Ka hadlaka mowduucan waxaa igu dhaliyay kadib markii aan arkay Somaliland oo uu ka jiro guux ballaaran oo ku aadan doorashada dimuqraadiga ah ee halkaasi ka socota iyo hadal heynta ku saabsan dhisidda dowladda xigta tan Xassan Sheekh ee Muqdisho.
Marka hore waxaa mahadsan Allaah Subxaanahu watacaalaa oo suura galiyay in la arko dad badan oo baraarugsan islamarkaana iyagoo ku hoos nool maamulada calmaaniyiinta si geesinimo leh u sheegaya ineysan ogoleyn Dimuqraadiyad iyo xukun gaalo.
Baraarugan wuxuu suura galin karaa in inta kale sii baraarugto, waxayse u baahan tahay in mar walba si sharci ah loogu qeexo halka ay kasoo jeedaan Baarlamaanka iyo Dimuqraadiyadda oo labaduba ah aafooyin waaweyn oo na halakeeyay.
Waxaan ku horumarayaa nidaamka uu Baarlamaanku ka tirsanyahay ee Dimuqraadiyadda loo yaqaano, anigoo dhinacyo kala duwan ka eegi doona inta aan awoodo insha’allaah.
Wax walba oo maanta dunida ka jira, waxay leeyihiin taariikh iyo duruufo ay kusoo billowdeen, sidaa darteed ayaa kusoo billaabatay hab mooryaannimo ah.
Boqoradii adduunka soo maray ayaa waxaa la tilmaamaa iney adeegsan jireen laba hub oo ay shacabka ku maamulaan, kuwaasoo kala ah: lacag iyo xarig.
Tusaale ahaan markuu boqorku doonayo in jid la dhiso, wuxuu shacabka ku oran jiray “jidkaasi hala dhiso, qofkii wax ka dhisa waxaan siinayaa lacag, kii diidana waan xirayaa”.
Iyadoo sidaasi shacabku ugu cabiidsanyihiin, ayaa wuxuu arkay nin kale oo boqortooyadiisa kamid ah oo aan awood iyo lacag heysan, laakin dadku ay dhageysanayaan oo wuxuu yiraahdo ay fulinayaan.
Nninkaasi waa baadari, wuxuu oranayaa “Allaah baa yiri” sidaa darteed boqorkii baa wuxuu dareemay boqortooyo kale oo ka garab dhisan, wuxuuna go’aansaday in uu labadiisa hub u isticmaalo wadaadka, si uu isaga iyo dadka ugu dhexeeyo.
Tusaale: markuu boqorku doonayo in jid la dhiso wuxuu u sheegayaa wadaadka, wadaadkuna wuxuu dadka ku oranayaa “xalay baa la ii soo waxyooday, Allaah wuxuu idin leeyahay jidka hala dhiso”, shacabka oo dhan wey dareerayaan jidka ayeyna dhisayaan.
Sidaa ayey ahaayeen boqortooyooyinkii Romaanka ee qadiimka ahaa, illaa iyo haddana cilaaqada ka dhaxaysa caalamka iyo boqorku waa taa, Xassan Sheekh iyo wadaada hoos jooga taas baa ka dhaxaysa, Somaliland iyo wadaadada u shaqeeya taa ayaa ka dhaxaysa, Puntland iyo wadaadadeeda Ictisaamna sidoo kale.
Arintan waa sheeko gaar ah oo u baahan in si gooni ah looga hadlo, laakin aan usoo laabano qisadeenii boqorka iyo wadaadka.
Ninkii waxaa maalin maalmaha kamid ah uu boqorku u sameeyay boqortooyo yar iyo xoogaa ilaalo ah, lacag mushaar ah ayuu u qoray, wuxuuna ka dhigay ninka dadka ugu sarreeya.
Sidey xaaladu muddo saa u ahayd, ayaa waxaa daciifay boqorkii, isagiina wuu xoogeystay, wuxuuna halkaasi ka helay fursad aad u ballaaran.
Maadaama ay shacabku u dhaga nugulaayeen hadalkiisa ayaa waxa uu maalin maalmaha kamid ahi ku yiri’ “boqorkan halaga rido xukunka”,
Shacabkii hal mar ayey kursigii ka tureen boqorka, isagii ayaana isku noqday labadii suldadood, tii boqorku lahaa iyo tiisii wadaadnimo.
Yurub markaasi waxay gashay casri cusub oo aad u adag, xaaladu waxay gaartay in la yiraahdo, qof fakari karaahi ma jiro, qof talin kara ma jiro, qof wax soo jeedin kara ma jiro, qof ra’yi keeni kara ma jiro, wixii madaxda khilaafsanna diinta ayaa diidan.
Waxaa dhacday in marka lacag la uruurinayo dadka lagu khasbo, qof walba inuu keeno, shan meelood marka loo qeybiyo xoolihiisa, afar meelood iyo bar.
Tacadi ayey sameeyeen, diintooda ayey taxriifiyeen oo waxay ku xireen dhaqaale. Shacabkii ayaa aad u dhibtooda, iyadoo xilligaasi oo ku aadanaa cusuurtii dhexe ay xadaaradda islaamku gaartay meesha ugu fog.
Waxaa dhacday in dadkii ay la qaxeen culeyskii faraha badnaa, dhicii, booobkii iyo tacadigii lagu hayay, waxaana halkaasi ka dhasahay nidaamka la yiraahdo Al-calmaaniyah.
Shacabkii waxay soo jeediyeen in loo kala saaro diinta iyo dowladda.فصل الدين عن الدوله
Waxay yiraahdeen qofka wuxuu doono ha caabudo, masjidkiisa ha galo, kaniisaddiisa ha galo, wixii siyaasad iyo xukun ku saabsanna shacabka ayaa iskaleh. “ما لله لله ,وما لقيصر لقيصر”.
Dimuqraadiyaddu halkaas ayey kasoo jeedaa, waxayna u qeybsantaa Laba kalmadood oo kala ah “Shacab iyo xukun” taasoo micnaheedu yahay “xukunka shacabka ayaa iskaleh”.
Dimuqraadiyaddu waxay leedahay aas aas. Baarlamaanku waa sharci dajiyaha Dimuqraadiyadda.
Baarlamanku micno ahaan waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa “المجلس التشريعي” oo micnehiisu yahay (sharci dajin) ingiriisigana waxaa lagu yiraahdaa “Legislative body”.
Isaga ayaa wax kuu xalaleynaya, sidoo kalana kaa xaaraantinimeynaya. Ingiriiska ayaa waxa uu Baarlamaanku u yaqaanaa magaca kale oo ah “House of Lords” oo micnihiisu yahay (gurigii Ilaaahyada).
Horudhacan waxaan usoo qaatay inaaney isaga keen dhex darsamin baarlamaan iyo shuuro.
Baarlamaanku Muxuu Qabtaa?
Wuxuu qabtaa laba shaqo, tan koowaad wuxuu dajiyaa siyaasadda, sharciga iyo nidaamka la isku maamulayo.
Wax walba waa loo codeynayaa, tusaale ahaan: maxaanu ka yeelnaa khamriga? laba nin ma is guursan karaan? gacant ayaa la taagayaa, meeshii loo bato ayaana la raacayaa, xalaal iyo xaraan intaba.
Haddii loo bato in khamrigu xaaraan yahay, lama oranayo Allaah ayaa xaaraantinimeeyay ee waxa laleeyahay Baarlamaanka ayaa xaaraantinimeeyay.
قال تعالي:(ولا يشرك في حكمه احدا. قال تعالي: ان الحكم الالله امر الا تعبدو الا اياه. وقال ايضا: افحكم الجاهلية يبغون ومن احسن من الله حكما لقوم يوقنون. وقال ايضا: اتخذو أحبارهم ورهبانهم اربابا من دون الله…وقال تعالي ايضا: ام لهم شركاء شرعو لهم من الدين ما لم ياذن به الله)…
Nusustan iyo kuwa kale oo aad u badan oo isugu jira aayado Qur’aan iyo Axaadiith ayaa waxay inooga digayaan in aan sharci ka yeelano mid aan ahayn kan Allaah.
Yaa Allaah agtiisa uga wanaag badan, qoom ku dhaqmay oo yaqiinsaday sharcigiisa?.
Dhowr jeer ayaan anigu warar kasoo tabiyay Baarlamaanka, hase ahaatee sannadku markuu ahaa 2009 ayaan joojiyay, kadib markii nin sheykh ah uu igu dul aqriyay aayad cajiib ah oo inaga mamnuuceysa in aan xaadir ahaano goob lagu kufrinayo ama lagu jees jeesayo aayaadka Allaah, waxay aayadaasi sheegeysaa, cidii aanan isaga tagin goobtaas in ay lamid tahay kuwa ku jees jeesay aayaadka Allaah.
قال تعالي :(وقدنزّل عليكم في الكتاب ان اذا سمعتم ءايات الله يكفر بها ويستهزء بها فلا تقعدو معهم حتي يخوضوا في حديث غيره انكم اذا مثلهم ان الله جامع المنافقين والكافرين في جهنم جميعا).
Hawsha labaad ee uu Baarlamanku qabto waxay tahay, inuu usoo jeedo ama uu ilaaliyo in la fuliyay sharcigii uu dajiyay iyo in kale.
Shuurada iyo Baarlamaanka.
Baarlamaanada ay gaaladu u dhiseen shucuubta muslimiinta caalamka ayaa waxay dadka caamada ah ku khaldaan in ay yihiin Gole shuuro.
Haddaba sidaa darteed ayaan jeclahay in aan arintaasi ka iraahdo inta uu Allaah iga garadsiiyo.
Shuuradu waa xukmullaahi tacaalaa, halka Baarlamaanku, jideynayo in xukunka shacabku leeyihiin.
Shuuradu waa Ijtihaad, waxayna timaadaa marka laga hadlayo mawaadic aan nas kusoo aroorin, laakin Dimuqraadiyaddu waa ha yaacdo.
Waxaa tusaale inoogu filan dhacdadii magaalada Hargeysa gaar ahaan ninkii Jarmalka ahaa ee intuu gabdhaha Soomaaliyeed ka Zineystay, haddana filimka ka duubay.
Markii maamulka Somaliland qabteen ninkaasi dambiilaha ah, waxaa gar siisay dimuqraadiyadda, waxa uu ku dooday in faaxishadiisa ay caadi ka tahay dhinaca dimuqraadiyadda, maamulka meesha ka taliyana uu yahay dimuqraadi, sidaa ayaana lagu sii daayay, isagoo xor ah oo aanan wax eed ah loo heysan.
Waxaa kale oo tusaale inoogu filan hadalkii Ban ki-moonuu ka jeediyay shirkii midowga afrika ee horaantii sannadkan lagu qabtay magaalada Aid-ababa, kaasoo madaxda Afrika ku dhaliilayay in aysan wali hir galin dimuqraadiyadda saxda ee ah in ay isguursadaan raga, dumarkuna isu dhaxaan.
Shuuradu waxaa leh Ahlu-xalli walcaqdiga, laakin dimuqraadiyadda iyo Barlamaanku waa doorasho. Waxa noocaas ah ayaa maanta dalkeena la keenay iyadoo lagu galbinayo Taangi.
W/Q C/Fataax Max'med Qaasim (Filibiin)