Baarlamaanka maamul Goboleedka Galgaduud sare ayaa doortay madaxwaynaha iyo madaxwayne kuxigeenka maamul Goboleedka Galgaduud sare oo fadhigiisu yahay Degmada Cabud-waaq ee Waqoyiga Gobolka Galgaduud.
Madaxwaynaha maamulka Galgaduud sare ayaa waxaa loo doortay Xasan Maxamed Siciid halka madaxwayne kuxigeena loo doortay Deeq Durqun Ciise, masuuliyiintan ayaa kadib doorashadoodii waxaa lagu dhaariyay isla Hoolkii lagu doortay, waxaana ay kahadleen waxyaabaha ugu horeeya ee ay qaban doonaan.
Madaxwayne Samatar ayaa sheegay inuu dadkiisa si daacad ah ugu adeegi doono waxaana uu u digay kuwo uu sheegay inay doonayaan inay si Qasaba ku xukumaan shacabka ree Galgaduud ama Sade sida uu hadalka u dhigay.
Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug inay si walaalnimo iyo daris wanaag ah kuwada noolaadaan kana wada shaqeeyaan nabada oo uu sheegay inay Labada dhinacba dani ugu jirto.
Madaxwayne kuxigeenka maamulka mr Durqun ayaa amaan balaadhan usoo jeediyay madaxa maamulka Jigjiga iyo kan Puntland, waxaana uu sheegay inay Labadaas maamul ee walaalahood ah is kaashanayaan sida uu hadalka u dhigay.
Maamulka Galgaduud sare oo in muda ah dhismihiisa lagu mashquulsanaa ayaa waxaa Hindisay oo miisaaniyad culus oo Qoondeeyay maamulka Puntland halka kooxda Jigjigana ay Taageero dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasada ah iyaduna lagarab istaagtay.
Maamulkan ayaa noqon doono Qool Lugta ugu jira maamulka Galmudug oo colaadi kala dhaxayso maamulada Puntland iyo Kililka Itoobiya ee Jigjiga oo haatan kan Galgaduud sarana uu kusoo biiray.
Itoobiya ayaa xukunta maamul goboleedyada Soomaaliya oo samaysatay,hadana kuma kalsoona oo waxay ka jeceshayahay kuwa kale oo xuduud beeneedka sii xiga,sida Bakool Sare oo Shariif Sakiin laga garab dhisey, iyo hada oo Guuleedka Galmudug laga garab dhisey,Itoobiyana u bixisey Galagduud Sare.