Hubanti la’aan ka taagan Gacan Ku Heynta Magaalada Marka Ee Sh/Hoose.

breaking-news-pic-1
Hubanti la’aan ayaa kajirta xaaladda dhabta ah ee ay ku sugantahay magaalada Marka xarunta gobolka shabeelaha Hoose.

Warar maanta duhurkii soo baxay ayaa sheegayay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen magaaladaasi.

Saacado kadib waxaa soo baxay warar kale oo sheegaya in ciidamada is bahaysiga ah ay wali magaalada ku suganyihiin, goob joogayaal ayaa sheegay in gacan ku heynta dhinacyada cadawga ah ee magaalada ay maalmihii lasoo dhaafay sii daciifaysay.

Boqolaal katirsan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kulaalaya magaalada Marka waxaana laga yaabaa in ay dib u qabsadaan magaalada haddii ay AMISOM iyo xulufadeeda ka baxaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi