Kadib markii ay isbahaysiga uu Midowgii Sufyeeti hoggaaminayay ka adkaadeen ciidamadii Soomaaliyeed, waxaa abuurmay dagaal qaawan oo lagu ridayo dowladii Soomaaliya. Waxaa sabab laga dhiganayey iney tahay dowlad uu madax ka yahay kaligi talis madax adag oo khatar ku ah waddamada deriska la ah. Halgankaas oo wajiyo badnaa, waxaa ka mid ahaa dowladii Itoobiya oo Mingistu Haile Mariam uu madaxda ka ahaa, asagoo doonayey inuu ka takhalluso Soomaaliya gabigeedba si aaney dib-dambe dowlad is-haysata u noqon. Waxaa ayana jirey garab kale oo ahaa waddamo reer Yurub ah oo taageero hiil iyo hooba la garab taagnaa jabhadihii ka soo horjeedey dowladii ka jirtey dalka. Garabka seddexaadna, wuxuu ahaa jabhadihii SSDF, SNM, USC iyo SPM oo ayagu noqday aaladii loo isticmaalay burburintii qaranka Soomaaliyeed.
Dumintii qaranka Soomaaliyeed, waxaa ayana qayb ka qaatay dad dowlada ka mid ahaa ama wadanka gudihiisa joogay oo taageersanaa jabhadaha ka soo dagaalamaya Itoobiya. Dadkaas dagaalkoodu waa tira badnaa, waxay faafin jireen dicaayado ay dadweynaha iyo dowlada isaga horkeenayaan. Waxay kaloo sameyn jireen curyaaminta hawl maalmeedka dowlada, ayagoo ciriiri galin jirey waxyaabaha dadweynuhu u baahanyihiin sida shidaalka iyo cuntada.
Ururkii SSDF”PUNTLAND”
Haddii aan soo qaadano jabhadii SSDF oo ayadu bilowday halganka lagaga soo horjeedo maamulkii Maxamed Siyaad Barre, waxaa la sameeyey markii uu fashilmay cinqilaabkii uu hoggaaminayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaa dhacday iney dowladu cadaadis xoog leh saartay cid alla ciddii loo maleeyo iney caadifad u hayso jabhadaas. Waxaa la xirxiray dad badan oo aan waxba galabsan balse loo arkayey iney khatar ku yihiin dowlada kacaanka ah. SSDF xarunteedu waxay ahayd Itoobiya halkaas oo ay taageero ciidan iyo dhaqaalaba ka heli jireen. Waxay kula dagaalami jireen ciidamada dowlada xuduuda u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
SSDF iyo ciidamo Itoobiyan ah oo wada socda ayaa qabsaday magaalooyinka Galdogob iyo Balanballe oo labaduba ku yaal xadka ay Soomaaliya la leedahay Itoobiya. Waxaa dad badan oo ka mid ahaa ciidamada SSDF la yaab ku noqotay markii ay ciidamadii Xabashidu ka taageen calankooda magaalada Galdogob. Markii hore waxay moodayeen Xabashidu iney taageersan tahay qadiyadooda ah in la rido maamulka Maxamed Siyaad laguna bedelo mid ay ayagu horkacayaan. Waxaase u cadaatay iney Xabashidu dooneyso iney dalka qabsato oo ay ayadu maamusho.
Laga soo bilaabo sanadkii 1984tii ururkii SSDF, waxaa soo kala dhex galay ismaan dhaaf qabiil iyo khalkhal siyaasadeed, waana kii rag badani kaga baxeen dagaalkii ay kula jireen maamulkii Maxamed Siyaad. Waxay u qaybsameen in waddanka ku soo noqota oo la heshiisa dowlada, jagooyin muhiiin ahna loo dhiibey sida Wakaalada Xooga Korontada iyo in dibedaha qaxootinimo u aaday oo isaga baxday dagaalkii. Waxaa kaloo jirtey iney iska horyimaadeen Xabashida iyo hoggaankii SSDF, taas oo dhalisay inay dowlada Itoobiya xirto Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo Jabhada madax u ahaa.
Ururkii SNM”SOMALILAND”
Ururkii SNM, waxaa lagu aasaasay London sanadkii 1982gii, waxaana sameeyay dad u dhashay beesha Isaaq oo markaa wax ka tirsanayey dowladii Maxamed Siyaad. Waxaa hadafkoodu ahaa sida ururada kale ee mucaaradka ahba, in la rido maamulka Maxamed Siyaad iyo in la dhiso dowlad dimuqaraadi ah oo aan qabiil ku saleysneyn. Caadiyan Soomaalida waxa ay warqadaha ku qortaan dastuur ahaan iyo dhaqankoodu waa kala labo. Waxay dhammaan jabhadihii wadanka soo maray ku dhisnaayeen taageero qabiil iyo caadifa qabaliya. Saldhigii jabhadii SNM, waxaa loo raray Itoobiya oo ahayd xarunta jabhadaha oo idil. SNM waxaa madax u ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo oo dowladii Maxamed Siyaad ka ahaan jirey Wasiirka Ganacsiga.
Sanadkii 1983dii, waxaa ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee gobollada waqooyi bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo dowlada. Dowladuna waxay qaaday tallabooyin ay cadaadis ku saareyso dadka reer waqooyiga ah. Dad badan oo ay ka mid ahaayeen ganacsato iyo odayaal ayaa la xirxiray si looga hortago kacdoonka reer waqooyiga. Taasi waxay sii kordhisey caradii dadweynuhu u qabey dowlada.
Sanadkii 1988dii Maxamed Siyaad Barre iyo Mingistu Haile Mariam, waxay kala saxiixdeen in jabhadaha mucaaradka ahi ay hubka dhigaan, waddanka ay magangelyada ku joogaana ka baxaan. Ururkii SNM, heshiiskaas markii la saxiixay, waxay go’aan ku gaareen iney galaan gobollada waqooyi ama ha guuleystaan ama yaaney guuleysane. Dagaalkaas oo xooggiisu ahaa Hargeysa iyo Burco, waxaa ku dhintay dad aad u tira badan oo labada dhinacba ah. Waxaa kaloo jirtey in diyaarado lagu duqeeyey magaalada Hargeysa si loola dagaalamo ciidamadii SNM. Diyaaradahaas oo ay wadeen duuliyayaal u dhashay Koofurta Afrika, waxay u geysteen magaalada Hargeysa burbur aad u ba’an.
17kii bishii Maajo 1991dii, markii xukunkii Maxamed Siyaad la riday ayaa jabhadii SNM ku dhawaaqday iney ka go’een Dalka intiisa kale, kuna dhawaaqeen dowlad la yiraahdo Jamhuuriyadda Soomaaliland. Goosashadii Soomaaliland dadka reer waqooyigu aad ayey ugu riyaaqeen, maxaa yeelay waxay xasuusnaayeen dhibaatooyinkii ay u geysatey xukuumadii kacaanka. Waxaa kale oo sii fogeyey dadka reer waqooyiga dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay iyo Cali Mahdi oo ay kooxdii Manifeysto u caleemasaartay madaxweyne ayadoon cid kale ayna la tashan. Bishii Febraayo 1993dii, ururkii SNM, wuxuu qabanqaabiyey in shir la isugu yimaado magaalada Boorame. Shirkaas oo muddo 3 bilood ah socday, waxaa lagu dhisay dowlad uu madax ka noqday Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur). Waxaase ka dambeeyey dagaalo lagu hoobtay oo dhex maray dowlada iyo qabaa’il diidanaa. Taasina waxay dhalatay markii Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) maamulku laga wareejiyey oo loo dhiibey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Dagaaladii Cigaal ku qaaday qabaa’ilkii xukunkiisa diidanaa, waxay la misaal yihiin kuwii uu Maxamed Siyaad ku qaadi jirey cidii ka hortimaadaba. Markii dambe, dagaaladaas waxaa lagu dhammeeyey wadahadal. Dowladii uu madaxda ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo tan Daahir Riyaale Kaahin, waxay xiriir hoose la yeesheen maamulka ka jira Addis Ababa, si xukunkoodu u sii jiro. Haddaba si ay kalsooni ama taageero uga helaan dowlada Itoobiya, labadaas maamulba waxay gacanta u galiyeen ciidamada Itoobiya dad Soomaaliyeed oo ka soo cararay dagaalada ka oogan Kilinka 5aad ee Itoobiya kuwaas oo nabad gelyo soo biday magaalooyinka waqooyiga sida Hargeysa. Dhacdooyinkaas waxaa aad uga xumaaday dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba.
Ururkii SPM”JUBALNAD+ JIGJIGA LAND”
Ururkii SPM waxaa lagu aasaasay gobolka Jubbadda Hoose sanadkii 1989kii. SPM waxaa sameeyey rag ku abtirsada beesha Absame oo ka soo horjeestey xukunkii Maxamed Siyaad. Sida aan la socono beeshan waxaa dadku ku xaman jireen iney ka mid tahay seddexda beelood oo garbaha u ahaa xukunkii Maxamed Siyaad. Jabhadani waxay ka bilowday dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah xuduudaha Soomaaliya la leedahay dalalka Keenya iyo Itoobiya. Jabhadan waxaa madax ka ahaa Bashiir Cali Salaad (Bililiqo), wuxuuna saldhig ka dhigtay tuulada Dhoobley ee xadka Keenya ku dhow. Dowladu waxay dagaal gelisay ciidamadeedii fadhiyey Gobolka Bakool iyo Jubadda Hoose si loo ciribtiro kacdoonka SPM.
Sanadkii 1990kii, waxaa ku soo biiray ururkii SPM Axmed Cumar Jees oo ka soo goostay qaybta 26aad oo fadhigeedu ahaa Waqooyi Galbeed. Dowladii Mingistu, waxay saldhig ka siisay ciidamadii Axmed Cumar Jees gudaha Itoobiya meel ku aadan gobolka Bakool si uu halkaa uga dagaalamo. Bartamihii sanadkii 1991dii, waxaa heshiis saddex geesood ah galay Axmed Cumar Jees, Maxamed Faarax Caydiid iyo Cabdiraxmaan Tuur. Heshiiskaas waxay la galeen Mingistu Haile Mariam oo doonayey iney isbahaysi sameystaan si ay uga takhalusaan dowlada Maxamed Siyaad Barre. Garabkii SPM ee uu madaxda ka ahaa Bashiir Bililiqo aad bay uga xumaadeen heshiiskaas ayaga oo ku eedeynayey Axmed Cumar Jees inuu ka mid noqday jabhada USC. Axmed Cumar Jees asagoo isku halleynaya heshiiskii uu la gaaray Maxamed Faarax Caydiid, dagaal ayuu soo qaaday ciidamadiisiina waxay soo gaareen magaalada Afgooye.
Waxaase dhacday in Caydiid uga baxay heshiiskii ahaa iney xukunka ka ridaan dowlada Maxamed Siyaad kadibna ay dowlad wada dhisaan. Axmed Cumar Jees oo dhibaatooyin waaweyn u geystey dadkii Daaroodka ahaa oo ka soo qaxay Xamar markii ay marayeen Afgooye, waxaa dharbaaxo xun ku dhuftay ciidamadii saaxiibki Caydiid. Ciidankiisiina markaa waxay noqdeen wax la diley iyo wax naftooda la baxsaday.
Arrintaasi aad bay uga careysiisey Axmed Cumar Jees iyo taageerayaashiisii oo u arkayey iney markii horeba khalad ahayd inuu heshiis noocaas ah la galo Caydiid. Waxaase dad badan la yaab ku noqotay inuu Axmed Cumar Jees la socdo oo ka mid noqdo ururkii SNA kadib markii ciidamadiisa lagu laayey Afgooye. Waxaa la sheegaa inuu aaminsanaa in Caydiid noqon doono Madaxweynaha dalka jago muhim ahna siin doono.
Ururkii USC”HAWIYELAND”
Bishii Janaayo 1989kii, waxaa magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga lagu aasaasay ururkan oo ay sameeyeen dad ka soo jeeda beelaha Hawiye iyo Xawaadle. Waxaa madax ka ahaa Cali Maxamed Cosoble (Cali Wardhiigley). Ujeedada loo sameeyay ururkan, waxay ahayd in beelaha Hawiye oo aaminsanaa in Daaroodku ay u geysteen xadgudubyo fara badan oo ay isla markaas marooqsadeen dowladnimadii ka dhexaysay ummadda Soomaaliyeed. Maxamed Siyaad waxa uu marwalba iska ilaalin jirey iney cinqilaabaan dadka u dhashay qabaa’ilka Daaroodka iyo Isaaqa ah. Marka laga reebo shakhsiyaad uu iska ilaalinayey sida Maxamed Faarax Caydiid, Maxamed Siyaad wuxuu soo dhaweyn jirey dadka u dhashay beelaha USC. Waxaa kaloo jirtey in mashaariicda laga fulin jirey deegaanda koofurta ee dalka.
Beelaha USC taas sadbursiinyo uma arag ee waxay bilaabeen halgan ka soo horjeeda maamulkii jirey. Waxay xarun ka dhigatay gudaha Itoobiya si ay dagaal ugu soo qaado dalka. Mingistu wuxuu u guuxay hadaladii USC oo tilmaamayey in dhibaatooyinka had iyo goor dhex yaalla Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaan madaxda Daarood oo ku andacooda iney Itoobiya dhul ka haysato.
Markaa kadib, waxaa abuurmay kacdoon ay Habargidir hoggaamineyso kaas oo abaabul xoog leh sameeyey si ay u helaan rag u dagaalama. Maxamed Faarax Caydiid oo markaa ka hor danjire ka ahaa India, wuxuu ciidan ku aruursaday Mustaxiil si uu dagaal u abaabulo. Cali Wardhiigley markuu dhintayna, Caydiid wuxuu isku magacaabay madaxa ururka USC. Maleeshiyadii USC oo u badaneyd Habargidir iyo Xawaadle, ayaa dhowr goor dagaal ku soo qaaday ciidamadii dowlada ee ku sugnaa Hiiraan iyo Galguduud.
Dagaaladaas kadib, USC waxay go’aansatay iney xoogga saarto in la kiciyo dadka reer miyiga ah oo hab qabiil lagu abaabulo iyo in Abgaalka oo markaas aan dagaalka ku jirin la kiciyo si ay u dagaalamaan. Markaas kadib, Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaa ka bilowday burcadnimo iyo dhac loo geysanayo baabuurta iyo hantida dadweynaha, taas oo khal khal gelisey magaalada dadkii ku noolaa.
15kii bishii Maajo 1990kii, kadib markii dilkii iyo dhacii ku soo batay Muqdisho, waxaa is abaabulay 114 ruux oo warqad u diray Maxamed Siyaad si xaalka wax looga bedelo. Warqadaas oo la magac baxday Manifesto, waxaa qoray dad isugu jira siyaasiyiin, culumaa-u-diin, aqoon-yahanno iyo waxgarad kale oo dhammaantood dareensanaa dhibaatada soo socota. Waxaa la sheegay in Maxamed Siyaad uu ka argagaxay markii uu akhriyey warqadii ay soo qoreen dad kala duwan oo qabiil kastaa uu ku jiro.
Maxamed Siyaad inuu wax ka qabto waxyaabihii ku qornaa warqada iska daaye, wuxuu bilaabay inuu yiraahdo waa dadkii xukunka aan kala wareegney 1969kii oo hadda doonaya iney mar labaad qabsadaan. Waxaa la xiray 45 qof oo ka mid ahaa dadkii warqada qoray, waxaana lagu soo eedeeyey khiyaamo qaran iney sameeyeen. Dadkaas waa la sii daayey, markii cadaadis xoog lihi Maxamed Siyaad kaga yimid dibeda iyo gudahaba.
Bishii Oktober 1990kii, waxaa Muqdishu ka bilowday qalalaase iyo bannaan baxyo rabshado wata. Dadka intii awoodey carruurtoodii wadanka way ka saareen, waxayna bangiyada kala baxeen wixii lacag u taalley. Bishii Desember 1990kii, waxaa ay isku deyday dowladu iney wax ka qabato ammaan darida magaalada ka jirta, waxayna hawl gelisey kooxo ka tirsanaa ciidamadii booliska iyo masuuliyiintii nabadgelyada u xilsaarneyd.
Arrintaas waxba kama hirgalin, waayo masuuliyiintii loo xilsaaray ayaan daacad ka ahayn in nabadgelyadu soo noqoto. Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Duqii Magaalada Muqdisho iyo taliyahii ciidanka Asluubta dhammaantood waxay ahaayeen qabaa’ilka ku abtirsada USC oo garab siinayey maleshiyooyinka dagaalka wada. Intaa waxaa raacay in Taliyahii Ciidamada Boolisku asna taageersanaa kacdoonka USC.
Waxaa ayana jirey in madaxda kale ee Daaroodka ahi ay ayaga laftoodu aaney daacad ka ahayn rabshadaha socday. Waxay islahaayeen Maxamed Siyaad markii xukunka laga rido, waxaa bedeli doona dowlada ka wanaagsan. Mas’uuliyiinta beelaha Daarood kama filaneyn in USC ay sidaa u xasuuqi doonto shacabka caadiga ah ee Daarood.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhalinyaradii beelaha USC ee miyiga laga soo aruuriyey oo hubeysan hoggaankana ay u hayaan rag ciidamada ka mid ahaan jirey, ayaa isku aruursaday meesha la yiraahdo Ceel Cirfiid. Bishii Jannaayo bartamaheedii ayaa ciidan iyo shacabba dadkii Mareexaanka ahaa ay bilaabeen iney xaasaskooda iyo maal wixii ay heli kareenba kala baxaan Muqdisho. Dagaaladii markii ay aad u cuslaadeen ayaa dadkii kalena ka qaxay magaalada oo qof walba aaday meeshuu islahaa waad ku nabad galeysaa.
Dhalinyaradaas markii dambe loo bixiyey mooryaan, ayagoo qabiil qabiil u kala socda ayey bilaabeen dagaal aan habeysnayn oo wixii ay arkaamba ay xasuuqeen. Dhalinyaradaas waxaa lagu dagaal geliyey in Daarood boobay hantidoodii xukunkana uu xaqdarro ku haysto. Intaa waxaa ka sii daran in laga dhaadhiciyey in Daarood gumeysanayey 100kii sano ee la soo dhaafay. Waxaana laga wariyey ilo xogogaal ah in xattaa mashaayiikhda qaarkood yiraahdeen xoolaha Daarood waa idiin xalaal, maxaa yeelay markii horeba adinka ayaa la idinka dhacay. Markaa kadib waxaa badatay bililiqadii, kufsigii iyo dilkii dad aan waxba galabsan loo geysanayey.
Waxaas oo dhibaato ah Maxamed Siyaad nin ka diiraya ma ahayn oo waxaa laga dhaadhicin waayey in dowladiisii ay u dhammaatay, waxaase dhacday 26kii bishii Janaayo 1991dii, asagoon cidnaba u sheegin inuu ka baxay magaalada Xamar una kicitimay Kismaayo. Markii dambe wuxuu Kismaayo uga sii gudbey Gobolka Gedo oo uu saldhig ka dhigtay.
Dowladii Maxamed Siyaad markii ay dhacday, Muqdisho waxaa qabsaday qabaa’ilka ku abtirsada ururka USC. Hoggaankii USCna kuma fekerin in ay magaalada xasiliyaan oo ay dhisaan maamul ka shaqeeya danaha dadweynaha. Waxayse abaabuleen dagaal horleh oo Daaroodka looga sifeynayo dalka dhammaantiis. Waxaana taas daliil u ah, dagaalkii Caydiid hormoodka ka ahaa oo ay maleshiyooyinka USC ku qaadeen gobollo badan sida Jubbada Hoose, Gedo iyo Mudug.
Waxaa dad badan la yaab ku noqotay, bililiqada iyo burburinta loo geysanayo hantida qaranka iyo tan gaar ahaaneedba. Waxaa la bililiqaystay xafiisyadii dowlada, jaamacadihii, dugsiyadii iyo meel kasta oo hantiyi taalley. Waxaa lala baxay fiilooyinkii telefoonada, tuubooyinkii biyaha, kuwii korontada qaadayey iyo taallooyinkii ku yiil magaalada Muqdisho dhammaantood. Waxaa la fiiqsaday warshadihii dalka kuwa dowladeed iyo kuwa dadweynaba. Waxaas oo qalab ah waxaa loo dhoofiyey waddamada Soomaaliya deriska la ah iyo waddamada Carabta qaarkood sida Imaaraadka Carabta, Suudaan iyo Yemen.
21kii Febraayo 1991dii, waxaa la sheegay in Allaah ha u naxariistee Cali Geedi Shadoor idaacada ka yiri, ‘Haddaan nahay ururka USC dadka ku abtirsada, maamulka magaalada Muqdisho waxaan hayney 21 maalmood, Maxamed Siyaadna 21 sano. Run markaan u hadalno 21kii maalmood oo aanu hayney dhibaatadaan geysaney ayaa 10 jibbaar ka baaxad weyn dhibaataduu geystey Maxamed Siyaad. Haddii aan moodayo in arrintu sidan noqoneyso ururka USC ma galeen kamana mid noqdeen.’
28kii bishii Janaayo 1991dii, waxaa madaxweyne ku meel gaar ah loo doortay Cali Mahdi Maxamed. Asaguna Cumar Carte Qaalib ayuu u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Kowaad. Arrintaas dad badan ayey ka fajicisey, maxaa yeelay waxaa la maleynayey in wada tashi Soomaaliyeed la isugu imaan doono si dowlad loo dhan yahay loo dhiso. Waxaa ayana yaab kale noqotay markii Cumar Carte idaacada kaga dhawaaqay in ciidamadii Xoogga Dalka ay isu dhiibaan ururada hubeysan ee gobollada kala jooga. Taasi waxay muujineysaa inuusan ahayn nin ku talo galay inuu qaran hoggaansho ee ay caadifad qabiil qaaday.
20kii bishii Febraayo 1991, ciidamadii USC iyo dad kale oo taabacsanaa, waxay weerar ku soo qaadeen Gobolka Gedo oo Maxamed Siyaad markaas ku sugnaa. Duulaankaas ciidamadii soo duulay waa laga adkaagay, waxaana la isla soo gaaray magaalada Baydhabo.
2dii bishii Maarso 1991dii, ciidamadii USC waxay weerar ku qaadeen magaalada Gaalkacyo oo ay qabsadeen. Waxayna halkaas ku dileen dad gaarayaa 500 oo qof oo odayaashii magaalada u badan. Dadkii degaanka dib ayey isu abaabuleen, waxayna Gaalkacyo dib u qabsadeen 28kii Maarso 1991dii. Waxaa la sheegay in ujeedada dagaalkani ahaa in ciidamada USC ay ka sifeeyaan wixii aan iyaga taabacsaneyn gobollada dalka oo dhan, waxayna ku talo galeen iney socdaan illaa ay qabsadaan magaalada Boosaaso.
Bishii Abriil 1991dii, Maxamed Siyaad Barre iyo ciidankii uu watay oo ka yimid Gobolka Gedo iyo Daaroodkii u qaxay dhineca Kismaayo oo isa soo abaabulay, ayaa waxay ku kulmeen meel u dhow Afgooye. Labaduba waxay soo qaadeen dagaal rogaal celin ah kadib markii ay cadaatay in Caydiid iyo maleshiyadiisu aaney meelna ku deyneyn.
Ciidamadaas weerarka ahi markii ay soo gaareen agagaarka Afgooye, waxaa dhashay khilaaf ay ku kala jabeen. Maxamed Siyaad iyo Mareexaanka la socdaa waxay u soo dagaal galeen iney xukunka dib u qabsadaan, ciidanka kale ee Kismaayo ka yimidna wuxuu dagaalka u soo qaaday inuu dhibaatada dadkooda Xamar loogu geystay ka jawaab celiyaan. Markii khilaafkaasi yimid, waxaa ka faa’iideystay Caydiid iyo Maleeshiyadiisii ciidankii Daaroodna si fudud ayaa dib loogu celiyey.
Dagaalkaas markii uu dhacay, waxaa sii laba jibaarmay xasuuqii lagu hayey dadka aan ku abtirsan USCda, ayadoo aan la kala soocayn dumar, rag, cirroole iyo caruur midnaba. Magaalada Muqdisho waxaa lagu laayey dad aad u fara badan oo aan waxba galabsan. Dhibaatadaas mid la mid ahi waxay soo gaartay dadkii gibil cadda ahaa oo deganaa Muqdisho, Marka, Baraawe iyo meelo kaleba. Ayadoo laga dhacay wax alla wixii maal ay haysteen, gabdhahoodiina la kufsaday.
Caydiid iyo Maleeshiyadiisu waxay gaareen illaa iyo xuduuda Keenya, ayagoo gumaaday qof kasta oo ay u gartaan inuusan ahayn beelaha taabacsan USC Waxay qabsadeen gobollada Gedo, Jubada Hoose iyo Bay. Maxamed Siyaad markii ay u cadaatay inuusan sii joogi karin Gedo, wuxuu u baxsaday dalka Keenya. Waxaana nabadgelyo siyaasadeed siiyey waddanka Nayjeeriya halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday.
Dagaaladaas ka dhacay Muqdisho iyo gobolada koofur ka xiga iyo dagaalkii USC ku qaaday Gaalkacyo, waxay cadeynayaan in qorshuhu ahaa in USC ay xoog ku qabsato dalka oo idil. Cali Mahdi iyo Cumar Carte oo madaxnimo sheeganayey midkoodna kuma dhaqaaqin tillaabo muujineysa iney ka xun yihiin dagaalada dalka ka oogan. Waxaa ayana la yaab noqotay in raggi waddanka madaxda ka ahaan jiray ay kala taageereen qabaa’ilka dirirtu ka dhexeysey oo laga waayey mid yiraahda dagaalada ha la joojiyo.
Marka waxaa la oran kara, waxaa run ah hadalkii ahaa “Fiqi Tolki Kuma Janno Tago”. Nin waliba qabiilkiisii ayuu la saftay oo xumaanta uga dheereeyay maleeshiyooyinkii hubeysnaa, isagoo ugu deeqaya maal iyo murud hadba wixii uu heli karo. Dagaaladaas sokeeye ee u dhexeeya Qabaa’ilka Hawiye iyo Daarood, waxay soconayeen illaa iyo bishii Juunyo 1991dii. Waxayna ahaayeen kuwa lagu hoobtay dad aad u fara badanina ku naf waayeen.
LA SOCO QEYBTA KALE.INSHA ALLAH.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS