Beesha Caalamka oo Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ku Amartay in Ay Ansaxiyaan Hanaanka Doorashooyinka 2016.

36204237

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa cadaadis xooggan saaraya baarlamaanka dowladda Federaalka ee la shaqeeya shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada Soomaaliya gumeysta ayaa lagu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in baarlamaanka DF-ka uu si aqlabiyad leh ku ansixiyo natiijooyinkii kasoo baxay shirkii Hiigsiga ee Muqdisho lagusoo gaba gabeeyay.

Xaakimka gumeysiga Somalia Micheal Keating ayaa ku amray xildhibaanada baarlamaanka DF-ka in aysan khilaafaad dhanka siyaasadda ah ka dhax abuurin Hoggaanka Dowladda Federaalka oo ay ansixiyaan ‘Hiigsiga’.

Xasan Gurguurte ayaa isna dhankiisa muujiyay walaaca uu ka qabo in baarlamaanku diido qaabka doorashooyinka dhici doona sanadda 2016-ka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in xildhibaano katirsan baarlamaanka DF-ka ay qorshaynayaan diidmo qayaxan oo ku aaddan qaabka ay doorashooyinku u dhacayaan.

Siyaasiyiin badan oo isku raba xilka madaxtinimada DF-ka ayaa caasimadda ka wada abaabullo xooggan oo ay khal khal ku gelinayaan Xisbiga Damul Jadiid ka hor inta aan la gaarin bisha Augst 2016.

Liibaan Jeexoow Cabdi