Cali Gaab ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in uu isaga tagay shaqadii uu u hayay maamulka gobolka Banaadir isagoo diiday in faah faahin dheeri ah uu bixiyo.
Ilo wareedyo mas’uul ah ayaa sheegaya in Xasan Sheekh iyo wiilka oo adeerka u yahay Cabdi Raxmaan Tuuryare ay Eryayeen Cali Gaab kadib markii uu wax ka qaban waayay weerarada joogtada ah oo ay xoogaga Alshabaab ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho.
Taliska guud ee Nabad sugidda Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegay in nabad sugidda si toos ah loo hoos geeyay maamulka gobolka Banaadir iyagoona xilligaasi ku faanay in ammaanka caasimadda ay xajinayaan
Dhinaca kale Cabdicasiis Afrika oo ahaa sargaal sare ee ka tirsanaa nabadsugida Xamar “NISA” iyo idacaadaha Dowlada Federaalka ayaa isna u cararay Kampala “Uganda” ka dib markii cabsi joogta ah ku noolaa mudooyinkii ugu danbeeyay,Afrika ayaa la sheegaa inow qaaday cudurka isku dhex yaaca“QAROW” qaraxii hoteel SYL ka dib,wuxuuna naftiisa ku aamini waayay xaafadaha kooban ee uu Muqdisho kaga noolaa.
Si kastaba ha ahaatee maamulka Xasan Gurguurte oo waqtigiisu gaba gabo maraya ayaa laga yaabaa in maalmaha soo socda uu xilalka ka tuuro saraakiisha amniga islamarkaana uu magacaabo saraakiil kale.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS