DAAWO:-Wariye Kaamil wuxuu ku dhaawacmay dagaal beeleedkii dhex maray Maamul Beeleedyada Puntland iyo Galmudug

Hadda waa tuugsanayaa oo wuxuu rabaa in wax loo qabto waxaanse isweydiiyay waa ayo cidda qarash ku beelaysa nin xilligaan dalka la qabsaday qabyaaladdu ku qasabtay in uu qabiil garab ku siiyo dagaal ay qabiil kale oo walaalo ay yihiin uu la galay?

Hadda ma shaqeyso karo, Dumarna uma hawoo karo sida uu asigu sheegayo!.

ii dhinta ubadkiisu daryeel ma helo kii kalena ee dagaalada ku naafooba na ma helo daryeel waxaana lagu soo dhex tuuraa qoyskiisi oo laga yaabo in waa hore ay kala go’een amaba in uu dayacay dhici karto.

Hadaba Nabadoon Maxamed Axmed Guuleed (Fartaag)  ayaa si qotta dheer uga sheekeeyay qaabka askartaan loogu shaqeysto looguna dan gaaro.

Wuxuu baaq u jeediyay ehelada wiilasha shisheeyaha gidaarka looga dhigay asigoo ugu baaqay in ay ka soo saaraan dhufeyska mustaqbal xumada ee aaakhiro iyo aduun seegga ah ee ay ku jiraan.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS