DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Markii ugu horeysan ka hadlay Qoxootiga laga Saarayo Xeryaha Kenya

36199681

Sheekh  Cali Maxamuud Raage afhayeenka xarakada mujaahidinta Al-shabaab ayaa  ka hadlay  xaalada qaxootiga Soomalida ee Kenya ay shaacisay iney xireyso.

Afhayeenka ayaa daaha ka qaaday in Kenya dhaqaalo badan uu kasoo galo qaxootiga kujira xeryaha Dhadhaab,Xagardheer,Ifo,Dhagaxley iyo deeganada kale ee dadka soomaalida ay kunool yihiin isagoo sheegay iney ku tuugsadaan inay hayaan qaxooti farabadan.

“Mujaahidiinta kama suurtoowdo alle ayaana ka deeqay in ay xeryo ay ku noolyihiin shacab qaxooti ah ay iskasoo abaabulaan warkaas waa been ay Kenya marmarsiiyo uga dhiganayso dhibaataynta shacabka”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Ugu dambeyn Al Shabaab oo mar wax laga weydiyay hadii kenya ay dib usoo celiso qaxootiga soomaalida waxa dhici kara ayuu Sheekh Cali ku jawabay in dadka soomaliyeed ay yihin dad hodan ah wadanka barwaaqeysana ay leeyihin.

Halkan Ka Dhageyso Wareysi Sh Cali Maxamud Raage.