Maleeshiyaadka maamul qabiileedka ee dagaalada ku dhaawacma aakhirka waa tuugsadaan!.
Hogaamiyaasha Maamul gobaleedyada iyo saraakiisha kale ka dhigan hogaamiye kooxeedyadu waxay ku adeegtaan wiilal Soomaaliyeed kuwaasoo uu danihiisa ku gaaro meel cidlo ah kaga tago.
Kii dhinta ubadkiisu daryeel ma helo kii kalena ee dagaalada ku naafooba na ma helo daryeel waxaana lagu soo dhex tuuraa qoyskiisi oo laga yaabo in waa hore ay kala go’een amaba in uu dayacay dhici karto.
Hadaba Nabadoon Maxamed Axmed Guuleed (Fartaag) ayaa si qotta dheer uga sheekeeyay qaabka askartaan loogu shaqeysto looguna dan gaaro.
Wuxuu baaq u jeediyay ehelada wiilasha shisheeyaha gidaarka looga dhigay asigoo ugu baaqay in ay ka soo saaraan dhufeyska mustaqbal xumada ee aaakhiro iyo aduun seegga ah ee ay ku jiraan.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS