Faarax Macalim “AMISOM Hagardaamo ayay ku Haysaa Shacabka Soomaalida”

pizap.com14633908218981

Siyaasiga Faarax Macalim Dawaare oo jagooyin kala duwan kasoo qabtay wadanka Kenya ayaa ka hadlay joogitaanka ciidamada shisheeyaha ee soomaaliya.

Isagoo wareysi siinayay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobo ayuu sheegay in ciidamada AMISOM ay soomaaliya u joogaan helidda lacago mushaaraad ah islamarkaana aysan doonayn in ay xoogaysato dowladda Federaalka.

“AMISOM lacag ayay ku heysataa soomaaliya mana doonayso in dalka nabad ka dhalato ujeedkooda ugu weyn ayaa ah in ay lacago kasii qaataan reergalbeedka haba yaraatee ma doonayaan in lahelo dowlad soomaali leedahay oo awood leh”ayuu yiri Faaras Macalim.

Mar uu soo hadal qaaday qorshaha ay dowladda Kenya ku xirayso xerada qaxootiga ugu weyn caalamka ee Dhadhaab ayuu sheegay in arrinkaasi yahay mid Kenya ay dhaqaale uga doonayso caalamka.

“Kenya iyo AMISOM caalamka ayay kula gorgortamayaan xerada qaxootiga dhadhaab iyagoo ku sheegaya in ay tahay meel loogasoo duulo ammaanka Kenya wali lama arkin qof shabaab ah oo xeryaha qaxootiga lagasoo qabtay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faarax Macalim.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kumanaan askari kula dagaallamaysa gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya waxaana muuqata dagaalku uu shisheeyaha kusii daba dheeraanayo iyagoo aan xaqiijin hadafkoodi ahaan in Al Shabaab laga cirib tiro Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi