Magaalaad Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnayd xaalad cakiran oo shacabku ay aad uga walaaceen kadib markii ay sadexdii maalmood ee u dambeeyay ka socdeen dagaalo u dhexeeyay laba beelood oo walaalo ah, dagaaladaas oo ay dad ku dhinteen waxay ka socdeen xaafada Halwadaag oo ku taala dhanka konfur galbeed ee magaaladaas.
Dagaalkaas waxaa ku baro kacay dad shacab ah oo faro badan kuwaas oo haatan dibad yaal ah dhibaatooyin faro badana wajahay waxaana shacabkaas oo ay horaan hayasy abaar & kulayl ku soo fatahay wabeiga Shabeelle oo mudooyinkii dambe iska madhnaa, wabega Shabelle oo magaalada Baladweyne ku wareegsan ayaa xili roobaadka badanaa fatahaad sameeya waxaana markasta oo biyaha wabigu jabaan dhibaato la kulma shacabka magaaladaas oo ku baro kaca.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.