Uganda oo ku dhawaaqday inay ciidankeeda kala baxayso gayiga Soomaaliyeed.

Uganda oo ku dhawaaqday inay ciidankeeda kala baxayso gayiga Soomaaliyeed.

Lt Col Paddy Ankunda ayaa sheegay in la soo celinayo ciidanka ka jooga koofurta Soomaaliya ,”ma ahan ciidan   bedelid ee waa  ka bixid”.

Amisom ayaa ku jabtay dagaalo dhowr ah oo ay ku qaadeen xoogaga AlShabaabka  ay isku hayaan Soomaaliya,waxaana ugu weynaa jabkii  Uganda ku gaaray Janaale,Shabeelada hoose.,kii Leego ee Burundiga iyo kii Ceelcade,Gedo ee Kenyanka loogu dhigay tariikh aysan hore u aqrisan.

Uganda ayaa go’aan ka gaartay sii joogista Soomaaliya,waxayna la fakanaysa ciidankeeda, oo markii ay Soomaaliya la keenayay u muuqday geesiyaal  hubkooda dhabarka ku wata.

Dagaalka Soomaaliya ka socda ayaa ah mid sii dabadheeranaya ,dhimasho iyo dhiig bax maahee aan laga hayn guul.

Uganda ayaa ah wadanka ugu ciidanka badan Amisom, marka laga soo tago Itoobiya oo tiro badan  ku soo quftay Soomaaliya.

Ciidamada Amisom inay ku kashifmeen waxaa daliil u ah, waxaa maalmahan danbe lagu galbinayay diyaarado kor socanaya marka ay duulayaan,waxayna dhamaan go’odoon ku yihiin dhulkii indh la’aanta lagu geeyay,sida Baraawe,Diinsoor,Waajid,Xudur,Baardheere,Ceelbuur iwm.

Waxaana maalmo ka hor soo gaaray Muqdisho ciidan Ingiriis ah qeybtii ugu horeysey,kuwaas  oodagaalka  qeyb ka noqon doona, ka dib markii  reer  Yurub dhaqaalihii ka dhimeen Amisom.

 

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.