Marka su’aasha kor ku xusan oo kale lagu weydiiyo kolay waxa kugu soo dhacaaya waxyaabo aad u faro badan oo taabanaya xaqiiqada jirta ee Ethiopia ka leedahay Soomaliya markaad u fiirsato bulshoweynta Soomaalida ee ku kala nool daafaha dunida iyo gudaha Soomaaliya waxay badankoodu rumaysan yihiin fikrad qudha taasi oo kuu caddaynaysa in Soomaalidu aad u taqaano habdhaqanka Ethiopia taasi oo Soomaali badani garan karto ujeedada ay Ethiopia u rabto inay ciidamo u dirto Soomaaliya.
Hadaba hadaan gudo galo nuxurka ujeedadayda waxaan marar badan isweydiiyaa markaan dhagaysto ama akhristo wararka ka yimaada dalka Ethiopia kuwaas oo marba marka ka dambaysa kasii daraya,waxaynu ognahay in Ethiopia tan iyo markii ay burburtay jamhuuriyaddi Soomaaliya ay Ethiopia faraha kula jirtay arrimaha Soomaaliya mararka qaarna ay ciidamadeedu soo galaan dhulka Soomaaliya.
Ethiopia waxay had iyo goor hub iyo saananad milatariba siisaa qaar kamida hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya taasi oo ah arrin cad oo Soomaalidu ka warqabto iyadoo Ethiopia rabta in Soomalidu isku dilaan hubkaasi si aan Soomaaliya marnaba nabad galyo uga dhicin,dhacdooyinka noocaas ahina ay muujinayaan cadaawada Ethiopia u qabto Soomaliya iyo in Ethiopia ay aaminsantahay in cadawgeeda kowaad yahay dalka Soomaaliya iyadoo niyadda ku haysa dagaaladii dhexmaray Soomaaliya waqtiyadii 1977 iyo kuwii ka horeeyeyba.
Hadaba waxaa isweydiin mudan Ethiopia daacad ma ka tahay dawlad Soomaaliya yeelato oo noqota quwad kusoo biirta afrika mar labaad,jawaabtu waa maya.
Ethiopia waxay rabtaa inay Soomaaliya ay u dirto ciidamo iyadoo marsi marsiyo uga dhiganaysa inay ilaalinayso nabad galyada kuna tagto gudaha Soomaaliya iyadoo iska dhigaysa ciidamo ladalbaday oo qaybna ka ah ciidamada midawga afrika”AMISOM” ku rabo inuu u diro Somaaliya balse ujeedada Ethiopia wey ka weyn tahay intaasi waxaanay ku hanweyn tahay in ciiidamadeedu markay galaan Soomaaliya aanay mardambe kasoo bixin oo ay waddo guumaysi cusub iyo halgan ay kula dagaalamayso dadka muslimiinta ah ee Soomaaliya ku nool iyadoo gumaadi doonta shacbiga kuna tilmaami doonta falalkaasi inay la dagaalamayso argagixiso, waxay had iyo goor samayn doontaa dil,dhac,kufsi aan xad lahayn iyadoo caalamka kale u sheegaysa inay hawl ka hayso Soomaliya lana dagaalamayso argagixo joogta Soomaliya taasina waa mid dhibaato hor leh u keeni doonta Soomaalida oo dhan.
waxaynu ognahay in imika wadamada quwadda leh markay rabaan inay dagaal qaadaan u adeegsada dagaalkooga kelmadu siyaasadeed oo ay isaga jeedinayaan caalamka kale si uu hawlgalkoodu u suurto galo sida weeraradii lagu qaaday Afgaanistaan iyo Ciraaq taasi oo Maraykanku ku andocoonayey inuu la dagaalamayo argagixiso markasta oo la dilo dad ama hawl gal la fuliyo lagu tilmaamo mid qayb ka ah ladagaalanka argagixisada caalamka. Hadaba ta Ethiopia ay maanta waddo taasi kama foga waxaana intaasi sii dheer in Ethiopia tahay saaxiibka ugu weyn Africa ee Maraykanku leeyahay una fulin karta danaha Maraykanka.
Ugudambayntii waxaan usoo jeedin lahaa waxgaradka,aqoonyahanada, culumada iyo dhamman bulsho weynta Soomaaliyeed meelkastoow joogaan inay ogaadaan ujeedada Ethiopia ay ku rabto inay ciiidamo khasaba u dirto gudaha Soomaaliya tahay inay xasuuqaan Seddaxda milyan ee Mugadisho oo ay u haystaan inay yihiin argagixiso halkaasna ay kaga faa’iidaystaan aargoosasho laxaad leh.
Hadaba waa inay Soomaalidu sameeyaan isu duubni si ay uga hortagaan guumaysi dambe oo dalkooga qabsada,Kaalmana siiyaan qof walba oo soomaali ah oo dagaal la kala hortagi Ethiopia.
Dahlia Wasfi : “No Justice No Peace”