Maleeshiyaadka Dowladda Xamar ayaa xalay wadada Makkah Al Mukaramah ku Dilay Muwaadin SOomaaliyeed oo la shaaciyay inuu ahaa Bajaaj-wade Isticmaalayay wadadaasi.
Sida ay sheegayaan dad goobjoogeyaal ah, Marxuumka waxaa dilkiisa ka dambeeyey Maleeshiyo Beeleed ka tirsan kuwa dowladda federalka oo saarnaa Gaari Cabdi Bile ah kuwaasoo iyagana maraayey isla wadada Makka Almukarrama.
Ma la oga sababta ciidamadan ay u toogteen marxuumkan oo ka mid ahaa garab raratada magaalada Muqdisho, waxaa meydka marxuumka loo qaaday saldhig Booliis oo ka agdhow goobta dilka uu ka dhacay.
Waxaa joogta iska ah dhibka loo gaysto shacabka ku nool Muqdisho,waxayna la daala dhacayaan, dil,boob,qafaal,dhaqaale iyo dulmi joogta ah.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS