DHAGEYSO:- Xildhibaan Goodax Barre “Xasan Sheekh Wuxuu ku kacay khiyaano Qaran”

Quux siyaasadeed ayaa ka dhax taagan hoggaanka dowladda Federaalka tan iyo wixii ka dambeeyay markii Xasan Sheekh uu awood dastuur u adeegsaday ansixinta hanaanka doorashooyinka.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Ahna Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in tallaabadii Gurguurte ay aheyd khiyaano qaran sida uu hadalka u dhigay.

” waxaa ku tuseysa in uu yahay qiyaano Qaran Baarlamaanka ayaa la horkeenay oo ku guda jiray howshiisa, lagama war sugine ee Madaxweynaha inta soo daba mareeyay ayuu siduu doono oo dantiisa uu ka arkay ka sameystay” ayuu yiri Goodax.

 

 Goodax Barre ayaa saadaaliyay in Xasan Sheekh lagu maxkamadayn doono tallaabada nuucaan ah isagoona xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqay in ay la xisaabtamaan madaxweynaha.

Dhinaca kale siyaasiyiin kasoo horjeedo xisbiga Damul Jadiid ayaa sheegay in xasan Sheekh uu muquuniyay baarlamaanka iyagoo walaac ka muujiyay in fowdo siyaasadeed ee ragaadiyaan doorashooyinka madaxtinimada.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS