Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo horay u ahaa wasiir katirsan dowlada Federaalka soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hoggaanka DF-ka ay dhibaata xooggan ku hayaan shacabka soomaaliyeed.|
Jeelle oo wareysi dhinacya badan taabanaya bixiyay ayaa ku eedeeyay Hoggaamiyaha dowladad Federaalka in uu musuq maasuq iyo xatooyo ka dhax abuuray dowladda Federaalka islamarkaana uu dhulka sii gelayo dhaqaalaha dalka.
“Musuq Maasuq iyo xatooyo ayuu madaxweynuhu dalka u horseeday mahaan dowlad mataal waa koox doonaysa in ay dalka xoog ku maamusho” ayuu yiri salad Cali Jeelle.
Wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhigga dowlada Federaalka ayaa carrabka ku adkeeyay in xukuumadda hadda jirta ay isku daarsatay musuq maasuq shisheeye kalkaalnimo iyo dhaca hantida shacabka soomaaliyeed.
Mar uu soo hadal qaaday dabadhilifnimada Xasan Gurguurte ayuu yiri “meesha xaaladdu gaartay waxaad arkaysaa Itoobiya oo dhahaysa ciidankeena soomaaliya jooga waa yaryihiin waa in aan badinaa iyadoona madaxweynuhu uu iska qoslayo” Salaad Cali Jeelle.
Sidoo kale ina Cali Jeelle ayaa isagoo beenloow ah markaan run sheegay wuxuuna ka dhawaajiyay fikir ka dhax guuxaya inta badan shacabka Muqdisho oo ah waqtiga uu soo idlaan doono maamulo Xasan Gurguurte.
“Dhaqaalihii dalka waa baaba’ay dadka dhan waxay is weydiinayaan meeqa bil ayaa ka dhiman waqtiga madaxweynaha wallaahi dadku waa macaaday intaan ka badan siima dulqaadan karo” ayuu warkiisa sii raaciyay Salaad Cali Jeelle.
Magaalada Muqdisho waxaa kajira burbur dhaqaale oo lixaad leh kadib markii ilihii dhaqaalaha dalka ay Villa Somalia ku wareejisay shirkado shisheeye kuwaasi oo shaqada ka eryay kumanaan muwaadiniin ah oo hadda meel cidle ah taagan.
Marka lagasoo tago gumeysiga ay shisheeyuhu geliyeen shacabka waxaa jira dhibaato dhanka dhaqaalaha waxaana muuqata in dhibaatadaasi ay ka faa’iidaysanayaan siyaasiyiinta mucaaradsan Xisbiga Damul Jadiid.
Liibaan Jeexoow Cabdi