Xasan Sheekh Oo Qiray in Tacdiibin daran iyo Jirdil Lagula Kaco Maxaabiista Ku Xiran Xabsiyada Magaalada Muqdisho.

warba

Fadeexo dhan walba ah ayaa usoo gashay saraakiisha hay’adaha Sirdoonka “Ashahaadda ladirirka” dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Qirasho dhif iyo naadir oo ka timid Xasan Gurguurte Hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayuu ku sheegay in laamaha ammaanka ay ku kaceen falal ka baxsan wax uu ugu yeeray sharciga dowladda u degsan.

Isagoo meel fagaara ah ka hadlayay ayuu Gurguurte sheegay in xabsiyada lagu xiro dadku ku eedaysan Argagaxisada ay kajiraan tacadiyo iyo gabood fallo daran oo ka dhan ah Maxaabiista.

Wuxuu sheegay in saraakiil sarsare laxiray kadib markii lagu helay tacdiibin ay kula kaceen Maxaabiis iyo been  buun buunin ah oo ay ka sheegeen howlgallada ka dhanka ah xarakada Al Shabaab.

 Saraakiisha katirsan Sirdoonka DF-ka ayaa lagu helay in saxaafadda ay usoo bandhigeen hub iyo saanado melleteri oo ay leeyihiin qaar katirsan beelaha Muqdisho balse lagu sheegay in hubkaasi lagasoo faagay godad ay ku qarsatay Xarakada Al Shabaab!.

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa yiri “Dhibaatooyin ay kajira xabsiyo ay gacanta ku hayaan laamaha ammaanka sidoo kale waxaa jira saraakiil laxiray kadib markii ay been iyo buun buunin ka sameeyeen howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab”.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha laxiray ay ku lug lahaayeen hub iyo gaadiid ay si qasab ah ugasoo qaadeen ganacsato reer Muqdisho ah kadibna ay saxaafadda usoo bandhigeen iyagoo ku sheegaya in Al Shabaab ay weeraro ku fulin rabtay.

Liibaan Jeexoow Cabdi