DHAGEYSO:-Salaad Cali Jeelle,”Macallimiin Arday Wax Baraji Jirtay Ayaa Dalki Loo Dhiibay Markaasay Ku Mashquuleen Guryo Dhisasho”

Wareysi uu bixiyay Salaad Cali Jeelle oo horay waziir uga soo noqday kooxda Xabashigii ugu Xamar keenay   ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ka dhex jira Dowladda Federaalka ah  gaar ahaan musuq maasuqa Iyo maamul xumida Xassan Sheekh.

Salaad ayaa waxa uu yiri “Rag macallimiin dugsi ahaa oo yaqaanay arday sida wax loogu akhriyo oo aan khibrad kale iyo wax kale aqoon ayaa lagu yiri dalka ayaad madax u tihiin markaas ayay mijo iyo madax isaga xireen wax waliba,sababtoo ah maba yaqaan sida wax loo maareeyo oo waxa uu isaga magaacaban yahay oo kaliya kursiga “

“Dhaqaalihii dalka waa baaba’ay dadka dhan waxay is weydiinayaan meeqa bil ayaa ka dhiman waqtiga madaxweynaha wallaahi dadku waa macaaday intaan ka badan siima dulqaadan karo” ayuu warkiisa sii raaciyay Salaad Cali Jeelle.

Magaalada Muqdisho waxaa kajira burbur dhaqaale oo lixaad leh kadib markii ilihii dhaqaalaha dalka ay Villa Somalia ku wareejisay shirkado shisheeye kuwaasi oo shaqada ka eryay kumanaan muwaadiniin ah oo hadda meel cidle ah taagan.

marka lagasoo tago gumeysiga ay shisheeyuhu geliyeen shacabka waxaa jira dhibaato dhanka dhaqaalaha waxaana muuqata in dhibaatadaasi ay ka faa’iidaysanayaan siyaasiyiinta mucaaradsan Xisbiga Damul Jadiid.

Waxa uu sii raaciyay  inay  musuq maasuqa meel weyn ka gaareen kuwa Villa Somalia, isagoo tusaale usoo qaatay ninka markii xilka loo magacaabo inuu bilaabayo guryo dhisasho iyo uruursi lagaco badan waliba isagoon waxba haysan ka hor inta aan xilka loo dhiibin.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS