DHAGEYSO:-TAARIIKHDA SYL & AXMED FAARAX IDAAJAA

Runtii taariikhdu ma duugowdo, waxaana loo baahan yahay in laga faaiideysto maanta oo ah sannad guuradii  xisbigii S.Y.L. ee koonfurta Soomaaliya halgankaasi oo bar bar socoday xisbigii gobanimadoonka SNL ee waqooyiga soomaaliya waana maalin weyn oo aan la ilaabi Karin.

Haddii aan si kooban u xuso, marka hore waxaa la sameeyey urur ay ku kulman dhallinyarada oo la magic baxay SYC (Somali Youth Club) kaasoo ahaa urur aan siyaasi ahayn Halkaasoo ay ku kulmi jireen dhallinyaradda iyo wax garadka soomaliyeed.

Ururka SYC muddo ka dib wuxuu noqday urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 ah , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga.

Ururkaani hadafkiisii ugu weyn wuxuu ahaa in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah la na mideeyo goboladda soomaaliyeed ee gacanta gumeysiga ku jira. Ururkani waxaa salka u dhigay dhallinyaradda oo kala ah :-

1. Yaasiin Xaaji Cusmaan
2. Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin
3. Xaaji Maxamed Xuseen
4. Daahir Xaaji Cusmaan
5. Maxamed Cali Nuur
6. Maxamed Cusmaan Baarbe
7. Khaliif Huudow Macallin
8. Sayiddiin Xersi Nuur
9. Cusmaan Geeddi Raage
10. Dheere Xaaji Dheere
11. Cali Xasan Maslax
12. Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi
13. Maxamed Faarax Hilowle

 

Hase yeeshee guddigii afarta ahaa markii ay la kulmeen xisbiyadii dalka ka jiray waxay noqdeen kala aragti,wakiilkii Ingiriiska iyo kii Mareykanka waxay u arkeen xisbigii S.Y.L. in uu yahay dhaqdhaqaaq waddani ah oo taageero adag ka heysta shacabka soomaaliyeed.

Waxaana isku fikir noqday wakiiladdii dawladda Faransiiska iyo Midowgii Sofyeeti waxay u arkeen in xisbiga S.Y.L. uu yahay xisbi taageero ka hela Ingiriiska si uu u kala qaybiyo ra’yiga shacbaka Soomaaliyeed uga na dhex abuuri lahaa qalalaaso.
Guddigii 4ta dawladood markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii S.Y.L , S.N.L iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee xiligaasi ku sugnaa Muqdisho kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo,waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodi na ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Bishii Oktoober 18, 1948 waxaa xusid muddan halyeeygii Maxamuud Jaamac warbintin dheer uu u qoray jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, wuxuu qoraalkiisi ku caddeeyey 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah .

Warbixintii 4ta dawladdood ay ka soo jeediyeen jamciyadda qaramada midboobay ku codsadeen in ummadda soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo buuxda muddo 10 sanno ka dib, mudadaasi oo looga dan lahaa in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawladda cusub ee dhalan doonta.

Himilooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan hase yeeshee dhibaatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo soomaaliya, taaso dawladda ingriiska ka careesisay.

Bishii Nov. 11, 1949kii Jamciyadda qaraamada midoobay ka dhaxeysa waxay aqlabiyad ku oggolaatay fadhigeedii 4aad in koofunta Soomaaliya gacanta loo geliyo dawladdii fashiitaha ahayd ee Talyaaniga muddo toban sannadood si shacabka soomaaliyeed loo gaarisiiyo xornimo iyo madax bannaani taam ah, go’aankaasi waaxaa dib waxaa la sameeyey guddi la talin ahaa oo ka howl gala magaalada Muqdisho.

Sidaasi darted jamciyada qaraamada midoobay ka dhaxeysa waxay soomaaliya u soo dirtay 4 dawladdoo dawladda Masar, Kolombiya, Liberia iyo Filibiin si ay u fuliyaan go’aanada qaramada midoobay si ay u kormeeraan howlaha maamulka iyo horumarinta dalka soomaaliya,lana socdo ilaa uu dalka ka gaarayo maalintii la go’aamiyay in uu gacanta ku dhigayo gobannimadiisa taasoo maamulkii fashiitaha talyaaniga oo si buuxda loo xil saaray wisaayadda soomaaliya.

Bishii Oktoober 5, 1949kii waxaa xusid muddan dhacdadii la magac baxday dhaxg tuur, waxaa magaalada Muqdishow ka dhacay dagaal oo ay shacabka Soomaaliyeed dhagxaan kaga hortageen gumeystihii Ingiriiska taasoo looga soo horjeeda wasiirada arrimaha dibedda Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ay qaramada midoobay u gudbiyeen mashruuc laga damacsan yahay in dawladda Talyaanigu dib ugu soo laabato Soomaaliya shuruud la’aan.

Xisbigii S.Y.L. durbaddiiba markii uu soo ifbaxay arrintaasi wuxuu abaabulay bannaanbaxyo uu kaga hortagayo mashruucaasi, hase yeeshee gumeysigii Ingiriiskuna wuxuu shacabkii u adeegsaday rasaas,wuxuuna maalintaasi shacabka u geestay dil naxariis darro ahayd iyo xarigba, hase yeeshee geesiyaddii soomaaliyeed waxay kaga hortageen dhagxaan nasiib daro se waxaa goobtaasi lagu dilay 6 qof kuwa kale oo fara badan lagu dhaawacay.

Bishii April 1, 1950kii iyadoo la fulinaayo go’aankii ka soo baxay jamciyadda qaramaada midboobey ka dhaxeysa wuxuu gumeysigii Talyaaniga si rasmi ah gacanta loogu geliyey isla markaasi na ula wareegay wisaayadii Soomaaliya.

Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii iyo July 1, 1960kii maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Halgankaasi adaga waxaa looga soo gudbay midnimo iyo waddaniya sidaasi darteed waxaa haboon in shacabka soomaaliyeed hal heeskoodii u noqdo axya wadani, qabiil qaran ma dhiso, {Midnimaddo waa xoog aan la jibin Karin , kala taguna waa Burbur}runtii wadd aniyadda ayaa aaminsanahay in lagu gaari kara horumar iyo midnimo ummadda soomaaliyeed , isla markaasi na loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma baahan dagaal sokeeye iyo in dhiig la daadiyo balse waxaa loo baahan yahay in laga qayb qaato dib u dhiska dalka.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul horumar leh iyo barwaaqo dawladda maanta u dhalatay waxay shacabka soomaaliyeed ka filayaan in ay ka samata bixiyaan dhibaatadda muddada dheer dadka iyo dalka ba ku habsatay

Abdulkadir Ali Bolay
bollay @ hotmail.com

pizap.com14632663501751

Voice Of  Somalia-SOMALI LEAKS