxaa ka mid ahaa;
“doodna waxaan u leeyahay *** culimada dafaarka ah
War aan idinma doocine *** idinkaa igu diimaye
Dalkaad iibiseen baa *** dacarta igu kiciyaye”
Dardaarka dhaxal gal ah inta danbe wuxuu ku leeyahay
“idinkaa dalkaba lehe *** Dowlad maad u noqotaan
Illeen dowoni calaf ma leh *** Dubaax maxaa ka baylahay”
Haatana mar uu caamada la hadlayay isla masafadaan qayb kaloo ka mida wuxuu kula dardaarmay;
“doodna waxaan u leeyahay**** dumarkiyo carruurtoo
Dadkii idinka waynaa **** hadday idin dulleeyeen
Dambi kama ay gaayine **** cuntay idinka doorteen
Duunyaa la dhaafsaday **** dugsigaad galayseen
Dameerkuna ma yeeleen **** halkay talo ku daysteen
Dab intay shideen bay **** dalaq idinku siiyeen
Doox intay qodeen bay **** ciid idinku daadsheen
Nin idiin damqanayaa **** idinkama danbeeyee
Hadaydaan digtoonaan **** daadka idin qaadiye
Duleedada kufaartaa **** dacas idinku laynoo
Naf dalkaaga doonaysa **** firaash looma daashee
Dabkaan aan shidaayaa **** dawadiina weeyee
Dariiqii rasuulkiyo **** dowga haka bayrina!”
Wali asagoo hoga tusaalaynaya bulshada waatuu lahaa;
- “war hooy deeqda eebiyo *** jano maad ku dirirtaan?
- Dumbuq ninkii aan lagu dilin *** dan la’aanba waw dhiman
- Inkastood dadaashaan *** ma nafbaad damcaysaan
- Haddaan dunidu waaray *** miyaad daa’imaysaan?.
WELI HALKII SAYIDKA AYAY TAAGAN TAHAY, DAGAALKA MAANTA SOCDAA WAA LABA SAF, QOF WALIBA HALKUU KAGA BIIRO WAXAA XUSI AMA QORI DOONAA TAARIIKHDA IYO QALINKA KUWA AAN KA DAALIN INAY WAX QORAAN,KHEYR ALLAHA SIIYEE.
DAGAALKA SOCDAA WAA DOON LABA MADAX IYO LABA MATOOR LEH,LABADA MATOORNA MID WAA XOOG WEYN YAHAY, MIDNA LACIIF TABAR DARAN “XAQ IYO BAADIL”
WAXAAN U JOOGNA AMA WELI SOO QORI DOONAA HALKAY KU DANBEYSO DOONTAAS SOCOTAA.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.