Xasan Sheekh “Mudanayaal Doorashooyinku waxay dhacayaan waqtigii loogu talagalay Bisha Augst 2016”.

pizap.com14638228330691.jpg

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale sheegay in uu aad u yaryahay waqtiga ay haystaan si ay uqaban qaabiyaan doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaaniga.

Isagoo xerada melleteriga Xalane kula hadlayay wafti ka socda waxa loogu beesha caalamka ayuu sheegay in ay u hoggaansameen awaamirta uga imaanaysa mudanayaashooda dibadda islamarkaana ay dadajin doonaan doorashooyinka.

“Beesha caalamka waxaan u sheegaynaa in doorashooyinka ay u dhici doonaan sidii aad rabteen iyo waqtigii lagu ballamay ee ahaa bisha Agoosto 2016”ayuu yiri Gurguurte.

Sida Muuqata Dowladda Federaalka ee gumaystaha la shaqeysa cadaadis xooggan ayay kala kulmaysaa shisheeyaha dusha ka maamula balse waxay ka sheeganaysaa dhaqaala xumo iyo waqtiga oo ku yar.
Xasan Sheekh oo maalin ka hor khudbad ujeediyay baarlamaanka DF-ka ayaa ka codsaday in ay ansixiyaan hanaanka doorashada sanadda 2016 isagoo ku calaancalay in waqtigu ku yaryahay.

Siyaasiyiinta soomaalida ayaa aaminsan in xisbiga damul jadiid ee talada haya uu wajahi doono loolan xooggan oo dhanka awooda siyaasadda ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi