Dowladda Turkey ayaa sheegtay in markab gargaar wada ay u soo dirtay dalka Soomaaliya xili ay bilow yihiin Roobabkii iyo tacabkii beeraha ee koofurta Soomaliya.
Wakaaladda Wararka Turkiga ayaa qortay in markab gargaarka uu sido loogu talagalay in lagu caawiyo dadka Soomaalida ah ee ku dhibaateysan dalka Soomaaliya,waa siday u sheegeene,taas oo dadka wax gartaa la yaabeen,kuna tilmaameen raashin waqtigii la keeni lahaa soo dhaafay.
Dadka la socda arimaha Turkiga ayaa ka digaya inaan Raashinkaas la keenin Soomaaliya,Raashin ay horey u keenen ayaa cuduro laga qaaday.
Dhaqankan xun ayaa waxaa horey caan ugu ahaa hay’ada WFP oo waqtiga raashinku soo go’ayo keenta Raashin dhacay iyo mid waxtar ahaan hooseya.
Turkiga ayaa dhibaato xoog leh ku haya wax saarka Soomaalida gaar ahaan koofurta Soomaaliya,waxaana gacanta loo galiyay ilihii dhaqaale ee ummada Soomaaliyeed,sida Dekada weynee Muqdisho,Garoonka diyaaradaha,Isbitaalka weyn ee Dikfeer oo ay magacii ka bedeshaan,kuna silciyaan ummada Soomaaliyeed.
Turkigu kama howlgalo Soomaaliya inteeda kale, waxaa diiday maamulada ka jira oo ku xiran meelo kale sida Imaraadka Carabta iyo Sacuudiga,wax saamayn ahna kuma laha.
Turkiga ayaa samaystay Maleeshiyaad oo gaar u leeyahay,kuwaas oo la soo baray afka Turkiga, qabana tababar ciidan, kuwaas oo Soomalida lagu qalday, iyadoo loogu yeeri jirey “CIIDAN QARAN”,laakiin reer Muqdisho u yaqanaan “MUKULAAL MADOWDA TURKIDA”,waxyna Muqdisho ku ilaaliyaan danahiisa gaarka ah iyo xuramaha oo qabsaday.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.