Shir Jaraa’id oo uu xarunta madaxtooyada Villa Somalia uu ku qabtay madaxweynaha dowladda Federaalka ayuu uga dhawaaqay in wareegto uu ku meel mariyay hanaanka doorashooyinka 2016.
Xasan Gurguurte ayaa sheegay in kadib markii xildhibaanada baarlamaanka ay ka meer meereen ansixinta hanaanka doorashooyinka uu awooddiisa u adeegsaday meel marinta Heshiiska.
Wariyaal ku sugan Villa Somalia ayaa soo sheegay in tallaabadan ay u muuqato mid lagu miciya siibayo guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanadiisa.
Hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa qiray in diidmo adag uu kala kulmay xildhibaanada Baarlamaanka kadib khudbad uu isbuucii lasoo dhaafay ka jeediyay xarunta Baarlamaanka ugu dambeyntiina uu qaatay go’aan adag.
“Isbuucii la soo dhaafay waxaa noo cadaatay in Baarlamaanka ku culus tahay inuu go’aan deg deg ah ka gaaro, waana ku kala ra’yi duwanaaday, anigoo ka fikiraya waqtiga xadidan ee aan heysan, anoo ka fikiraya wanaaga baarlamaanka ku jiro wixii khilaaf keenaya sii kala wadaya in baarlamaanka looga turo,marmarka qaar waxaa loo baahanyahay in go’aamo adag laqaato“ayuu yiri Xasan Sheekh.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in Xasan Gurguurte uu damacsanyahay in uu kala diro baarlamaanka si loo dadajiyo doorashooyinka madaxtinimada oo cadaadis farabadan ay ku saarayaan wadamada reergalbeedka iyo Q.Midoobe.
Liibaan Jeexoow Cabdi