Haweeney shaqaalaha xafiiska Ethiopia ee Hargeysa kamid ahayd oo is gubtay

pizap.com14641649912251.jpg

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in shalay casarkii ay dab is qabadsiisay haweeneey ka mid ahay hawlwadeenada xafiiska gumaysiga Ethiopia uu magaalada Hargeysa ku leeyahay, haweenayda is gubtay oo wali aanan magaceeda hein ayaa la sheegayaa in ay geeriyootay isla markiiba waxaana dhacdadan sabab looga dhigay khilaafka xoogan ee ka dhex jira gumaysiga Ethiopia guud ahaan gaar ahaan xafiiska Hargeysa oo baryahanba khilaafkaasi uu hadheeyay.

Sida ay wararku sheegayaan hawaeeenaydaas ayaa isu gubtay rajo xumada & niyad jabka soo wajahay gumaysiga waxaana maalimahan socday is ugaadhi ay isku bartilmaameedsanyaan hawlwadeenada gumaysiga ee xafiiska Hargeysa jooga, dhawaan ayay ahayd markii uu dil ka badbaaday ninka xafiiskaas uguy sareeya waxaana arrintaas loo qabqabtay dad kamid ah Ethiopianka halkaas ka shaqeeya kuwaas oo lagu tuhmay in ay falkas dhicisoobay ka dambeeyeen.

Isku soo wada duuboo geerida haweenaydan is gubtay ayaa noqonaysa falkii ugu horeeyay ee noocan ah ee gudaha Soomaaliya ay shaqaalaha gumaysigu ka sameeyeen waaana dhacdo layaab ku noqotay gumaysiga oo xaaladaha gudihiisa ka oogan is ilowsiinaya, khilaafka xoogan ee ka dhex jira hawlwadeena gumaysiga ee Hargeysa ayaa salka ku haya kacdoonada & is diidka qowmiyadaha la siku qasbay ee maryo aloolka ah waxayna dhacdadani daboolka si fiican uga qaadaysaa xaalada dahbta ah ee gumaysiga Ethiopia uu ku suganyahay.

XIGSHO:-Qorahay Media.