DHAGEYSO:- Waa maxay cudurka kaduudiye, Maxaase lagu Daweeyaa

 

Muqdisho waxaa ka dilaacay cudur loo malaynayo in uu yahay midka Soomaalidu Kaduudiye u taqaan.

Dad badan ayuu cudurkaasi soo ritay kuwaasoo isbitaalada la geeyay.

Kaduudiye ama Kaduudshe, waa magac ay soomaalidu ula baxday xanuun safmar ahaa oo ka dillaacay dhulkay soomaalidu degto sanadihii 2004-2005.
Inkastoo xanuunka waagaas lagu wareeray oo dhakhaatiir badan oo bahda caafimaadka ah isku khilaafeen, qaar waxay dhaheen waa Dengue fever, qaarne waxay dhaheen Rift valley fever”.

Laakiin magaca saxda ee xanuunkaan waxaa la dhahaa “Chikungunya”, waa xanuun uu keeno jeermiska fayraska, waxaana lagu kala qaadaa qaniinyada kaneecada, waa sida malaariyada oo kale, calaamadaha ugu badan oo uu qofka dareemo waa qandho, kalagoysyo xanuun, kalagoysyo barar, madax xanuun iyo murqo xanuun, marmarka qaar wuxuu wataa faruuruc jirka ka soo yaaco.
Magaca xanuunka “Chikungunya” asal ahaantiisu waa luqadda sawaahiliga, macnihiisuna waa: “qallooc u socod”, qofka xanuunkaan qabo si toos ah iskuma toosin karo markuu soconayo, waa inuu is qalloociyaa xanuunka dartiis.
Waa xanuun laga yaqaano wadamada sawaahiliga ku hadlo iyo jasiiradaha ku teedsan Badwaynta Hindiya, laakiin waa xanuun si sahlan ugu faafi karo meelo cusub.

Dr Xanafi Cabdi Sheekh aadan oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaan ka wareysanay waxa kaduudiye yahay iyo sida loo daweeyo.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS