Shirkii Jabuuti ee ugu horreeyay

pizap.com14635754249721.jpg

Ayadoo xaaladu cakiran tahay Muqdisho iyo gobollada koofureed, ayaa madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon ugu baaqay in Soomaalidu isugu timaado shir ay uga arrinsadaan aayaha dalkooda. Shirkaas markii lagu baaqay, waxaa sii korshay ama siyaaday xasuuqii  iyo dhacii ka socdey Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo markaas ka hor qabiil qabiil la isu laynayey.

15kii bishii Luulyo 1991dii, shirkaas waxaa loo ogolaaday iney ka qayb galaan 6 urur oo kala ahaa SPM, USG, SSDF, SDA, SDM iyo SNF. Waxaa qaadacay ururka SNM oo diiday casumaadii loo diray. Ururada shirka ka soo qayb galay, waxaa kala hoggaaminayey raggii dagaalada madaxda ka ahaa oo ayagu rabey iney madaxnimo ku helaan dhiiga dadkooda. Shirka waxaa kaloo ka soo qayb galay rag siyaasiyiin hore ahaa oo ay ka mid ahaayeen madaxweynihii ugu horreyey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, Sheekh Mukhtaar Maxamed Xasan oo Ra’iisul Baarlamaan ahaan jirey, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Ra’iisul Wasaare ahaan jirey iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo asna Ra’iisul Wasaare ahaan jirey. Waxay dadweynaha Soomaaliyeed filayeen in shirka go’aanno wax ku ool ahi ka soo baxaan, si looga baxo dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ku habsatay.

Shirkii waxaa la isla ogolaaday in Cali Mahdi sii ahaado Madaxweyne ku meel gaar ah, iyo in xabad joojin guud la sameeyo. Cali Mahdi wuxuu mar kale dib u magacaabay Cumar Carte inuu noqdo Wasiirka koowaad dowladna soo dhiso. Arrintaasi niyad jab weyn bay ku ridey shacabkii sugayey in Soomaaliya ay yeelato dowlad dalka u horseeda nabadgelyo iyo horumar waara. Maxaa yeelay, dadweynuhu waxay ogsoonaayeen labadaas nin waxay gudaan iyo waxay galaanba.

Go’aanadii shirku ma hirgalin, maxaa yeelay, beelah qaar  waxay u arkayeen inaan laga wada hadlin meelna la isla dhigin dhibaatooyinkii shacabka loo geystey, sidaas daraadeed kuma qancin waxyaabihii la isku raacay. Waxaa kaloo go’aanada shirkaas ka soo baxay diiday Maxamed Faarax Caydiid oo asagu rabey inuu noqdo madaxweynaha dalka, maadaama uu asagu isu haystey inuu ahaa ninkii Maxamed Siyaad ka saaray Muqdisho. Taasina waxay abuurtay kala jab ku yimid ururkii USC.

Cali Mahdi iyo Caydiid markii ay iska horyimaadeen, waxay ku dagaalameen Muqdisho oo dagaal ba’ani ka dhex socday muddo 4 bilood ah. Dagaalkaas wuxuu u dhexeeyey beelaha Muqdisho  oo ay kala hoggaaminayeen labada nin ee aan kor ku xusay. Dagaalka xoogiisu wuxuu socday intii u dhexeysay Nofember 1991 illaa iyo Maarso 1992. Dagaaladaas intey socdeen Xamar waxaa ku dhacay burbur aan la qiyaasi karin oo ku yimid dhismayaashii dowlada iyo kuwii dadweynahaba.

Halkan waxaan akhristow kuugu soo bandhigaya hees uu tiriyey abwaanka Axmed Naaji Sacad oo aan ka soo xigtey buuga uu qoray sheikh Jaamac Cumar Ciise, waxayna tilmaameysaa sida Xamar loo galay:

 

“Xamareey waa lagu xumeeyey, yaa ku xaal marin doona

Xudunteyda meeshey ku xabaalneyd

Xigto iyo walaalaha xaruntooda ahayd

Meesha geeska Afrika ugu saleysneyd

Xanfar xaraarad kulul xabbad ay ku xooreen

Xoog xiin faniin badan, xaafadahay xasuuqeen

Xarragaday lahayd baa laga xayuubshey

Xasil iyo ammaan iyo xornimaan ku joognee

Xamareey waa lagu xumeeyey, yaa ku xaal marin doona?

 

Xidid iyo xigaalkii way kala xanaaqeen

Kuwii xaasidiintiyo kaa xorreeyey gaalada

Xeel dheerayaashii lagu wada xabaalee

Xeerkii Soomaaliyeed xagee baad ku xoorteen

Xil kas iyo wadaaddo xigmadoodii la diidye

Xasil iyo ammaan iyo xornimaan ku joognee

Xamareey waa lagu xumeeyey, yaa ku xaal marindoona?”

 

 

Magaalada Muqdisho dagaaladii sokeeye ka dib, waxay noqotay meel mooryaantu u taliso oo wixii ay doonto sameyso. Dhalinyaradaas waxay u kala baxaan kuwo madax bannaan iyo kuwo hoos yimaada ragga loo bixiyey dagaal oogayaasha. Kuwa madaxa bannaan ayaga ayaa isxukuma oo wixii ay doonaan bay sameeyaan, cid utalisa iyo cid ay wax ka maqlaan midna majirto, qabiil ay ku tiirsanyihiina majiro. Waxyaabaha ay ku caan bexeena waxaa ugu daran dilka, dhaca, afduubka iyo kufsigaba. Maleeshiyooyinka kale ee ayagu hoos yimaada dagaal oogayaasha, waxay deganyihiin meelo mucayin ah oo loo yaqaan, waana ka dhib yar yihiin kuwa madaxa bannaan. Waayo hawsha ay qabanayaan waa mid ka soo fushey madaxdooda.

 

Qaraarkii lambarkiisu ahaa 733 oo ahaa kii ugu horreeyay ee ay Qaramada Midoobay ka soo saarto dagaaladii ka dhacayey dalka, wuxuu soo baxay bishii Janaayo 1992dii, kaas oo ugu yeerayey jabhadaha dagaalamaya iney xabad joojin sameeyaan iyo in Soomaaliya lagu soo rogo cunaqabatayn xagga hubka ah,waxbana kama hirgalin oo wuxuu ahaa hadal afka baarkiisa ah been ah!.

Qaraarkaasi waxba kama bedelin xaaladii jirtey, sidaa darted Qaramada Midoobay bishii Abriil 1992dii, waxay soo saartay qaraar kale oo lambarkiisu ahaa 751, kaas oo ujeedadiisu ahayd in 50 qof oo ka socda Qaramada Midoobay loo diro Soomaaliya si ay u ilaaliyaan xabad joojinta ay ku dhawaaqeen Cali Mahdi iyo Caydiid. Qaraarkan dambe oo ahaa kii lagu aasaasay UNOSOM, danjire Maxamed Saxnuun oo wakiil ka ahaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu isku dayey inuu heshiis dhex dhigo labadii nin ee isku haystey magaalada Muqdisho.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, markii ay u cadaatay in dadaaladoodii hore aaney waxba ka hirgelin, waxay soo saareen qaraar kale oo lambarkiisu ahaa 794 oo soo baxay 9kii Desember 1992dii. Qaraarkaas wuxuu ogolaanayey in ciidamo si degdeg ah loogu diro Soomaaliya si wax looga qabto macaluusha iyo dhibaatooyinka ka taagan dalka khaasatan gobollada koofureed. Ciidamadaas (UNITAF) oo uu Ameerikaanku hoggaaminayey, waxay dalka soo galeen bishii Desember 1992. Hawlgalkaas ciidan waxaa lagu magacaabay Hawlgalkii Rajo soo celinta amase “Operation Restore Hope”. UNITAF oo gacanta ku haysey dekedaha iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, hawsha ugu weyni waxay ahayd iney dadka gaajaysan raashin gaarsiiso waa siday sheegteene.laakin dadka Muqdisho way garteen ujeedada oo lahaa oo dhan,waana diideen.

 

Inkastoo UNITAF aad loo soo dhaweeyey markii hore, hadana waxay ku fashilantay arrimihii hub ka dhigista iyo sidii ay ula macaamishay dagaal oogayaasha oo aan ahayn si dheellitiran. Arrintaasi waxay dhalisey is aamin la’aan iyo iska horimaadyo ka dhex dhacay ciidamada Qaramada Midoobey iyo kooxihii Muqdisho ka jirey.

4tii bishii Maajo 1993dii, hawlihii Qaramada Midoobey, waxaa la wareegay UNOSOM 2 oo uu madax ka ahaa Janaraal u dhashay waddanka Turkiga. Shaqooyinka loo xilsaaray UNOSOM 2, waxay ahaayeen in waddanka lagu soo celiyo xasiloonidii iyo kala dambeyntii iyo in la sii wado gargaarka bani aadanimo kaas oo la siinayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

5tii bishii Juunyo 1993dii, maleeshiyooyinka Caydiid waxay dileen 24 ka mid ah ciidamadii ka socday dalka Bakistaan. 17kii bishii Juunyo 1993diina, dowlada Mareykanku waxay amar ku bixisay in la soo qabto Maxamed Faarax Caydiid, waxay kaloo cadeysay iney siineyso lacag dhan 25,000 oo doolarka Mareykanka ah ciddii soo qabata Caydiid.

12kii bishii Luulyo 1993dii, ciidamada Mareykanka oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxay rasaas ku fureen odayaal iyo waxgarad badan oo ku shirayey guri ku yaal magaalada Muqdisho. Halkaas waxaa ku geeriyooday rag gaaraya 70 ruux oo la yiri waxay ka shirayeen sidii waxa looga qaban lahaa arrimaha murugsan ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Caydiid. Taasi waxay sii kordhisay caradii iyo naceybkii loo qabay ciidamada Qaramada Midoobey.

3dii bishii Oktober 1993dii, ciidamo Mareykan ah oo wata laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, ayaa weerar ku soo qaaday guri lagu maleynayey inuu ku jiro Maxamed Faarax Caydiid. Halkaas waxaa dagaal qaraari ku dhex maray taageerayaashii Caydiid iyo ciidankii Mareykanka. Dagaalkaas waxaa ku dhintay 18 ka mid ahaa ciidankii Mareykanka iyo dad 1000 qof kor u dhaafay oo Soomaali ah, waxaana ka mid ahaa carruur iyo haween. Ciidanka Mareykanka (Rangers) waxay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn oo dariiqyada yaacayey iyo kuwa guryahoodii ku jireyba. Mareykanka maalintaas waxaa laga soo riday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah, waxaana dhacday in labadii nin ee wadey midkood meydkiisii dariiqyada Muqdisho lagu jiiday. Ciidamadii Mareykanka, oo ku go’doonsan guri ay galeen waxaa markii dambe u soo gurmadey ciidamo u dhashay Maleeshiya iyo Bakistaan si ay meesha uga saaraan.

Ciidamadii Mareykanka ee Muqdisho lagu dilay iyo jiidistii meydkii lagu jiiday dariiqyada, waxay wax ka bedeshay siyaasadii cusbeyd (the new world order) ee uu hormoodka u ahaa madaxweynihii Mareykanka Jooj Buush. Mareykanku ciidankoodii dagaalkaas kadib, way kala baxeen dalka Soomaaliya, waxayna ku noqotay arrin ay marwalba xasuustaan.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS