Xaqiiq Saxaafada Reer Galbeedka

 

36227298
Warbaahinta waqtiga la joogo ayaa ah mid isku si shaqeysa,waana qaab ay dejiyeen Quburo aqoon u leh oo ilaa iyo hada u fadhida qaabka dadka maskaxdooda loogu ciyaaro karo.
Waxaad ka garan kartaa muuqan oo cadow ku cunaya lagaaga dhigayo inow yahay badbaadin!
Waaana sababaha maanta la rabo in dhulkeenii lagu qaato,iyada loo isticmaalayo TV-yaal,Radiyaal iyo Webseedyo la soo maal gashaday oo la rabo in lagu duro ama lagu seexiyo dadkii waligood iska hureyn jiray gumaystaha.
Kalmadaha ay isticmalaan waxaa la mid ah,
WALAALAHA ITOOBIYA WAA NOO SOO GURMADEEN.
AMISOM AYAA MAGAALO HEBEL XOREYSEY. MADAXWEYNAYAAL SOOMAALIYEED AYAA SHIREY!.
ITOOBIYA AYAA SUGAYSA AMAANKA MAGAALO HEBEL,
SHACAB SOOMAALIYEED AYAA SOO DHAWEEYAY CIIDANKA ITOOBIYA!.
Kalmadahaas oo dhamaantood ah marin habaabin iyo jidka saxda ahaa ka leexin.

Goodkii gurboodkaaga cuna geesi buu noqone
Guunyada ninkii laga dhacee gogosha loo dhaafay
Isagoo goblamay oo dulmiga laba galiil yaysan
Waa gabiska tuur baa la odhan kii la gaasiraye
Markay ubadka googooynayaan waa gob sharafeede
Gibishooda kay saarayaan way gunayn bilo e
Markay yool ku gaadhaana way ganac jaraayaane
Ninkii go’a gumaystaha nacana gaade buu noqone.

GEEDJOOG.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS